R.Madrid oo ka naxsatay 92-Kun oo Taageerayaal ah, & Man utd oo Fc Chelsea dhulka ku jiiday (Halkaan ka daawo)
Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa waxaa eey ka naxsatay Kooxada L.A.Galaxy oo ka dhisan Gobollka Los Angeles ee Cariga Mareykanka.
Real Madrid oo looga hormaray 2-0 ayaa dabaal deg weeyn iyo faraxad waxaa bilaabay Taageerayaal kor u dhaafayey 92 kun oo qof oo soo camiray Garoonka.
Qeeybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa garoonka waxaa taktiko cusub la soo gashay Real Madrid iyo Tababarahooda cusub Jose Morinho oo Ciyaartii u badalay 2-3 eey Real ku badisay.
Goolasha Real waxaa 2-kamid ah saxiixay Gonzalo Higuain kan 3-aad waxaa racsaday X.Alonso . Boqorka garoonka waxaa noqday C.Ronaldo oo qoorta u galay Kooxda L.A.Galaxy difaaceedana celin waayeen.
kooxda L.A.Galaxy waxaa dhankooda cel celis ahaa oo Real madrid qoorta u galay Laacib London Donovan.
Community Shield : man Utd oo Chelsea Dhulka ku jiiday
Dad badan oo ku nool qaarada Yurub ayaa lacag badan ku qasaaray Ciyaarttii koobka Community shield oo Man td 3-1 Chelsea afka ciida u gelisay.
Dadka lacagta qasaaray ayaa qabay in Man Utd laacibiin badan ka dhaawacan yihiin Chelsea na aad u adag tahay sanadahaan balse Riyadaas ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay.
Goolasha Man Utd (Red Devils) waxaa u kala saxiixay: Berbatov, Hernandez & valencia Goolka Chelsea waxaa saxiixay S.Kalou.
La Soco Goor Dhaw Barnaamishkii La Yaab oo Maanta Xiiso gooni ah leh ( Muwaadin Soomaali ah oo ka yaabsaday Taageerayaasha Jarmalka)