LA YAAB : Jaraaidka Bild Sport oo Qiso Cajiib ah ka qoray Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Fc Arsenal Robin Van Persie iyo Qisadaan oo noqotay mid uu Weeraryahankaan dheer yahay Xiddigaha kale ee Caalamka. !!
( WAR BIXIN TARJUMAN BY BILD SPORT) Weeraryahanka Qaranka Holland iyo Kooxda The Gunners Fc Arsenal Robin Van Persie Never marnaba ma dhicin inuu ku dul Hurdooday/Seexday ama la soo baxay Compuyuter-ka loo yaqaanaan Laptop-ka xiliyada uu saaran yahay Diyaarada Dusheeda.
Sida caadada ah Ciyaartooyda Caalamka marka eey dul saaran yihiin Diyaarada ama Tareemada dheereeya wexeey la soo baxaan Compuyuterada loo yaqaan Laptop-ka halka qaar eey galaan Hurdo dheer oo raaxo ah. Ciyaartooyda Qaranka Holland iyo kooxda Fc Arsenal marka uu la safro Weeraryahan Robin Van Persie waxa uu la soo baxaa Telefoonkiisa gacanta wuxuuna kula sheekeeystaa Saaxiibadiisa ,Xaaskiisa iyo Familkiisa halka Laacibiinta kale intooda badan eey la soo kala baxaan Compuyuutarka loo yaqaan Laptop-ka qaar kalena eey galaan Hurdo iyo Quuro dheer.
Robin Van Persie wuxuu xaqiijiyey xiliga uu Diyaarada dul saaran yahay ineeysan haba yaraatee Hurdada ka imaan ilaa laga gaaro halka eey kooxdiisa ama Qarankiisa u Safrayaan. Ciyaartooyda Qaranka Holland iyo kuwa kooxda FC Arsenal wexeey Van Persie ku naaneeysaan eray Soomaali ahaan u dhigma sidan (Ma seexde ama Soojeede)
Weeraryahan Robin Van Persie oo Qaranka Holland iyo kooxda Fc Arsenal laf dhabar u ah wuxuu ku dhashay 6-dii Bishii Agoosto sanadkii 1983-kii Caasimada labaad ee dalka Holland waa magaalada Rotterdam.
Kooxda Fc Arsenal oo Xiddigaan ka soo iibsatay sanadkii 2004-kii Naadiga Feyenoord Rotterdam ee Horyaalka Holland wuxuu ilaa hada kooxdiisa u saftay 238-kulan wuxuuna u saxiixay 102-Gool. Sanadkii 2005 ayuu Weeraryahan Robin Van Persie ku soo biiray Qaranka Oranjiga Holland wuxuuna 58 kulan oo uu saftay u dhaliyey 25-Gool.
Ciyaaryahan Robin Van Persie wuxuu Guursaday Jaceeylkiisii ama Lamaanihiisii oo u dhalatay dalka Marooko wexeeyna u dhashay markii ugu horeeysay Wiil Bishii Novembar sanadkii 2006, ka dibna wexeey mar labaad u dhashay Gabar bishii Oktoobar Sanadkii 2009-ka.
Weeraryahan Robin Van Persie wuxuu jecel yahay ama Happy-giisa uu yahay inuu Goolal ka dhaliyo kooxaha Manchester Utd iyo Ajax Amsterdam oo ah naadi ka dhisan Horyaalkii uu ka yimid ee dalka Holland.