Somaalida degan Dalka Ingiriiska oo Kooxda Arsenal aad u Taageera, Halkaan ka Daawo iyaga oo Boorar la dhextaagan mar walba Garoonka, Dhageyso Heesta eey Taageerayaasha Arsenal ugu Jecel yihiin(Iyo Warakii Sport ee ugu dambeeyey Akhri)
Ku biiri Aqoontaada Sport.
Kooxda kubada cagta ee Arsenal oo inta badan Caalamka looga yaqaan The Gunners ayaa waxaa sii laba jibaarmay Taageerada eey u hayaan Dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool Dunida Daafaheeda.
Taageeryaasha Jalbeeysan ee Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay ineey 2-Arimood ugu wacan tahay sii badashada Taageerenimo ee ku wajahan Naadiga Arsenal London.
1-Arsenal oo eey u Ciyaaraan Ciyaartooy aad u da´yar oo inta badan magac ku leh Caalamka iyo Qaramada eey u kala dheelaan.
2-Arsenal oo ah Kooxda kaliyah ee soo saarta Ciyaartooyda Madoow ee mar kasta ka yaabisa kooxaha ugu waa weeyn Qaarada Yurub.
Akhristoow ma la socotaa in Daraasad la baaray oo aan u kala eexan Kooxaha horyaalka Ingiriiska eey 100% sidaan soo bandhigtay >>
1-Taageerayaasha ugu Xoogan Qaarada Africa iyo Yurub waxa eey Taageeraan naadiga Arsenal & Qaar wadamada Carabta ka mid ah.
2.Taageerayaasha ugu Xoogan ee Kooxda Manchester Utd waxa eey ku nool yihiin Qaarada Asia.
3.Taageerayaasha ugu Xoogan ee Kooxda Fc Chelsea ayaa waxa eey ku nool yihiin Mareykanka iyo Qaarada Latin America.
4-Taageerayaasha ugu xoogan ee Kooxda Liverpool ayaa waxa eey ku nool yihiin Gudaha Dalka Ingiriiska & Australia.
Akhristoow ugu dambeentii Xiriiriye.com Kooxaha makala Jeclo ee waxa uu Jecel yahay sida balanteenu eey eheed dhamaan Kooxaha Caalamka wixii cusub oo ku soo kordhana Xiriiriye.com kama Xishoodo inuu xog & Xaqiiqo idinka siiyo Maadaama aan mar walbo Sawiro iyo video Cadeen ah idiin soo raacino warar keena !! .
Qormadeena oo Maanta Kooxda Arsenal daba dhigatay ayaa waxaa la xaqiri karin in Kooxda Arsenal Sanad-kaan aad u adag tahay si weyna iskugu soo diyaarisay Qaadista Horyaalka England balse waxaa iyana aan la dhaleeysan karin oo aad u adag Kooxda Fc Chelsea oo ilaa iyo hada wax gool ah laga dhalin waayey halka eey 3-kulan oo kaliyah 14-Gool shabaqa ku hubsatay, Man Utd ayaa la saadaalin karin maadama inta badan markii la Caayo ama la yiraahdo Man Utd weey ka taalaa sanadkaan ayey sii kacsadaan oo Horyaalka Ingisriiska qaadan ama Dirqi uga fakataa kooxda qaado.
Kooxda Arsenal ayaan Maanta idinkaga heeynaa Muqaalo la yaab Badan oo Guul, Guuldaro, Dhaawac, Qeeylo & Buuq, Murugo iyo Fraxad-ba xambaarsan oo soo maray Xiliyadii ugu dambeeyey Kooxda The Gunners Boys( Arsenal)
Heesaha eey Taageerayaasha Kooxda Arsenal London ku ooyaan ayaa waxaa ka mid ah sidan:
1-fire Gunners to away victory ...
2-Junior Gunners Awards : fade Long may they reign So let us all give out with Up the Gunners, Up the Gunners Goal! ...
3-Gunners, / We're the lads in Red and White, / We can play the football game, / And we can play it right. / While there's still a minute left, ...
Ugu dambeentii inta aanu u gudbin Wararkii ugu dambeeyey ee xiriiriye World Sport News bal halkaan Hoose ka Daawo Wacdarah Arsenal oo Video ah weliba aan Soomaali jalbeeysan ku dhex arki doontaan : http://www.youtube.com/watch?v=U1SD0yQmRsM.
Wararkii ugu dambeeyey ee Ciyaaraha ayaa sidan nagu soo gaaraya.
* Diyaaradii waday Laacib Robinho oo la xaqiijiyey ineey Maanta 12:20 daqiiqo soo caga dhigtay Garoonka weeyn ee Magaalada Milano.
Samba Robinho ayaa waxaa horay loogu galbiyey dhanka Dhaqtarka caafimaadka u baara naadiga milan waa ninka la yiraahdo Armando Gozzini.
Robinho ayaa lagu wadaa in Heshiis ku kacaayo 15 milyan oo Euro isla maanta saxiixo inta uusan soo xirmin suuqa kawaanka Ciyaartooyda waxaana yaab noqotay Akhristoow in kooxda Milan la soo baxday weji aan horay looga baran kaas oo ah Suuqii Kawaanka Ciyaartooyda oo xirmi raba ayaa Milan waxa eey bilooday Laacibiin aruursi taas oo macnaheeda lagu sheegay cadaadis weeyn oo uga yimid Taageeraasha Milan oo darbiyada kooxda ku buufiyey sidan: Juventus & Inter ciyaartooy ayey noo soo aruursadeen lacagta Milan eey Barkinta ka dhigatay Aakhiro ha la aado !.
Sidoo kale kooxda Milan ayaa biloowday waji cusub oo ah sida juventus kaas oo eey bilaabeen markii uu u yimid Ibrahimovic wexeeyna iska direen Klaas Jan Hunterlaar oo kooxda Schalke u qaxay markii uu Zlatan Ibrahimovic yimid waxaana hada isna Beec ka ah Milan oo Robinho haduu soo xero galo caawa lagu wadaa inuu AS Roma ama Juventus u wareego Xiddiga Marco Borriello.
* Kooxda Bayern München oo uu ka dhaawacan yahay Laacibkooda Ajen Robben ayaa maanta soo bandhigtay doonistooda Xiddiga Kooxda Real Madrid iyo Qaranka Holland Rafael Van Der Vaart.
* Waxaa kaloo wararkii ugu dambeeyey eey sheegayaan in Rugcadaagii dhexda ee Qaranka Italy iyo Naadiga Juventus Mauro Camoranesi uu u wareegay Kooxda Stuttgart ee horyaalka Jarmalka.
Mauro Camoranesi ayaa waxa eey aad iskugu kacsanaayeen Macalinka cusub ee Juventus Del Neri oo doonayey in Camoranesi uu Binji ku cabo maadaama uu soo aruursaday Ciyaartooy badan halka Taageerayaasha Juventus eey ku mudaharaadeen naadiga iyaga oo diidan in Mauro Camoranesi uu Binji galo sheegayna in la dheelsiiyo ama la siiyo fursad uu kooxo kale oo ka baxsan Horyaalka Talyaaniga looga gadi karo ama ugu ciyaari karo.
Akhristoow inta aan warkaan diyaarineynay ayaa waxaa soo dhacay War New ah oo Tv Sky Sport hada siidaayey, Warkaan ayaa ah in 100% eey AC Milan la wareegtay laacib Robinho oo Dhaqtarkii caafimaadka sheegay inuusan dhaawac qabin oo lafihiisa eey wanaagsan yihiin.
Filo Goor dhaw Warar Xiiso badan:
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com