Malyuumaadkii Fc Chelsea oo Sababtay in Fernando Torres & Familkiisa Diyaarad Qaas ah kireeystaan halka Xiliyadii hore eey ka raaci jireen Diiyaaradaha Rakaabka ah ee Umadaha kale eey la socdaan (War bixin Tarjuman By Bild Sport !! )
Waxaan horay idinkaga balan qaadnay in aan idiin soo ban dhigi doono War bixin uu Bild Sport ka qoray Weraryahanka Qaranka Spain & Kooxda Fc Chelsea Fernando Torres. Qisada oo Tarjuman ayaa Bild Sport waxa uu u qoray sidan : >> " Ciyaartooyda caalamka ka ciyaarta gaar ahaan kuwooda ugu caansan ayaa wexeey inta badan ka dhabeeyaan ama daris la noqdaan Riyooyin ama hami eey mudo dheer ku fakaraayeen sidii eey mar uun Riyadaas uga dhabeeyn lahaayeen .
Hadaba Weeraryhanka Qaranka Spain Fernando Torres oo dhawaan eey kooxda Fc Chelsea ku soo iibsatay Adduun gaaraya 50 Millyan oo Pfund ah una dhiganta lacag qiimaheeda eeysan 60 Milyan oo Euro ka yareen ayaa durbo waxaa uu la soo baxay inuu ka dhabeeyo Balan qaadyadii hore ee uu la galay Xaaskiisa Olalla Domnguez.
Fernando Torres oo looga bartay xiliyada uu dalkiisa hooyo ee Spain u safraayo inuu Rakaabka caadiga ah ee Diyaaradaha dul saaran dhexda ka galo ayaa markaan waxaanu dhicin arinkaas Maadaama uu Diyaarad qaas ah dalbaday wuxuuna bishaan hada socoto gudaheeda dhor jeer dalbaday Diyaaradaha Qaaliga ah ee Shirkadaha eey iska leeyihiin.
7.2.2011 Fernando Torres waxa uu Diyaarad qaas ah u dalbay si eey dalka Spain ugu celiso Familkiisa oo ka koobnaa 9 Qofood kuwaas oo magaalada London 5.2.11 u yimid ineey daawadaan Ciyaartii dhex martay kooxaha Fc Chelsea Vs Liverpool (0-1).
8.2.11 Waxa uu Fernando Torres dalbaday Diyaarad qaas ah oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa u qaado dalka Spain gaar ahaan Magaalada Madrid oo 9.2.11 kulan adag eey ku lahaayeen Dalalka Spain Vs Colombia (1-0). Fernando Torres oo xiligaas kaligiis soo laabtay ayaa waxa uu 16.2.2011 mudo sadex cisho ka hor ah ugu dambeentii u dalbay diyaarad qaas ah Xaaskiisa Olalla Domnguez iyo caruurtiisa oo uga soo haray dalka Spain Caasimadiisa magaalada Madrid balse hada wexeey dhamaantood ku soo wada laabteen Magaalada London oo eey ka dhisan tahay kooxda Fernando Torres Faraqa & Jeebabka lacagta uga buuxisay waa Fc Chelsea .
Inta badan Ciyaartooyda ayaa marka eey helaan Lacag ka tan badan dhaq dhaqaaqoodii hore waxa eey la soo baxaan Mucjisooyin cusub oo aan horay looga baran sida Ficilka Fernando Torres oo waligiis Diyaarad Rakaab ah raaci jiray ayaa waxa uu isku badalay ama gaaray inuu kireeysto Diyaaradaha qaaliga ah ee sida qaaska ah loo leeyahay kuwaas oo lagu magacaabo (Private Airline Services ) waxaana inta badan kireeysta oo aan jecleeyn in la la raaco ama Rakaab kale Diyaarada la saarnaado Taajiriinta Caalamka.
Filo Goor Dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ! iyo Barnaamishka La Yaab oo eey Tarjumis balaaran ku socoto maadaama uu xambaarsan yahay Qiso aad u xiiso badan oo wadata Sawiro iyo video-Daawasho ah ! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!