Van Der Vaart oo u socda Liverpool ama Chelsea mid kood Iyo Man Utd oo Horyaalka ku bilaabeyso iyadoo Ciyaartoy badan ka dhaawacan yihiin.
Xidiga Real Madrid iyo Qaranka Holland Rafael Van Der Vaart ayaa ayaa waxaa soo shaac baxday inuu wada hadalo hoose kula jiro Kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo ka wada dhisan dalka Ingiriiska. Van Der Vaart oo iska cad inuu Real Madrid ka tagayo ayaa waxa uu sheegay shaqsi ahaan inuu meel kale aadi doonin oo aan ka aheyn Fc Liverpool ama Chelsea madaama si aad ah u doonayaan kooxaha ka dhisan Horyaalka Germany sida Kooxdisii hore ee Hambrug iyo Wolfsburg oo iyana dooneysa Laacib Van Der Vaart. Van der Vaart ayaa shaki ka muujiyey la sii joogista Real madrid iyo inuu Macalinka cusub ee Morinho Kursiga keeydka Binjiga geliyo taas oo suurto gal ah madaama Real eey soo wadato Ciyaaryahano cusub oo Morinho shaqi ahaantiisa uu doonayo.
***** kooxda Manchester Utd ayaa Horyaalka ku bilaabeyso iyada oo dhoor ciyaartoy ka dhaawacan yihiin*****
Macalin Sir Alex Ferguson ayaa shaki badan ka muujieyey Tababarka ciyaartooy diisa ka hor inta uusan bilaaban Horyaalka Ingiriiska. Sir Alex Ferguson ayaa cadeeyey ineeysan macquul aheeyn in horyaalka biloowgiisa eey ciyaaraan Laacibiinta kala ah Rio Ferdinand, michael Owen iyo Owen Hargreaves oo hada ku maqan horyaalka Mareykanka balse dhaawac dartiis xagaas loogu daayey. Ferguson ayaa sidoo kale cadeeyey in eey jiraan ilaa 3-ciyaar yahan oo kale oo aan loo bogin dhanka tababarkooda dhaawcyo yar yar oo eey qabaan awgeed.