War uu Qoray Jaraaidka Caanka ah ee Tuttosport oo ka yaabisay Bahda Xiriiriye.com & Qisadaan oo noqotay tii ugu hadal heeynta badneed dalka Talyaaniga (TV-ga RAI ONO OO SII SHAAC BAXSHAY WARKAAN ) !!
Barnaamishka (LA YAAB SPORT) : Jaraaidka caanka ah ee Tuttosport oo ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa Qoraal uu shalay qoray waxa uu maanta gaaray in lagu soo bandhigo Tv-ga Rai Ono oo isna sidoo kale laga leeyahay dalka Talyaaniga. Absolut Qisadaan ayaa ka yaabsatay Bahda www.xiriiriye.com oo aalaaba soo aruuriya wararka dhanka Sportiga ugu hadal heeynta badan ee Caalamka.
Jaraaidka Tuttosport waa midka 2-aad ee loogu jecel yahay Qoraaladiisa dhanka Ciyaaraha marka laga reebo Wargeeyska La Gazzetta dello Sport oo dalka Talyaaniga No 1 ka ah.
Tuttosport waa Jaraaid aad iyo aad u cimri dheer waxaana la sameeyey 11-kii Bishii Juulay Sanadkii 1945-kii xiligaas oo eey biloowday markii ugu horeeysay Qoristiisa Haweeneey lagu maga caabi jiray Renato Casalbore oo si weeyn u jecleed Ciyaaraha kubada Cagta.
Jaraaidkaan oo isbuucii 2-jeer ka soo bixi jiray dalka Talyaaniga ayaa markii ugu horeeysay waxaa Daily ama maalinle laga dhigay Taariikhdu markeey eheed 12-kii Bishii Maarso Sanadkii 1951.
Erayga Tuttosport oo Af Talyaani ah Of English ahaan waa AllSport,Af Soomaali ahaana waa Ciyaarihii oo dhan ama Ciyaar kasta. Jaraaidkaan waxaa maalintii eey ugu yaraato Aqrisato Gudaha dalka Talyaaniga Dad lagu sheegay 894.000 oo Qof.
Hadaba waa maxay Qisada uu Tuttosport kaga yaabsaday Shacabka dalka Talyaaniga oo ah Dad u googo´ay dhanka Ciyaaraha kubada cagta wexeeyna si weeyn u kala Taageeraan kooxaha ka dhisan Horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A-ga sida Ac Milan Juventus, Inter Milan, As Roma, SS Lazio, Napoli, Fiorentina, Fc Parma ,Palermo iyo Udinese Calcio.
Ciwaankii uu Tuttosport qoray Shalay oo noqday mid loo iibsaday warkii uu qoray dartiis ayaa sidaan ahaa Af Soomaali ahaan markaan u Tarjuno :
" Taageerayaasha Juventus ee dalka Talyaaniga oo Raaxo iyo Nabadgalyo ku Nool halka Taageerayaasha Juventus ee dalka Somalia Qaraxyo iyo Cabsi ku nool yihiin (Yaab),,
Jaraaidka ayaa war bixintaan waxa uu soo raac siiyey dhoor Sawir oo muujinayey Mid ka mid Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Taageerta kooxda Juventus oo ka qeeyb qaadanayey Gurmadkii iyo caawintii Dadkii wax ku noqday Qaraxyadii lagu laayey Arday lagu waday in loo qaado dalka Turkiga oo eey ka heleen Deeq Waxbarasho (Sawirka beejka kore fiiri Wiilka ku Labisnaa Funaanada Juventus,Qaraxaas waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Talaadada eheed 4.10.2011)
Jaraaidyada Caalamka ugu magaca dheer ayaa wexeey yihiin intooda badan kuwo wararka eey qoraan meel dheer taabanaya waxaana Xaqiiqo ah oo uu hadalkaas ku socday Taageerayaasha kooxaha Talyaaniga oo Raaxo ku nool halka kuwa Soomaaliyeed eey Qaraxyo iyo Madaafiic ku dhex nool yihiin weliba sidaas darteed eey sii Taageerayaan kooxaha Horyaalka Talyaaniga.
Wiilka Funaanada ama Maaliyada Juventus ku labisnaa ee War bixinta lagu soo qaatay waxa uu Xirnaa sida Sawirada ku cad Lambarka 11-aad oo ah Mucjisadii Qadka dhexe ee kooxda Juventus iyo Qaranka Czech Rep. waa Pavel Nedved . Qisadaan iyo Sawiradaan waxaa sidoo kale Wararka Wargeeysyada ku soo qaatay Tv-ga Rai Ono !!!
Halkaan ka Daawo Goolashiisii Laacib Pavel Nedved>>> http://www.youtube.com/watch?v=wmBE3L9E8Zw .
Halkaan ka Daawo Qaraxii dhacay >>> http://www.youtube.com/watch?v=UB2qRRZKpHk