La Yaab : Dharka aan ku Labisto waa Turki, Cuntada aan karsado waa Turkish, Taageerayaasha igu kacsan waxaan tusayaa inaan ka jeclahay Dalkeeyga Hooyo laakiin duruufta ayaa keeneyso wax walba (Halkaan ka Daawo Video Labo Party ah oo Mesut Özil ugu Jawaabay Taageerayaasha Turkiga + Wareeysi Aabaha dhalay)
Barnaamishka La Yaab ee ka baxa www.xiriiriye.com waxa uu markasta soo bandhigaa ama Shiishka saaraa wax yaalaha kacsan ee markaas ugu hadal heenta badan, ha ahaato Nolasha ciyaartooyda, Qooyska uu ka soo jeedo Ciyaaryahanka, ama wixii markaas qosol & La Yaab badan xambaarsan ee Bulshada ku cusub.
Hadaba ciyaaryahanka kooxda Real Madrid & Qaranka Germany ee asal kiisu ka soo jeedo dalka Turkiga Mesut Özil ayaa waxa uu Taageerayaasha Turkiga ah ee isaga sida weeyn ugu kacsan u soo bandhigay labo muqaal oo Taariikhdiisa iyo dhaqankiisa waxba ka badaleen.
Arinka Özil Vs Taageerayaasha Turkiga ayaa cirka isku sii shareertay markii habeen hore Mesut Özil oo la safnaa Qaranka Jarmalka uu gool ka dhaliyey wadankii uu asal ahaan ka soo jeeday weliba uu ku baasay fursado badan oo goolal kale lagu dhalin karay.
Taageerayaasha & Dadweeynaha Turkiga ayaa 60% naceeyb weeyn u qaaday laacib Mesut Özil halka 40% eey weli Taageero u hayaan.
Hadaba Mesut Özil oo soo bandhigay 2-muuqaal oo Video ah ayaa waxad ka arki doontaan isaga oo Quraanka derbiyada qolkiisa u suran yahay iyo weliba qaabka uu Cuntada Turkiga ah u karsado(qeeybta 2-aad ee Video-ga) , waxaa arinkaas sii dheer Video-ga Qeeybta 1-aad isaga oo ku sheegay in wadanka Turkiga uu u yahay (Stolz) oo macnaheedu yahay qofka sida weeyn u jecel dalkiisa. Balse taas waxaa diidan oo gaashaanka ku dhuftay Taageerayaal fara badan oo careeysan kuwaas oo sheegay in Özil (Stolz) uu ahaado eey tahay macnaheeda inuu goolal ka dhaliyo Turkiga soo mahaan?.
Ugu dambeeyntii Mesut Özil ayaa dhoor jeer ku celceliyey inuu doonayey in uu u ciyaaro Qaranka Turkiga balse daruufta iyo Fatih Terim oo xiligaas Macalin u ahaa Xulka Turkiga eey u saamixi weeysay Riyadaas, wuxuuna dadka Turkiga ah iyo Taageerayaashoodaba u rajeeyey ineey kaalinta 1--aad hadeey waayaan eey ku soo bixi doonaan mida 2-aad.
Homepag-ka Mesut Özil ayey Taageerayaal badan oo Turki ah kuna nool isla Germany ama dalal badan oo dunida daafaheeda ah wexeey soo dhigeen hanjabaad iyo wax yaabo ka baxsan dhaqanka Sportiga waxaana ka mid ahaa sidan: Cadaw ayaad nooga hiilisay agteena waad ka dhimatay yaanan lagaa maqal Eray dambe oo dhaqanka Turkiga ah... Waxaad tahay Yahuud weliba nin ka sii xun...Waad na bah dishay ee Shilimaadka xun xun ee aad Qaranimadaada ka dooratay ha ku bad baadiyo iwm.
Halkaan ka Daawo Mesut Özil oo ku adkeeystay inuu Türkiga Jecel yahan weliba eey tahay meeshii uu ku dhashay oo Familkiisu degan yihiin: http://www.youtube.com/watch?v=CCVIr_f2FiM
Halkaan ka Daawo Taariikhdiisa, qaabka uu u karsado Cunto Turkiyeetka oo u badan Qudaar iyo Rootiga lagu yaqaan Turkiga , waxaa kaloo muqaalkaan Video-ga ah ku arki doontaan Quraanka Kariimka ah oo Darbiyada u suran: http://www.youtube.com/watch?v=smG008ol_3M&feature=related.
Halkaan ka Daawo Aabihiis oo Turkiga jooga oo arinta Wiilkiisa ka hadlaayo iyo sida weeyn eey iskugu egyihiin: http://www.youtube.com/watch?v=uuWrzfa64II&feature=watch_response_rev
Filo wax yar ka dib Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News
OGEEYSIIS: Goor dhaw waxaa bilaaban doona Barnaamish la magac baxay (Xiriiriye & Xiriirka Dadweeynaha) , waxuuna Akhriste kasta iyo bahda www.xiriiriye.com ku xiran soo bandhigi karaan Ciyaaryahanka uu taageero iyo sababta uu ku taageeray ka dibna waxaanu soo bandhigeeynaa Taariikh nololeedka Ciyaaryahan-kaas oo dhameeystiran weliba wadata Video-daawasho ah iyo Sawiro cadeen ah. Halkaan noogu soo dir Ciyaaryahanka aad Taageerto iyo sababta aad ku taageertay iyo Magacaaga oo sadexan. xiriiriyesports@hotmail.com inaguna waxaan soo bandhigi doonaa haduu alle idmo Taariikhda Laacibkaas & magacaaga oo Sadexan. Mahadsanidiin.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com