 |
Halkaan waxaa kala socon kartaa Mucjisooyinka Caalamka & Barnaamishka Ila Qosol.
... No Links Defined ...
Videos - barnaamijka layaab

... No Links Defined ...
|
|
 |
turkiga |
 |


Taageerayaasha Turkiga ee ku nool Germany oo ka yaabsaday Shacabka jarmalka( Qiso Yaab badan) Waxaanu Maanta halkaaan ugu heeynaa Aqristayaasha ku xiran Bogaan Xiriirye-Sports Qiso Mucjiso badan oo uu Maanta Qoray Wargeyska Bild-Sport ee ka soo baxa Dalka Jarmalka. Inta badan waxaad Xiriirye.com uga bogan doontaan wax yaalaha Mucjisooyinka ah ee ka dhaca Maslaxa Sportiga maadaama uu wato Magaca Xiriiriye, waxaa kaloo Shuruud la´aan meesha aan ka marneeyn wararkii ugu dambeeyey ee Ciyaaraha iyo Ciyaartooyda la kala gatay iwm. Qisadaan hadaanu u gudo galno bal Aqristoow ku biiri Aqoontaada. Qaar badan oo ka mid ah Magaalooyinka Dalka Germany waxaa ku nool Jaaliyad Turkish ah oo mudo ka badan Kontomeeyo ama kaba sii badan degnaa dalkaan Germany. Turkiga ayaa inta badan dhisa Guryaha, Wadooyinka,, Warshadaha, Iskuulaadka iwm. Hadaba Magaalooyinka eey Turkiga ku Xoogan yihiin ayaa waxaa ka mid ah kuwan: Köln, Düsseldorf, München, Frankfurt, Stuttgart, Hambrug iyo Berlin . Waxaa dhacday 10-kii-Sano ee ugu dambeeysay in Taageerayasha Turkiga ee dhanka Kubada Cagta ku waalan eey sii labo jibaarsamaan meel kastoo Dunida eey ka joogaan . Laga soo bilaabo Koobkii Addunka 2002-dii ee lagu qabtay wadamada South Korea & Japan ayey Turkiga ka galeen kaalinta 3-aad intaas wixii ka dambeeyey waxeey noqdeen Shacabka Turkiga iyo Ciyaar yahanadooba kuwo Masalaxa Kubada cagta aanan sahal uga harin. Aqristoow World Cup 2010 oo Turkiga eeysan ku jirin Sanad-kaan ayaa waxaa dhacday in Jaaliyadooda degan Germany marka eey Dabaal deg bilaabaan Qoomiyada Jarmalka sida ciyaarihii eey Ingiriiska 4-1 uga badiyeen iyo Argentina oo eey 4-0 uga badiyeen ayaa waxaa Dabaal dega dhinacooda aanan ka harin turkiga oo Gawaarida ku soo sharaxay Calamada Bisha & xidigta ah ee Gaduudan iyo weliba guryaha eey degan yihiin oo eey Daaqadaha ka soo laadlaadiyeen sidii in Turkigu World Cup uu dheelayo ama aad Ankara & Istanbul joogtit. Arintaan ayaa waxaa la yaabay oo Mucjiso ku beertay Dadyoowga jarmalka oo qaba in hadii Turkiga ku jiri lahaayeen World Cup 2010 eey intaas buuqooda ka sii badnaan lahaa. Wargeyska Bild-Sport oo soo bandhigay sida Sawirka kore idinkaga muuqato 23-Calan oo Taageerayaasha Turkiga ee degan Jarmalka daaqadaha ka soo laadlaadiyeen halka Jarmalka uu 1-Calan u saaran yahay ayuu Wargeysku ku sheegay Mucjiso la yaab keeda leh. Waxaa intaas sii dheer in Gawaarida eey ka wada safeen Calanka turkiga taas oo Dadka ka yaabisay marka eey arkaana u maleenaya in Turkigu soo baxay oo Ciyaaraha xiligaas ka socday South Afrika qeeyb ka yihiin. Ugu dambeyntii Dadyoowga Turkiga ayaa waxaa lagu tiriyaa Dad ad-adag oo Dhaqankooda iyo Wadan jaceylkooda aad uga wada siman yihiin, halka Dalalka Asia, siiba Carabta ama Afrikaanta si fudud loo dhaqan badeli karo. BY: Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarjuva9@hotmail.com

|
| |
|  |
Halkaan waxaad kala socon kartaa heeso cusub (new songs) oo u badan heesaha cayaaraha.
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
Heeso video ah
|
|