Qaranka Tunisia oo iska bartay Xulka Marooko iyo Gaaboon oo Sacab fara badan ka dib hilfaha u qaaday Xiddigaha Niger (Halkaan ka Daawo African Cup of Nations)
(GURUUB C) Koobka Qaramada Africa oo weli si xiiso leh uga socda dalalka Gaabon iyo Equatorial Guinea ayaa waxaa Guuldaro Taariikhi ah dhabarka loo saaray Xulka Marooko oo mudo aad u fog iska dhicin la´Laacibiinta Qaranka Tunisia.
Ciyaar kulul oo dhex martay labadaan dal oo Taariikh ahaan aad i isku neceb waxaa 1-2 lagu suuldaaray Marooko oo Goolal Cashir ah laga dhaliyey.Xulka Tuuniisiya waxaa Goolasha u kala saxiixay Khaled Korbi oo dhanka tuurista Bilisiyoonka gacan loogu taagay wuxuuna Gool laad xor ah (Bilisiyoon) ka dhaliyey Daqiiqadii 34-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore. Goolka 2-aad ee Tunisia oo ahaa midkii ugu Quruxda badnaa ee la dhaliyo African Cup of Nations 2012 waxaa Daqiiqadii 75-aad u saxiixay Xulka Tuuniisiya Youssef Msakni oo u safta kooxda Esperance wuxuuna Gambis dhulka la dhigay Difaaca reer Marooko.
Qaranka Tunisia Xiddigihii ugu wanaagsanaa wexeey kala ahaayeen Sami Allagui, Karim Haggui iyo Ammar Jamal oo dhamaantood ka Ciyaara Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany.Goolka Agoonka ah ee Xulka Marooko waxaa Daqiiqadii 86-aad u dhaliyey Ciyaaryahan Houssine Kharja.
Weeryahanka kooxda The Gunners Fc Arsenal iyo Xulka Marooko Marwane Chamakh ayaa Ciyaarta laga saaray Daqiiqadii 77-aad ka dib markii uu u bogi waayey Macalinka Xulka Marooko Mr. Eric Gerets oo u dhashay dalka Beljemka waxaana Laacib Chamakh lagu badalay Weeraryahan Yousuf Al Arabi.
*** Dhanka kale isla Guruubkaan (C) waxaa wada Ciyaaray Qaranka Gaaboon oo sanadkaan marti galinaya Koobka Qaarada Africa iyo xulka Niger oo aan waligood ka soo qeeyb galin koobka Qaramada Africa (African Cup of Nations ).
Ciyaartii dhex martay labadaan Xul wexeey ka dhacday Caasimada Gaboon ee Libreville waxaana mar quraa Garoonka Qaranka Gaboon soo xaadiray 40.000 oo Taageerayaal ah kuwaas oo Sacab iyo Qeeylo ku jahwareeriyey Xulka Niger oo nafta u yaabay.
Gaboon oo Niger 2-0 ku garaacday waxaa Goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Pierre-Emerick Aubameyang Daqiiqadii 30-aad iyo Stephane Nguema Daqiiqadii 45-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta & Xamaasadii Garoonka http://www.youtube.com/watch?v=aSUum-XvKoE .
Maanta oo Talaado ah waxaa Hilfaha isku qaadi doona Guruub (D) Qaramada Ghana vs Botuswana oo wada Ciyaari doona saacadu markeey tahay 17.00 Galabnimo iyo Caawa oo Ciyaar kulul lagu wado ineey dhex marto Xulalka Maali Vs Guinea (20.00 Fiidnimo).