Manchester United ha loo Duceeyo beerta ayeey ku jirtaa,* Thomas Vermaelen oo ka yaabsaday Taageerayaasha The Gunners Fc Arsenal,* Chelsea oo ku ciil baxday Wolverhampton Wanderers (Faaqidaada Premier League)
Qaar ka mid ah Kooxaha ugu caansan Garoomada kubada cagta ayaa waxaa la soo gudboonaatay isku dhex yaac iyo Daciifnimo aan horay looga baran.
Kooxihii mudada dheer isku dhex yaaca ku jiray ee Balaayada heeysatay ayaa hada kacsan oo boorka iska jafay halka kuwii horay u kacsanaan jiray ay isku badaleen kooxo lagu sii tashto Dhibcahooda (Waa Yaab).
Waxaa boorka iska jafay oo kacsan maalmahaan kooxaha kala ah Fc Arsenal, Juventus iyo Real Madrid halka kooxihii kacsanaan jiray ee awooda lagu tirin jiray ay isku badaleen kuwo la garan waayey meel eey u socdaan weliba marka aay Ciyaarayaan Kubada dadka intiisa badan waxaa qabato Hurdo maadaama Garoomada ay la soo dhex galaan isku dhex yaac iyo Paasaska nuuca loo yaqaan Jinni Jinniga ee Kubada alloow iga bixiga ah.
Kooxaha waa weeyn ee hada sida tooska ah Beerta ugu jira waa Manchester United, Inter Milan iyo Fc Chelsea. Kooxahaan kuma yara Ciyaartooyda ama Laacibiinta u ciyaarta ee waxaa iska caadi ah in marba cudurka Boolada uu asiibo ama ku Habsado koox qatar ahaan jirtay.
Inta badan arinkaan waxaa loo sababi karaa labo arimood oo kala ah 1-Tababaraha kooxahaas oo lagu fahmo qaabka uu Ciyaartooyda Taaktiko ahaan u taba baro ama dheelsiiyo iyo 2-Laacibiin badan oo kooxahaas ka dhaawacma marka Binjiga la keenana eey is fahmi waayeen kuwii horay Tutulaaraha u ahaa.
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League waxaa la ciyaaray kulankiisii 13-aad waxaana Bareejo 1-1 ah lagu qabtay kooxda Man Utd oo gurigeeda ku ciyaareeysay. Shayaadiinta Cas Cas ManU waxaad moodaa ineey ka sii degayaan Tariinka Tartanka qaadista Horyaalka England.
Man Utd 1-1 ayeey ku kala bexeen kooxda Newcastle United . Goolka ManU waxaa Daqiiqadii 49-aad u saxiixay xiddiga reer Mexico. Goolka Bareejada kooxda Newcastle waxaa u dhaliyey Weeraryahanka Qaranka Senegal Demba Ba oo dhawaan laga soo iibiyey kooxda Hoffenheim oo ka dhisan horyaalka Bundesligaha dalka Germany (Daqiiqadii 64-aad).
*** Macalinka Fc Chelsea Andre Villas-Boas wuxuu ka badbaaday buuq kaga imaan lahaa maamulka kooxda Fc Chelsea oo ku qanci waayey qaabka uu wax u tababaro . Fc Chelsea wexeey 3-0 faraqa u gelisay kuna ciil baxday kooxda Wolverhampton Wanderers .
Goolasha Fc Chelsea waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah John Terry (7.), Daniel Sturridge (29.) iyo Juan Mata (45.)
*** Thomas Vermaelen Xiddiga Qaranka Beljemka ee u ciyaara kooxda Fc Arsenal wuxuu ka yaabsaday Taageerayaasha kooxdaas ka dib markii uu kooxdiisa Gool ka dhaliyey daqiiqadii 65-aad taas oo sababtay ineey Taageerayaasha Fc Arsenal niyada Gashtaan Guuldaro eey kala kulmi doonaan Dariskooda Fulham.
Thomas Vermaelen ayaa dhamaadkii Ciyaarta xiliga loo yaqaan kala guurka waa Daqiiqadii 82-aad wuxuu Goolka Bareejada ka xareeyey kooxda Fulham Goolkaas oo ahaa mid ay aad ugu farxeen Taageerayaasha The Gunners.
Arsenal kulankaan uu Xiddigeeda goolka ka dhaliyey hadii ay badin leheed wuxuu noqon lahaa kii 6-aad oo isku xiga weliba ay wada badiyaan. Kulan adag oo waxba aan la isku reeban doonin wuxuu galabta dhex mari doonaa kooxaha kala ah Fc Liverpool iyo Manchester City oo hogaanka Horyaalka England laga fujin la yahay.
Horyaalka dalka England ee Premier League kooxaha wexeey isku macsalaameeyeen qaabkaan :
| 26.11. |
13:45 |
Stoke City |
3:1 |
Blackburn Rovers |
| 26.11. |
16:00 |
West Bromwich |
1:3 |
Tottenham Hotspur |
| 26.11. |
16:00 |
AFC Sunderland |
1:2 |
Wigan Athletic |
| 26.11. |
16:00 |
Norwich City |
2:1 |
Queens Park Rang. |
| 26.11. |
16:00 |
Manchester United |
1:1 |
Newcastle United |
| 26.11. |
16:00 |
FC Chelsea |
3:0 |
Wolverhampton |
| 26.11. |
16:00 |
Bolton Wanderers |
0:2 |
FC Everton |
| 26.11. |
18:30 |
FC Arsenal |
1:1 |
FC Fulham |
| 27.11. |
14:30 |
Swansea City |
-:- |
Aston Villa |
| 27.11. |
17:00 |
FC Liverpool |
-:- |
Manchester City |
Horyaalka Ingiriiska waxaa loo kala horeeyaa sidan :
| 1 |
Manchester City |
12 |
11 |
1 |
0 |
42:11 |
31 |
34 |
| 2 |
Manchester United |
13 |
9 |
3 |
1 |
30:13 |
17 |
30 |
| 3 |
Tottenham Hotspur |
12 |
9 |
1 |
2 |
26:16 |
10 |
28 |
| 4 |
Newcastle United |
13 |
7 |
5 |
1 |
19:12 |
7 |
26 |
| 5 |
FC Chelsea |
13 |
8 |
1 |
4 |
28:17 |
11 |
25 |
| 6 |
FC Arsenal |
13 |
7 |
2 |
4 |
26:23 |
3 |
23 |
| 7 |
FC Liverpool |
12 |
6 |
4 |
2 |
16:11 |
5 |
22 |
| 8 |
FC Everton |
12 |
5 |
1 |
6 |
15:16 |
-1 |
16 |
| 9 |
Norwich City |
13 |
4 |
4 |
5 |
19:21 |
-2 |
16 |
| 10 |
Aston Villa |
12 |
3 |
6 |
3 |
16:17 |
-1 |
15 |
| 11 |
Queens Park Rang. |
13 |
4 |
3 |
6 |
14:24 |
-10 |
15 |
| 12 |
Stoke City |
13 |
4 |
3 |
6 |
13:23 |
-10 |
15 |
| 13 |
West Bromwich |
13 |
4 |
2 |
7 |
12:20 |
-8 |
14 |
| 14 |
Swansea City |
12 |
3 |
4 |
5 |
12:16 |
-4 |
13 |
| 15 |
FC Fulham |
13 |
2 |
6 |
5 |
15:16 |
-1 |
12 |
| 16 |
AFC Sunderland |
13 |
2 |
5 |
6 |
15:15 |
0 |
11 |
| 17 |
Wolverhampton |
13 |
3 |
2 |
8 |
13:23 |
-10 |
11 |
| 18 |
Bolton Wanderers |
13 |
3 |
0 |
10 |
19:31 |
-12 |
9 |
| 19 |
Wigan Athletic |
13 |
2 |
3 |
8 |
12:24 |
-12 |
9 |
| 20 |
Blackburn Rovers |
13 |
1 |
4 |
8 |
17:30 |
-13 |
7 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)