Goobihii eey ku buuqi jireen Taageerayaasha ManU oo galabta & caawa xiran,* kulankii 161-aad, 85-sano ka dib Man City oo Iskoor cusub Cagaha uga tuntay Man Utd,* Rooney oo ku sigtay inuu ilmeeyo (Daawo Sawirka Gudaha),* Jonny Evans oo Balaayo u soo jiiday Red Devils,*Taageerayaasha Man Utd oo Old Trafford iskaga huleelay Ciyaarta oo 15 daqiiqo eey ka harsan tahay,* Robin Van Persie oo cel celis noqday iyo Xiddigaha Fc Chelsea oo Isbaaro loo dhigtay (Faaqidaada Premier League)
Galabta iyo Caawa goobihii eey iskugu imaan jireen Taageerayaasha kooxda The Red Devils Man Utd Albaabada ayaa la iskugu dhuftay waxaana laga reeystay Buuqii badnaa ee Taageerayaasha Shayaadiinta cas cas ManU. Ciyaartii Man Utd Vs Man City Kabteey ma aragtay ayaa ka dhacday maadaama Guuldaro nuucaan ah oo eey Man Utd kala kulanto Man City ugu dambeeysay 85-sano ka hor.
Manchester Unitediyo Manchester City wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska wuxuuna kulankaan oo ku dhamaaday 1-6 ahaa kii 161-aad oo eey wada ciyaaraan inta Taariikhda la ogyahay. Man City oo Ciyaar wanaagsan soo bandhigtay waxaa Goolasha xaflada furay Xiddiga Qaranka Talyaaniga balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana waa Mario Balotelli oo gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 32-aad 60-aad.
Difaaca Man Utd Jonny Evans oo Daqiiqadii 47-aad Man Utd Rooso ka qaatay ayaa taasi wexeey niyada u sii dhistay Xiddigaha Lacagta badan ku fadhiya oo Goolal Cajiib ah ku dabaal-degay. Weeraryahanka Qaranka Argentina Sergio Kun Agüero ayaa Man Utd u Sadaxeeyey Daqiiqadii 69-aad halka labo gool oo xiriir ahaa uu ku tuurtay Laacibka Qaranka Bosnia Edin Dzeko Daqiiqadihii 90-aad iyo 93-aad waxaana sidoo kale gool dhaliyey Laacibka reer Spain David Silva Daqiiqadii 91-aad.
Waa markii ugu horeeysay oo la arko in ka badan mudo 20-Sano ah Taageerayaasha kooxda Man Utd oo Garoonka Old Trafford iskaga huleelay Ciyaarta oo socoto. Goolka Agoonka ah waxaa Man Utd oo Dhulka lagu jiiday Niyada ugu dhisay xiddigooda Darren Fletcher Daqiiqadii 81-aad . Kulankaan oo ahaa Premier League kiisii 9-aad wexeey kooxda Man City Dariskeeda Man Utd ka kor martay 5-dhibcood. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=x2jBYiEHuLg
*** Dhanka kale Weeraryahanka Qaranka Holland iyo kooxda Fc Arsenal Robin Van Persie ayaa mudooyinkaan dambe waxa uu noqday cel celis ka dib markii uu kooxdiisa Arsenal kulan kaste Goolal muhiim ah u dhaliyey. Fc Arsenal Stoke City ayeey 3-1 ku qararamsatay waxaana Goolasha labo ka mid ah u saxiixay weraryahan Robin Van Persie oo cel celis noqday & Gervinho.
Fc Chelsea waxaa Isbaaro kulul u dhigatay kooxda reer London ee ka timid Serie B-da waa Queens Park Rangers oo 1-0 ku garaacday. Goolka Queens Park Rangers oo Rigoore ahaa waxaa Daqiiqadii 10-aad u saxiixay Xiddiga Qaranka Iceland Heidar Helguson. Fc Chelsea waxaa buuqooda la celin waayey oo Rooso laga siiyey ka dibna Ciyaarta laga saaray Ciyaartooyda kala ah Jose Bosingwa oo reer Portugal ah Daqiiqadii 32-aad iyo Didier Drogba Daqiiqadii 41-aad.
Tottenham 2-1 ayeey ku soo garaacay kooxda Blackburn Rovers waxaana labada gool u wada saxiixay Xiddiga Qaranka Holland Rafael van der Vaart Daqiiqadihii 15-aad iyo 53-aad.
HORYAALKA ENGLAND KOOXAHA WEXEEY ISBUUCAAN KU KALA BEXEEN QAABKAAN HOOSE:
22.10.
13:45
Wolverhampton
2:2
Swansea City
22.10.
16:00
Aston Villa
1:2
West Bromwich
22.10.
16:00
Newcastle United
1:0
Wigan Athletic
22.10.
16:00
Bolton Wanderers
0:2
AFC Sunderland
22.10.
18:30
FC Liverpool
1:1
Norwich City
23.10.
14:30
FC Fulham
1:3
FC Everton
23.10.
14:30
Manchester United
1:6
Manchester City
23.10.
14:30
FC Arsenal
3:1
Stoke City
23.10.
16:00
Blackburn Rovers
1:2
Tottenham Hotspur
23.10.
17:00
Queens Park Rang.
1:0
FC Chelsea
HORYAALKA INGIRIISKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDA HOOSE :