WORLD SPORT NEWS : Real Madrid oo Nasiib ku fakatay,* Kooxda Blackburn Rovers oo isku qaladay Fc Arsenal iyo Man Utd ka dibna Hawada laga qariyay,*Weeraryahan Mohamed Zidan oo kulankiisii ugu horeeyay Fc Schalke ka yaabsaday ka dibna xus balaaran u sameeyay Xasuuqii ka dhacay Garoomada dalka Masaarida. (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Horyaalka Qeeybtii 1-aad)
*** Horyaalka dalka Spain ee La Liga Primera Division oo la ciyaaray kulankiisii 21-aad waxaa Guushii 8-aad oo xiriir ah gaartay kooxda Real Madrid oo 0-1 uga soo badisay Naadiga Getafe oo xili Ciyaareedkaan Fc Barcelona 1-0 ku suul daartay mar ay Garoonkeeda ku Ciyaareeysay.
Real Madrid kulamadii ugu dambeeyey oo ay aaday Garoomo kale dhamaan weey soo badisay.Kooxda Real Madrid oo 0-1 uga soo badisay naadiga Getafe waxaa Goolka Agoonka ah u saxiixay Difaacooda Sergio Ramos Daqiiqadii 18-aad ka dib markii uu Paas qurxoon ka helay Laacib Mesut Özil. Halkan ka Daawo Goolka Sergio Ramos >>> http://www.youtube.com/watch?v=5ZpmZ3Ks4hw .
Kooxda Fc Barcelona dhankeeda waxeey 2-1 ku dar dartay naadiga Real Sociedad oo ay kaga badiyeen 2-1. Goolasha Fc Barcelona waxaa u kala saxiixay Ciyaaryahan Cristian Tello oo laga keenay dhanka Fc Barcelona Juunyarkeeda waana Xiddig 20-jir. (Tello Goolka wuxuu dhaliyay Daqiiqadii 9-aad). Goolka 2-aad waxaa u saxiixay Fc Barcelona Lionel Messi Daqiiqadii 72-aad .Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=x1QF639M9kM.
HORYAALKA LA LIGA EE DALKA SPAIN KOOXAHA WAXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN :
1.
Real Madrid
21
18
1
2
71:19
55
2.
FC Barcelona
21
14
6
1
61:13
48
3.
Valencia
20
10
6
4
31:22
36
4.
UD Levante
21
9
5
7
27:25
32
5.
Espanyol Barcelona
21
9
5
7
25:24
32
6.
Athletic Bilbao
21
7
9
5
33:28
30
7.
Atletico Madrid
20
8
5
7
31:27
29
8.
Malaga
20
8
4
8
24:29
28
9.
Getafe
21
7
6
8
22:27
27
10.
Osasuna Pamplona
20
6
9
5
22:32
27
11.
FC Sevilla
20
6
8
6
21:22
26
12.
Real Mallorca
21
6
7
8
18:25
25
13.
Real Sociedad
21
6
6
9
23:30
24
14.
Betis Sevilla
21
7
2
12
23:30
23
15.
Rayo Vallecano
20
6
4
10
23:31
22
16.
Racing Santander
21
4
10
7
18:26
22
17.
Granada
20
6
4
10
14:27
22
18.
Villarreal
20
4
8
8
18:28
20
19.
Sporting Gijon
20
5
3
12
19:38
18
20.
Real Saragossa
20
2
6
12
15:36
12
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League oo la Ciyaaray kulankiisii 24-aad waxaa Hawada laga qariyay kooxda Blackburn Rovers ka dib markii ay isku qaladay kooxaha Fc Arsenal iyo Man Utd. Blackburn oo kooxda Man Utd gurigeeda ku soo garaacday ayaa iminka waxeey fak fak la soo gashay Garoonka kooxda Fc Arsenal ee Emarates waxaana Hawada looga qariyay 7-1.
Goolashaan Dabaaldega ah waxaa The Gunners Fc Arsenal 3 ka mid ah u saxiixay Weeraryahanka kacsan ee Qaranka Holland waa Laacib Robin van Persie Daqiiqadihii 2-aad, 38-aad iyo 62-aad. Xiddiga 18-jirka ah ee Fc Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain wuxuu kulankaan kooxdiisa u saxiixay labo gool Daqiiqadihii 40-aad iyo 54-aad.Goolasha kale ee Fc Arsenal waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Mikel Arteta Daqiiqadii 51-aad iyo Laacib Thierry Henry Daqiiqadii 92-aad.Halkaan ka Daawo Arsenal Vs Blackburn >>> http://www.youtube.com/watch?v=cDJbHVABmiw.
Kooxda Manchester City oo ay u soo kaceen Laacibiin kaga maqnaa dhaawacyo culus ayaa waxeey 3-0 ku af gambisay kooxda Fulham oo ka socotay magaalada London. Goolasha Man City waxaa u kala saxiixay Weeraryahanada halista ah ee Qaranka Argentina iyo Xulka Bosnia waa Sergio Agüero Daqiiqadii 10-aad Rigoore iyo Edin Dzeko Daqiiqadii 72-aad .Goolka 3-aad wuxuu ahaa mid uu kooxdiisa si qalad ah uga dhaliyay ciyaaryahan Chris Baird Daqiiqadii 30-aad. Arinta ugu yaabka badan waxeey eheed Chris Baird oo kooxdiisa Gool si qalad ah uga dhaliyay hadane wuxuu naadigiisa ku keenay Rigoore.
Galabta ayaa lagu wadaa inuu kulan aad u adag dhex maro kooxaha Fc Chelsea Vs Manchester United oo si weeyn iskugu dhaarsan (waxeey kulmi doonaan Saacadu markeey tahay 17:00 Galabnimo).Habeen dambe waxaa sidoo kale fooda is dari doona kooxda Fc Liverpool Vs Tottenham (21.00 Fiidnimo)
HORYAALKA INGIRIISKA KOOXAHA WAXEEY U KALA HOREEYAAN SIDAN :
1.
Manchester City
24
18
3
3
63:19
57
2.
Manchester United
23
17
3
3
56:21
54
3.
Tottenham Hotspur
23
15
4
4
44:25
49
4.
Chelsea
23
12
6
5
41:26
42
5.
Arsenal
24
12
4
8
46:34
40
6.
Newcastle United
23
11
6
6
34:30
39
7.
Liverpool
23
10
8
5
28:21
38
8.
Sunderland
24
9
6
9
33:24
33
9.
Norwich City
24
8
8
8
34:39
32
10.
Swansea City
24
7
9
8
26:29
30
11.
Everton
24
8
6
10
24:27
30
12.
Stoke City
24
8
6
10
23:36
30
13.
Aston Villa
23
6
10
7
28:31
28
14.
Fulham
24
6
9
9
29:35
27
15.
West Bromwich Albion
24
7
5
12
24:34
26
16.
Queens Park Rangers
24
5
6
13
25:41
21
17.
Wolverhampton Wanderers
24
5
6
13
27:44
21
18.
Bolton Wanderers
24
6
2
16
28:49
20
19.
Blackburn Rovers
24
4
6
14
34:54
18
20.
Wigan Athletic
24
3
7
14
21:49
16
*** Weeraryahanka Reer Masar Mohamed Zidan oo dhoor cisho ka hor ay la soo wareegtay kooxda Mainz ee horyaalka Germany ayaa waxa uu ka yaabsaday Fc Schalke oo uu Iskoorkii Guulaha ka jabiyay. Ciyaartii dhex martay kooxaha Fc Schalke Vs Maniz oo 1-1 ku dhamaatay waxaa Ciyaarta qeeybteedii hore markii uu Gool aad u qurux badan ka dhaliyay Mohamed Zidan kooxda Fc Schalke uu ku dhaqaaqay baroortiiq ama xusida Shacabkii lagu laayey horyaalka dalka Masar gaar ahaan kulankii dhex maray kooxaha Al Masry Vs Al Ahli oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 74-Qofood.
Goolka Bareejada waxaa kooxda Fc Schalke u saxiixay Xiddiga Qaranka Nigeria Chinedu Obasi oo ay dhawaan kala soo wareegeen kooxda Hoffenheim.Kulankii Darbiga ahaa ee dhex maray kooxaha Hambrug Vs Bayern Munchen wuxuu isna ku soo dhamaaday Bareejo 1-1 ah.
*** Horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu wadaa Galabta ineey fooda is daraan kooxo waa weeyn oo Xarash isku haayo waxaana kulamada kooxaha Galabta isku kulul aanu ka xusi karnaa Inter Milan oo aadeeysa Garoonka kooxda As Roma iyo Ac Milan oo dooneeysa ineey ka aargudato kooxda Napoli oo horay Garoonkeeda ugu soo Xasuuqday. Kooxaha Horyaalka Talyaaniga ayaa galabta qaabkaan isku arki doona.