Top News : Caalamka oo markii ay ka daaleen Burcad Badeeda Soomaalida bilaabay Kaarto cusub & Shaxdaan oo noqon doonta mid looga Taqluusi doono Awooda Burcad Badeeda (Akhri 2-Kaarto oo aan caadi aheeyn)
Dalalka Caalamka ugu waa weeyn oo dhoor Sanadood ka hor Ciidamo lixaad leh u soo diray Badaha Somalia si eey ula Dagaalamaan Wiilal Baahan oo Soomaaliyeed kuna yaacay bada ayaa markaan wexeey dajiyeen Qorshihii ugu dambeeyey ee looga Taqluusi lahaa Burcad Badeeda Soomaalida.
Ka soo biloow sanadkii 2008 oo uu si Xaawli ah ku biloowday awooda Burcad Badeeda Soomaalida ilaa hada oo lagu jiro dhamaadka Sanadka 2011 ma jirto horumar la taaban karo oo eey Ciidamada Dalalka midoobay ee joogo Badaha Somalia ka qabteen Afduubka Burcad Badeeda Soomaalida.
Burcad Badeeda ayaa wexeey si buuxdo uga raayeen Ciidamada ilaaliya Maraakiibta marta Biyaha u dhaw Badaha Somalia maxaa yeelay goobta eey u badan yihiin Ciidamada waardiyeeya Biyaha Somalia wexeey Sahan ahaan ugu soo dirsadaan halkaas inta eeysan Hub u soo qaadan ama soo weerarin Kaluumeeysato iyaga la shaqeeysa oo mar kasta ku war gelisa halka eey ku sugan yihiin Ciidamada Huwanta.
Sharciyada eey ku shaqeeyaan Ciidamada ka socda dalalka Yurub ee waardiyeeya Badaha Somaliya wexeey tahay ineeysan wax yeeleeyn karin qof aan Hubeeysneeyn sida Kaluumeeysatada iyo Doomaha kale ee sida alaabaha Bagaashka.
Laakiin markaan dalalka kala ah Holland , Mareeykanka, Jarmalka, Spain Beljemka, Sweden iyo Denmark wexeey isku raaceen Kaarto cusub oo noqon doonta Shaxdii looga taqluusi lahaa Awooda la jabin waayey ee Burcad Badeeda Soomaalida.
Qodobada Kaartadaan cusub oo 2 ka kooban waxaa iska cad in halkaas eey si weeyn uga Liitaan Soomaalida weliba looga faaideeysan karo goor walba.
Shaxda iyo Qodobada cusub ee Dalalkaan ay ku heshiyeen wexeey tahay sidan :
1- In Qaar ka tirsan Burcad Badeeda dhexdooda lala heeshiyo loona qoro Mushaaraad ku meel gaar ah inta uu Howlgalkaas socda si eey u soo sheegaan goobaha laga soo abaabulo Burcad Badeeda iyo xiliyada eey Weerarka soo qaadi rabaan.
2-In Soomaalida ku nool qaar ka mid ah dalalkaan horay loo sii wato si eey u Tarjumaan ama u dhageeystaan Telefoonada gacanta ee inta badan ay ku wada xiriiraan Maleeshiyaadka Burcad Badeeda iyo Raga hogaamiya Hoowlgaladooda.
Qorshahaan cusub waxaa kaga cad in Ciidamada Huwanta ah ee ilaaliya maraakiibta marta Badaha Soomaalia eey ku Guuleeysan doonaan Shaxdaan cusub maadaama markaan ay Isha ka tuureen qaabka ugu fudud ee Soomaalida la iskugu jabin karo. (Yaab)