La Yaab : Laacibiinta Caalamka midba meel ayuu Irsaaqad ka raadiyey, Fernando Torres iyo Xayeeysiinta Saacadaha maxaa kala heeysta, Ma la socotaa Qiso Cajiib ah oo dhex martay Torres & Shirkada Saacadaha? : Sidaas waxaa yiri Spain ETB Sat Tv ! ( Halkaan ka Aqri War bixinta oo Tarjuman Kana Daawo qaabka uu Saacadaha u xayeeysiiyo Torres iyo weiliba Goolashiisa kuwii ugu Wanaagsanaa) *+ Booqashada Xiriiriye oo Xuduud & Xad dhaaftay iyo Barnaamish naga yaabsday !
Xiriiriye wuxuu Bulsho weeynta Soomaaliyeed u soo Xiriiriyaa warar Sport oo kala duwan kuwooda ugu Tayada & Xiisaha badan ee ka dhaca Garoomada Caalamka.
Hadaanu nahay Bahda Sportiga ee www.xiriiriye.com waxaa naga yaabsaday oo Daal fara badan nagu beeray mid ka mid ah Barnaamishyada ka baxa bogaan Xiriiriye.com .
Xubinta Barnaamishka naga Yaabsaday ee ka mid ah Barnaamishyada ka baxa Xiriiriye.com ayaa waxaa weeyaan Barnaamishka La Yaab .
La ! Yaab waa Taxane ama Maalinle ka mid ah Barnaamishyada Sport ee maalin kasta ka soo baxa bogaan Xiriiriye.com balse waxa uu dheer yahay Barnaamishyada kale ee Sport, wuxuu inta badan Xambaarsan yahay La ! Yaab warar Xasaasi ah oo dhagaha Dadka ku cusub iyo weliba Sawiro & Video-yaal cadeen ah oo is bar bar socda.
Arinta uu La ! Yaab nooga yaabsaday ayaa wexeey tahay sidan :
Barnaamishkaan waxa uu Dad iyo codba ka batay ama dheeraaday dhamaan Barnaamishyada kale ee www.xiriiriye.com ka soo baxa sida, Faaqidaada Horyaalada, ila Qosol Sport, Ku biiri Aqoontaada Sport. Barnaamishka xaguu marayaa Kawaanka Ciyaartooyda, Mucjisooyinka Caalamka & weliba Barnaamishka Halxiraalaha Sportiga.
Tan iyo wixii ka dambeeyey World Cup 2010 oo bishii Juun & Juulay lagu soo gaba gabeeyey dalka South Afria ayaa waxaa marba marka ka dambeeyso soo badanaayey Bulshada Sportiga ee sida weeyn ugu xiran La ! Yaab ilaa hada oo eey gaartay Rekoord ama Iskoor cusub.
Xiligii uu koobka Addunka socday Barnaamishka La Yaab waxaa ku xirnaa :>> Visitors Page Views 2158 qof oo maalin walba aheeyd. Hada waxaa everyday ku xiran Visitors Page Views 4644 waa marka laga saaro maalmaha Fasaxa ah ee Jimcaha iyo Axada oo marka lagu daro booqashada ama Akhristaha La Yaab ka dhigeeyso 7833 Qof.
Barnaamishyada dhan ee Xiriiriye.com ka soo baxa ayaa guud ahaan waxaa maalin kasta ku xiran Dad gaaraya (everyday ) Visitors Xiriiriye Sport Page 13852 Qof.
Dhanka kale waxaa iyana Xusid mudan Heestii cusbeed ee www.xiriiriye.com loo sameeyey oo noqotay mid Booqashadeeda ama dhageeysigeeda loo bato maadaama eey Heesta Xambaarsan tahay Miro & Laxam Sport. Halkaan ka dhageeyso kana Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=BYIFqU_8TWc .
*** Barnaamishka La ! Yaab ayaa Maanta waxa uu ku saabsan yahay Sidan: " Fernando Torres iyo Xayeeysiinta Saacadaha maxaa kala heeysta, Ma la socotaa Qiso Cajiib ah oo dhex martay Torres & Shirkada Saacadaha? :
Telefishinka caanka ah ee Spain ETB Sat oo laga leeyahay dalka Spain ayaa Barnaamishkiisa Fantasy Football Player & Today waxa uu ku soo qaatay Qiso is Aaminaad weeyn ah oo dhex martay Shirkad soo saarto Saacadaha Qaaliga ah laguna magacaabo Racer iyo weeraryahanka Qaranka Spain & kooxda Fc Liverpool Fernando Torres. War bixinta Qisadaan oo sidaan u dhacday ayaanu waxaan ka soo qaadaneeynaa intii ugu muhiimsaneed:
Weeraryahan Fernando Jose Torres Sanz Wuxuu dhashay 20-kii Maarso 1984-tii wuxuuna ku dhashay Magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain.
Ciyaaryahankaan dhamaan dalka Spain waxaa looga yaqaan El Nino oo macnaheedu yahay (The Kid in Spanish).
Fernando Jose Torres Sanz waxa uu guursaday Lamaanihiisa oo ilaa yaraantoodii eey is jeclaayeen waxaana lagu magacaabaa Olalla . Torres oo ah Aabe 2 Caruur leh ayaa inta badan waxa uusan iska dhigin ama xambaarsadaa Gabadhiisa curada ah oo lagu magacaabo Nora wexeeyna dhalatay 8-dii Juulaay sanadkii 2009-ka.
War bixinta ayaa waxeey leedahay Ciyaartooyda Caalamka midba meel ayuu Irsaaqad ka raadsaday oo wexeey intooda badan Xayeeysiiyaan Dharka Sportiga ah, Kabaha Sportiga,Jaakadaha, Puma, adidas, Nike, Lacoste, asics, Converse, Gawaarida Qur qurxoon, Cabitaanada kala duwan sida Coca-Cola, Pepsi & Fanta.
Laakiin waxaa fikrad ahaan ka duwan Ciyaartooydaas aan soo sheegnay Laacib Fernando Jose Torres Sanz oo ku adkeeystay inuu meelna uga wiican Shirkada uu Saacadaheeda ilaa yaraantiisii ka caashaqay ee lagu magacaabo Racer . Saacadaha eey soo saarto Racer ayaa nuuca ugu raqiisan waxaa la iibiyaa 99-Euro waxaana u badan xirashadooda Ciyaartooyda Jecel ineey Labistaan iyo Weliba Fanaaniinta Mareykanka ah ee Show-ga ka dhiga meelaha & Baararka lagu caweeyo.
Ciyaaryahan Fernando Jose Torres Sanz ayaa ilaa iyo Sanadkii 2006-dii waxa uu daba socday ama jeclaa inuu kor u qaado Shirkada Racer wuuna ku guuleeystay inuu si weeyn u sii caanbixiyo maadaama Racer laga bartay Quwada Saacadaheeda inta badan wadamada Qaarada Yurub.
Shirkadaan oo La Yaabtay sida uu ciyaaryahan Fernando Jose Torres Sanz uga jeclaaday Qalabkooda isaga oo aan fiirineeyn wax Lacag ah ama inuu magac ku helo ah ayaa wexeey go´aan buuxo ku gaartay in gebi ahaanba Qalabkooda Saacadaha ah dhexda looga Qoro Fernando Torres weeyna ka dhabeeyeen arinkaas oo ka yaabiyey Dunida oo idil.
Weeraryahan Fernando Jose Torres Sanz ayaa waxa uu noqonayaa Xiddigii ugu horeeyey oo Saacadaha Caalamiga ah lagu dhex arko magaciisa waana Arin Guul u ah Fernando Torres Maadaama Maalqabeenka iska leh Shirkada Saacadaha ee Racer Machinery International uu balan qaaday xitaa hadii uu dhinto Torres ama Duqoobo inuusan ka saari doonin Magaca Torres Saacadaha Shirkadiisa.
Ciyaaryahan Fernando Jose Torres Sanz ayaa waxaa Qiso nuucaan la mid ah uga horeeyey Madaxweeynaha dalka Mareykanka Mr.Barack Obama oo Shirkad Japaanees ah Sawirkiisa gudaha u soo galisay Saacado cusub oo eey soo saareen waxaana isla markiiba dhacday in Saacadihii Obama Sawirkiisa la soo galiyey Suuqa laga waayey oo si deg deg ah lagu kala iibsaday.
Ugu Dambeentii Fernando Torres ayaa waxa uu leeyahay xiliga eeysan ii xirneeyn Saacada Racer waxaan dareemaa Awood dari marka eey ii Xiran tahayna Kalsooni dheerad ah ayaan qabaa !!
Halkaan ka Daawo isaga oo Xayeeysiin u sameenaayo ama Saacada u xiran tahay ayaa waxaa Jeclaaneeyso Gabar Kartoon ah nuuca eey Soomaalida u taqaano Jinni Jinniga : >>> http://www.youtube.com/watch?v=W43l388sdtk&feature=player_embedded#
Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa Qeeybtii 1-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=UnBfNaDxgtU.
Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa Qeeybtii 2-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=nbE_PmkDiuc&feature=related.
Goor Dhaw filo Warar Sport oo kala duwan !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com