Daniel Van Buyten Xiddigii ugu horeeyey ee Afkiisa ku qirtay inuu Caasi Waalidiin yahay " Waalidka hadii ay Dad xun yihiin Qasab ma ahan in la Caawiyo, Lacagteeyda anaa shaqeeystay iyaga ilama Shaqeeysan, wexeey doonaan ha u sheegaan Saxafada,, >> (Yaab iyo Inkaar badanaa, yaa dhalay isaga hadii uu Waalidkiis Lacag u diida?)
Difaaca Dhirirka badan ee Qaranka Beljemka iyo kooxda Fc Bayern Munchen Daniel Van Buyten ayaa waxaa lagu sheegay Caasi Waalidiin is qarin waayey ka dib markii uu Saxaafada horteeda ka yiri hadalo Jawaab ah oo ku socday Waalidkiis oo ku eedeeyey Hantida Malaayiinta ah ee uu qaato Wiilkooda ineey ka baahan yihiin .
Daniel Van Buyten oo u jawaabayey Saxaafada gaar ahaan Jaraaidka Kicker News oo ka soo baxa dalka Germany ayaa waxa uu yiri sidan : " Wexeey sheegaan ayeey waayeen Jaraaidka warka nuucaas ah qoray ama wareeystay Waalidkeeyga maxaa yeelay aniga iyo Waalidkeeyga wax xiriir ah ma laheeyn mudo aad u fog balse waxaan garan waayey waxa sheekadaan hada soo cusbooneeysiiyey iyo cida buun buunisay. Waalidka hadii ay Dad xun yihiin Qasab ma ahan in la Caawiyo, Lacagteeyda anaa shaqeeystay iyaga ilama Shaqeeysan, wexeey doonaan ha u sheegaan Saxafada,,
Yaabka iyo balaayda uu dhigay Laacib Daniel Van Buyten ma ahan mid Taariikh ahaan looga bartay Laacibiinta Caalamka maxaa yeelay Xiddigaha Caalamka kuwa isaga la midka ah ee qaata Malaayiinta Euro Waalid ay Lacag u diidaan iska daayee Xitaa Lacagtooda waxaa dhinacooda ka dhuuqa ama ka gurta Ina Adeer, Ina Abti iyo Ina Habaryar (Dhamaan Qaeraabada oo idil).
Aqlaaq xumada Afkiisa laga hayo Daniel Van Buyten wexeey tahay markii uu yiri " Waalidka hadii ay Dad xun yihiin Qasab ma ahan in la Caawiyo, Lacagteeyda anaa shaqeeystay iyaga ilama Shaqeeysan,,
Bal waa yaabee Waalidka hadii uu xun yahay xitaa soo lama soo hanuuniyo? Lacagta uu leeyahay anaa Shaqeeystay iyaga ila ma shaqeeysan hadii aysan dhali laheeyn ama markii ay dhaleen ka dib Wadada ku tuuri lahaayeen maanta Mr.Daniel Van Buyten ma u Ciyaari lahaa kooxda Fc Bayer Munich iyo Qaranka Beljemka? !!
FILO GOOR DHAW WARAR HAWADA KU SOO JIRA OO BAHDA XIRIIRIYE.COM KA YAABSADAY !!!!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!