Dambi dhaafa noo Duceeya Daacad noqda Ramadaanka, Heesta cusub ee Towba yaa Ramadaan oo noqotay mid Dhalinyarada eey aad u soo dhaweeyeen (Halkaan ka Daawo heesta cusub ee Soonka oo Bishaan Barakeeysan ee Ramadaanka loo sameeyey !!)
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa intooda badan wexeey Bisha barakeeysan ee Ramadaanka u soo jeestaan dhanka Cibaadada.Dhaqan ahaan wexeey Dhalinyarada Soomaaliyeed aad ugu wanaagsan yihiin inaan bisha Barakeeysan ee Ramadaanka laga waayin goobaha Cibaadada kuwaas oo isla markaana Ramadaanka yareeya kaftanka badan iyo hadalada keeni kara inuu Soonka ka buro ama jabo. Miraha saaran Heesta Cusub ee Towba Yaa Ramadaan ayaa waxaa iska cad ineey baaq u tahay ama tilmaameeyso dhaqanka soo jireenka ah ee Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana Mirahaan Nabi Amaanka ah ka xusi karnaa sida Dambi dhaafa noo Duceeya Daacad noqda Ramadaanka & Kheeyrullah waa Barwaaqo Qiimeeya Ramadaanka (Toowba Toowba Yaa Caziiz Toowba Toowba Yaa Shakuur). Afuriya Maskiinta oo Aqriya Aayadaha Ajar waa Ramadaan. Sooma Salaada Sakada baxsha Dambi dhaafa noo duceeya Daacad noqda Diinta Qabsada Bil barakeeysan Bulshadu baratay waa Ramadaan loo bogay oo bartaad tagto waa Barwaaqo barakeeysan loo Bislaaday. Rabi barya Toowbad keena waa Raxmaanoo waa Raaxiimee. Dhanka Jilitaanka ayaa waxaa heesta cusub lagu soo bandhigay Dhalinyaradii oo Takbiirsaneeysa kuna wardineyso Tusbaxyaal. Halkaan ka Daawo Heesta Towba Yaa Ramadaan http://www.youtube.com/watch?v=GQjWMXZEC-8