Aroos ka dhacay dalka Mareykanka ayaa Eey ka mid ah Eeyihii Marti sharafta wadatay inta uu u dhaqaaqay dhankii Aroosada ka dibna ku Kaadiyey (Layaabka Dunida)
Qaar badan oo ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa dadweeynaha ku nool waxa eey aaminsan yihiin caado dhaqameed soo jireen ah oo ah in qofkii Taajir ama Maalqabeen weeyn ah oo uu Eey ku kaadiyo in uu dhaqsi ku beeli doona ama tartiib tartiib ku weeyn doono Maalka uu heeysto. Dhanka Ciidamada ayaa caado dhaqameedkaan sheegtay inuu Dagaal ku dhiman doono halka Darawalada eey iyaguna ka cabsadaan haduu Eeey ku kaadiyo ineey Aaqirkooda Shil ku dhiman doonaan. Hadaba Aroosyada & Xafladaha maxeey ka aaminsan yihiin Caado Dhaqameedkaan soo jireenka ah ee laga aaminsan yahay gobolo badan oo ku yaal dalka Mareykanka? . Dadka ayaa ka aaminsan Arooskii ama Caruusadii uu Eeey ku Kaadiyo inuu aaqiritaanka bur buri doono Jaceeylkooda oo eeysan wax oolaad ah si wanaagsan iskugu dhali doonin. Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa dhanka Eeeyga waxa eey ka qabaan fikrad midaan ka duwan, Somaalida ayaa qabto in meelaha ama guryaha uu xiliyada saqda dhexe ah ee dadku jiifaan Eeega ku Ooyo in deriska ama reer kaas uu qof ka dhiman doono. Caado Dhaqameedka ayaa ah wax dunida oo dhan dadku hadba si qaldan ama fikrad qadiimi ah u is ticmaalaan. Hadaba Aroos ka dhacay Doraad dalka Mareykanka ayaa Eeey ka mid ah Eeeyihii eey wateen Marti sharaftii ka soo qeeyb gashay Aroska inta uu u dhaqaaqo dhanka Caruusada isaga oo la ciyaarayey Eeeyo kale mar qura Kaadi ku sii daayey, waxaana arinkaan la yaabay oo afka wada qabsaday dadkii meesha u yimid ineey u hambalyeeyaan Caruuska & Caruusada. Halkaan ka Daawo: http://www.youtube.com/watch?v=cQN5LrUnW3E&feature=player_embedded.