 |
|
 |
top2 |
 |

Ciyaaryahan Robinho oo la kulmay isbuuc gudihiis arin uu sheegay in uusan weligiis Nolashiisa arag kana yaabisay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News Laacibka Qaranka Brazil iyo kooxda AC Milan Róbson de Souza Robinho ayaa waxa qabsatay arin uu sheegay inuu aad ula yaabay nolashiisana uusan arag. Ciyaar suubiyaha Caalamiga ah Mr. Robinho oo u waramayey Tv-ga Rai Due ayaa sheegay in Postada waraaqaha ugu yimaadan uu boos ka waayey ka dib markii waraaqihiii eey u soo direen ehelkiisa loogu keenay iyaga ooo gacanta lagu sido madaama shaqaalihii ka shaqeenayey Postada waraaqaha eey Robinho u sheegeen in Isbuuc kasta eey buuxsantay. Róbson de Souza Robinho oo arintaan la yaabay ayaa waxa uu sheegay in kumanaan kun oo warqadood eey buux dhaafiyeen Keedka Postadiisa. " Waraaqaha markaan wada aqriyey waxaa ku wada qornaa hadalo kala duwan oo sidan u qornaa ayuu yiri Robinho: Fadlan waan la soconaa inaad adiga iyo Laacib Kaka saaxiibo waa weeyn tihiin waxaana kaa cod saneynaa inaad naga caawiso sidii uusan Kaka ugu wareegi leheen kooxda Inter oo cadawtinimo baaxad weeyn nooqabto, waxa eey doonayaan in Xumaan eey anaga noo qabaan darteed ku soo iibsadaan Kaka madaama Ibrahimovic oo iyaga ka mid ahaan jiray uu AC Milan ku soo biiray..Kaka yuusan isku imaan Milano hadii uu imaadana ha noqoto dhanka AC Milan oo kaliyah..Waa Laacib kooxdeena ku soo bar baaray guulo fara badana la qeeybsaday waana Laacib aan weli aad u jecel nahay ..waxaana ka dooneynaa Kaka inuusan dhag jalaq u siin Xumaanta eey Inter la dooneyso !! hadaladaas iyo kuwo ka sii badnaa ayaa ku qornaa Waraaqihii uu sheegay Laacib Robinho in eey Keedka Postadiisa buux dhaafiyeen. Laacibiinta kala ah Ricardo Kaka oo hada u ciyaara Kooxda Real Madrid & Róbson de Souza Robinho oo AC Milan ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan caadi aheyn waxaana la xaqiijiyey in maalin kasta ugu yaraan 3-jeer eey Qadka Telefoonka ku wada xiriiraan. Arintaan cusub ayaa waxa eey culeeys weeyn ku noqon doontaa kooxda Inter madama eey lacag kaste oo Real Madrid ku dooneyso Kaka eey sheegtay ineey diyaar la tahy. Inter ayaa dooneyso in Ricardo Kaka eey la soo wareegaan xiliga qaboobaha oo eey ka harsantay 2-Bilood oo kaliyah lama oga waxa uu Kaka ka dhihi doono Taageerayaashiisii hore ee AC Milan oo ka codsaday inuusan uga hiilin Naadiga Inter oo eey Ifka iskugu neceb yihii X I R I I R I Y E W O R L D S P O R T N E W S A Y A A W A X A A U G U W A A W E E Y N : ** Laacibka Da´da yar ee Qaranka Brazil iyo Kooxda F C Santos Neymar ayaa raali gelin weeyn u soo jeediyey Tababarihiisa kooxda Fc Santos Dorival Junior oo 3 cisho ka hor aflagaadeeyey. Xiddigaan lagu magacaabo Mucjisada ku biirtay ciyaarta kubada Cagta ayaa sheegay in uu ka soo laabtay xanaaqii uu u qaaday Macalin Junior uuna raali gelin weeyn u fidinaayo maadama Taageerayasha xoogan ee uu caalamka ku leeyahay ka xumadaan arinkaana uuna Home-peg-kiisa ku soo canaan taan Taageerayasha fc Santos iyo kuwa uu caalamka ku leeyah. Mucjisada kubada Neymar ayaa yiri : waan ka xishooday waxaan horay u iri waana ka xishoon doona inaan mar labaad wax ceeyn kaas oo kale ah ku dhaqaaqo. **Manchester Utd oo qarka u saaran ineey la soo wareegto Gool hayihii xiliga dheer eey raadineysay: Gool hayaha 19-ka jirka ah ee u ciyaara kooxda At.Madrid David De Gea ayaa waxaa booskiisa xiratay kooxda Man Utd oo ku dooneyso 15-Milyan oo Euro oo Cash ah. Daily Mirror oo maanta shaaciyey warkaan ayaa waxaa kaloo Man Utd farxad weeyn u noqotay in David De Gea uu ahaa ilaa yaraantiisii ilaa hada Tageere weeyn oo u Jalbeeysan Kooxda Manchester Utd. David De Gea ayaa waxa uu u dhashay dalka Scotland balse waxa uu u ciyaaraa Naadiga At.Madrid waxaa Garoonka xalay lagu arkay Ciyaartii dhex martay Kooxaha Valencia vs At.Madrid Sir Alex Ferguson oo daawanayey Ciyaartaas iyo qaabka uu u boodayey Gool haye David De Gea. ** La Gazzetta dello Sport ayaa Maanta qoray cidii lagu badali lahaa Tababaraha AS Roma Claudio Ranieri oo la sheegay ineey si weeyn uga taalo weliba kooxda Roma uu ka dhigay koox isku dhex yaacsan oo kooxaha yar yar eey dhibcaha ka xayuubsadaan. AS Roma ayaa waxa eey soo wadataa tababarihii hore ee AC Milan Leonardo oo u dhashay dalka Brazil. **Corriere dello Sport ayaa qoray in Kooxda Juventus eey ku soo biirtay kooxaha doonaya ciyaaryahanka Qaranka Switzerland ee asalkiisu ahaa dalka Kosovo: Xherdan Shaqiri , Laacibkaan da´da yar ayaa waxa uu Nasiib u yeeshay in hal mar eey beec la soo wada doontaan kooxaha ugu Tunka weeyn qaarada Yurub sida FC Barcelona, FC Liverpool, Psv Einhoven, Arsenal London, Brossia Dortmond iyo Juventus oo hada ku soo biirtay. Xiddigaan oo asal kiisa yahay Dalka hada xornimada ka qaatay wadanka Serbia Kosovo balse ku soo koray dalka switzerland una ciyaara kooxda Horyaalka dalkaas heeysata ee FC Basel ayaa la ogeeyn meesha uu go´aansan doona maadama kooxo badan oo caan ah eey doonayaan waxaana eey u badan tahay in uu Arsenal ama Barcelona midkood ku biiri doono Mr. Xherdan Shaqiri . Corriere dello Sport ayaa waxaa kaloo oo uu soo ban dhigay in kooxda Juventus naadiga Fiorentina kula dhegan tahay xiddiga kooxda Real Madrid Mahamadou Diarra oo eey isku heestaan juventus iyo Fiorentina madaama uu Real Madrid beec ka yahay. Sidoo kale Kooxda Juventus ayaa waxa eey 7,5-Milyan oo Euro ku dooneysaa Xiddiga kooxda FC Liverpool Lucas Leiva. FILO GOOR DHAW WARAR SPORT OO AAD U XIISO BADAN IYO BARNAAMISHKA KU BIIRI AQOONTAADA SPORT OO MAANTA AAN 2-DHINAC UGA SOO QAADAN DOONO SIDA CIYAARYAHAN DIFAAC CAAN AH OO ASALKII SII ASKARI AHAAN JIRAY & QUBANYAAL KALE OO AANU UGU TALA GALNAY MAANTA OO QAMIIS AH. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! By: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|