MUCJISOOYINKA CAALAMKA & XIRIIRIYE: Maxaad kala socotaa wadanka Turkiga oo Milatari ahaan noqday kan ugu awooda badan Dunida Islaamka & Dalalkii kale ee kaalintaan ku heeystay oo Dhibaato ka bixi la (Halkaan ka Daawo Awooda Ciidan ee Turkiga)
Waxaa soo kobcaya oo marba marka ka dambeeysa sii xogeeystay awooda Milatary ee dalka Turkiga oo noqday dalka kaliyah oo Islaam ah balse eeysan jirin cid ka hor istaagi karta sii kobcida dhanka Awooda Ciidanka.
Wadamadii Muslimka ahaa ee Turkiga ku heeystay Kaalinta 1-aad ee Quwadaha Dunida Islaamka ah ayaa waxaad moodaa ineey daaqada ka sii baxayaan xaalado adag oo qabsaday darteed.
Dalalka Islaamka ah ee dhanka Awooda Milatary ku xooganaa ee hada ka bixi la dhibaatooyinka kala duwan ayaa wexeey kala yihiin dalka Pakistan oo Qaraxyo iyo Qalalaase daris la noqday iyo wadanka Iiraan oo Cuno-qabateeyn iyo Koontarool joogto ah eey labo cad ka dhigtay.
Dalka Turkiga xiligaan la joogo ma jirto cid awoodiisa Ciidan soo fara gashatay waana dalka kaliyah oo dhanka Dunida Islaamka eey awoodisa Ciidan sii laba jibaarsatay marka la eego Awoodii eey ku faani jireen dalalka Iiraan iyo Pakistaan.