Askarigii ugu dambeeyey ee ka tirsan Ciidamada Mareeykanka oo laga soo saaray dalka Ciraaq & Mareeykanka oo shaaciyey Tirada kaga dhimatay guud ahaan Dalka Ciraaq (Daawo Sawirada+War bixin)
Goobihii ay ka bexeen Ciidamada Mareeykanka ee ku yaalay dalka Ciraaq waxaa ku yaacay dad Shacab ah halka qaarkood ay la wareegeen Ciidamada Milatariga dawlada Ciraaq. Qaar ka tirsan Askartii Mareeykanka eheed ee ka baxday dalka Ciraaq ayaa hada wexeey ku sugan yihiin wadanka Kuweit si ay halkaas uga sii duulaan.
Xerooyinka ugu waa weeyn ee Ciidamada Mareeykanka oo ku yaal Ford Hood Texas iyo Virginia waxaa soo gaaray intii badneed Ciidamadii iyo Taangiyadii laga soo saaray dalka Ciraaq.
Goobta ugu weeyn ee Ciidamada Mareeykanka ay ka faaruqiyeen dalka Ciraaq waa magaalada Nassirija oo 300 oo Km kaga beegan dhanka Koonfureed magaalada Caasimada ah ee Baqdaad. 8 Bishii Maarso sanadkii 2003 ayeey Ciidamada Mareeykanku weerareen dalka Ciraaq xili uu xukameyey Marxuum Saadam Xuseen waxaana amarkii Ciraaq lagu weeraray dhiibay Madaxweeynihii hore ee dalka Mareeykanka Mr.George W. Bush .
Dawlada Mareeykanka wexeey shaacisay in guud ahaan Dagaalkii Ciraaq ay kaga dhimatay Askar Tiradooda lagu sheegay 4.500 halka Dhaawaca ay qirsan yihiin uu yahay in ka badan 30.000 oo Askari. Mareeykanka ayaa sidoo kale wexeey shaaciyeen Dhimashda Dadkii Ciraaqiyiinta ahaa ee siyaabaha kala duwan ugu geeriyooday dalka Ciraaq kuwaas oo lagu sheegay tiradooda in ka badan 126.000 oo Qof.
Qeeybta tira koobka Qaxootiga ee Qaramada Midoobay wexeey dhankooda sheegeen Shacabkii ka qaxay dagaalada dalka Ciraaq ee Dunida u kala hayaamay ineey Tiradooda kor u dhaaftay 1,75 Milyan oo Qof kuwaas oo intooda badan dalalka Yurub iskaga dhiibay Qaxootinimo.
Gudaha dalka Mareeykanka waxaa ka socdo Dabaaldegyo ay wadaan Shacab fara badan oo doonayey in Ciidamada Mareeykanka laga soo saaro dalka Ciraaq wexeeyna aritaan cusub Guul u tahay Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama oo xiligii la dooranayey balan qaad ku dhiibay inuu Ciidamada Mareeykanka ka soo saari doono dalka Ciraaq.
Masuulka hogaamiya Dawlada Ciraaq Mr.Nuri al-Maliki ayaa sidoo kale arinkaan soo dhaweeyey wexeeyna Dawlada Mareeykanka ugu deeqday dalka Ciraaq 6 Bilyan oo US-Dollar ah Lacagtaas oo loogu tala galay in wax looga qabto adeegyada guud ee sanadka soo socda 2012-ka .