SAXAAFADA " Fernando Torres Muxuu dhaqaaqaa oo Gool dhaliyaa Lacagtii Fc Chelsea ayuu ka dhergay Bil kastana Xayeeysiin kama baxo oo waa Xiddig meel kale ku Mashquulsan ,, Inta badan Saxaafada dalalka Ingiriiska ,*Sapain iyo Jarmalka oo Weeraryahan Fernando Torres Balaayo ku dhigtay* (Daawo Yaabkaan)
Waa wax la ogaaday oo la soo Hubiyey Xiddigii ay mar daba dhigato Saxaafada Sportiga kuwooda ugu afka dheer wallee Balaayo iyo buuq kama baxo !!.
Weeraryahanka Qaranka La Roja ee xulka Spain iyo kooxda Fc Chelsea ee Horyaalka Premier League Fernando Torres ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu si weeyn isku badalay weliba markii uu ka dhergay Lacagtii kooxda Fc Chelsea la soo baxay Wajiyo cusub.
Saxaafada wexeey ku eedeeysay Weeraryahan Fernando Torres Xiddig waayey wax runta u sheega oo ku mashquulsan Lacag Aruursi iyo Hoteelo dhisoow ka socda gudaha dalka Spain .
" Fernando Torres markii uu la joogay kooxda Atlentico Madrid hal Guri ayuu lahaa, ka dib markii uu u tagay Fc Liverpool 2-Guri ayuu yeeshay hada oo uu Fc Chelsea Lacag fara badan ka faaiday 4-Guri iyo 3 Hotel ayuu marayaa waxaana taas ka sii daran inta u qarsoon ayuu yiri jaaraidka Marca-Sport oo ka soo baxa dalka Spain.
Jaraaiyada ka soo baxa dalka Ingiriiska wexeey Weeraryahan Fernando Torres Tayo xumadiisa sabab uga dhigeen isaga oo Tababar wanaagsan aan qaadanin weliba si weeyn ugu Mashquulsan Xayeeysiinta Ookiyaalayaasha Fashiyoonka ah ,Saacadaha gacanta lagu xirto, Makiinada Timaha lagu jarto ,Xayeeysiinta buugaagta Timaha lagu faaniyo iyo Kabaha Shirkada Nike.
Jaraaidka Bild Sport oo ah kan loogu jecel yahay aqriskiisa gudaha dalka Germany waxa uu yiri Taageerayaasha Fc Chelsea si weeyn ayeey uga niyad jabeen Weeraryahan Fernando Torres maxaa yeelay Lacagta lagu Qasaariyey Torres wexeey Fc Chelsea ku soo iibsan kartay ilaa 5 Ciyaaryahan oo da´yar kuwaas oo aad iyo aad ugu ooman ineey mar uun u saftaan sida naadiga Fc Chelsea oo Caalamka aad looga jecel yahay.
The Sun oo ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu soo bandhigay Sawiro muujinaya Weeraryahan Fernando Torres oo maalmahaan ku mashquulsan Ciyaarista Ciyaarta loo yaqaan Biliyaardiga kuwaas oo ay inta badan dheelaan dadka Taajiriinta ah ama kuwa iska dhig dhiga Mafiyada.
Sun Sport waxa uu leeyahay Fernando Torres ma rabo inuu da´daal sameeyo ama Goolashii lagu yaqaanay dhaliyo sababtoo ah 19-kii Bishii Oktoobar mar uu Boorka iska jafay weliba Timaha u soo jartay qaab cusub wuxuu kooxda Fc Chelsea u dhaliyey 2-Gool oo deg deg ah xiligaas oo uu ka dhaliyey kooxda Genk kulan ka tirsanaa koobka Champions League .
Intaas wixii ka dambeeyey Weeraryahan Fernando Torres ilaa hada waxaa ka dansan Korantada waxaana aad uga wanaagsan oo Taageerayaasha Fc Chelsea ay ka jecel yihiin Xiddiga Qadka dhexe ee Fc Chelsea waa Frank Jemes Lampard oo ciyaartii ugu dambeeysay ee Norwich Vs Fc Chelsea Daqiiqadii 37-aad Garoonka laga saaray ka dib markii uu ka dhaawacmay Muruqa.
Macalinka Fc Chelsea Mr.Andre Villas-Boas wuxuu ku wareersan yahay Taag-darada Torres maxaa yeelay kaliyah Ciyaartii ugu dambeeysay ee Norwich Vs Fc Chelsea (0-0) Torres wuxuu ku qubeeystay fursado aad u fara badan oo Goolal lagu dhalin karay ,, .
Halkaan ka Daawo mid ka mid ah Xayeeysiintii ugu dambeeysay oo uu Fernando Torres ku mashquulsan yahay >>> http://www.youtube.com/watch?v=jrrLCMGKlEM .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!
Das Team von Andre Villas-Boas war zwar vor allem in der zweiten Halbzeit an der Carrow Road überlegen, konnte daraus aber kein Kapital schlagen. Vor allem Millionenstürmer Fernando Torres vergab mehrere Großchancen. Der spanische Chelsea-Star wartet nun seit 15 Partien im Club auf einen Treffer. Das letzte Tor hat er bei seinem Doppelpack am 19. Oktober in der Champions League gegen Genk erzielt.
Die zweite Halbzeit hat ganz uns gehört", erklärte Villas-Boas nach der Partie. ?Wir hatten am Ende zwölf Torschüsse und haben trotzdem nicht ins Netz getroffen. Das war ein frustrierender Tag. Für Norwich ist es kein schlechtes Resultat. Für uns ist es aber nicht genug. Torre hatte ein paar gute Chancen. Man muss sich erst in diese Position bringen, um Chancen zu bekommen. Und das hat er getan. Mit ein bisschen Glück wird er auch wieder treffen."
Chelsea-Kapitän Frank Lampard musste in der 37. Minute mit einer Muskelverletzung im Oberschenkel ausgewechselt werden, sein Ersatzmann Florent Malouda lieferte aber als neuer Antreiber eine starke Partie ab