News: Totti oo Taageerayasha Roma u balan qaaday Champions-League , Iyo Juventus oo la soo baxday Waji Ciyaartooy kala badalasho ah .
Laacibka ku kor duqoobay Kooxda Roma ee Horyaalka Talyaaniga Francesco Totti ayaa maanta Niyada u dhisay kooxda Roma oo in mudo ah aanan haba yaraatee wax Koob ah qaadin. Totti oo oo u waramayey Jaraaidka dhanka Sportiga ugu magaca dheer Wadanka Talyaaniga (Corriere dello Sport) ayaa sheegay in sanad-kaan eeysan macquul noqon doonin anagoo Koob la´aan ah inaan Garoomada ka baxno. Francesco Totti oo Taageerayaasha Roma aad u jecel yihiin ayaa hadana waxaa taas u sii dheer iyaga oo aamina waxa uu Kaptan-kooda Totti mar walba niyada ugu dhiso. Ugu dambeeyntii Totti oo Taageerayaasha Roma Jaceeyl uu As Roma u qabo tusay ayaa yiri sidan: ?Waxaan weli ku Riyoonayaa Champions-League in aan mar uun kor u qaado, Maxaa yeelay waa Koobka kaliyah ee aanan weli ku guuleeysan. hoos ka aqri in yar oo ka mid ah warkii uu maanta Francesco Totti Saxaafada siiyey.
( ?Ich träume vom Champions-League-Titel, denn es ist der einzige Titel den ich noch nicht gewonnen habe", sagte Totti zu Il Corriere dello Sport.
****Dhanka kale kooxda Juventus ayaa la soo baxday Waji aanan horay looga baran****
Juventus ayaa mudo 3 cisho gudaheed ah soo ban dhigtay Ciyaartooy eey badal ku dooneyso sida Felipe Melo oo eey ku doonayaan ineey Arsenal uga badashaan Difaaca da´da yar Gael Clichy. Doraad ayey eheen Mar Macalinka Cusub ee Juventus Luigi Del Neri uu Liverpool u soo bandhigay Badal kan la mid ah sida Ciyaaryahan Christian Poulsen oo eey ku doonayaan Daniel Agger. Liverpool ayaa wax hadal ah weli ka soo bixin , halka Macalinka Arsenal Arsene Wenger uu isku dhajiyey Difaaca qatarta ah ee Gael Clichy oo Qandaraaska ama heshiiska kooxda uu yahay ilaa 2012. Ugu dambeyntii Arsenal ayaa Badal la aan ku rabto Filipo Melo 4-Milyan oo Euro halka Juventus eey ku dhegan tahay oo eey ku doonayaan 10-Milyan oo Euro. in yar oo ka mid ah war kaas hoos ka aqri Tuttosport
( Juve will allerdings zusätzlich noch zehn Millionen Euro, Arsenal aber nur vier Millionen zahlen) Juventus denkt dabei an ein mögliches Tauschgeschäft. Die Italiener bieten Christian Poulsen, wollen dafür aber Daniel Agger haben.