La Yaab : Ciyaaryahan Naaska ku dhegay Haweeneydii Alabiitaraha ka eheeyd Ciyaartii Hertha BSC Vs Alemannia Aachen & Warar kale oo News ah (Halkaan ka Daawo Qaabka uu Haweeneyda Garsooraha eheed uu u Shaxaariyeeyey)
Saxaafada Dunida qaasatan kuwa Germany ayaa maanta si weeyn ugu mashquulsan Fadeexadii soo gaartay Ciyaaryahan Peter Niemeyer oo u safta kooxda Hertha Berlin ka dib markii uu Naaska ku dhegay Bibiana Steinhaus oo ah Haweeneeydii Alabiitaraha ka eheed Ciyaartii habeenkii Talaadada dhex martay kooxaha Hertha BSC Vs Alemannia Aachen.
Bibiana Steinhaus oo Xariifad eheed ayaa dareentay in uu Peter Niemeyer Naaskeeda taabtay iskana dhigay nin iyada ku soo dhacay wexeeyna isla markiiba biloowday Qosol gariir iyada oo iska dhigtay wax Jaalle doontay camal isagiina isla markiiba gadaal u cararay.
Dalka Jarmalka oo dhanka Kaamerooyinka aad ugu hor maray ayaa waxa eey ilbiriqsi gadaal ka soo ban dhigeen qaabkii uu Garsoorada u Shaxaariyeeyey ciyaaryahan Peter Niemeyer. Haweeneydaan lagu magacaabo Bibiana Steinhaus oo 31-jir ah ayaa waxa eey si weeyn caan uga tahay dalka Germany maadaama eey tahay qofka kaliyah ee Dumar ah oo dhex dhexaadiso horyaalka Budesligaha Germany qeeybiita 2-aad.
Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ayaa waxa eey sheegayaan sidan:
**Kooxda Arsenal ayaa soo cusbooneeysay doonisteeda xiddiga difaaca uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund iyo qaranka Serbia Neven Supotic iyo Goolhayaha kooxda FC Schalke Emanuel Neue. Naadiga Arsenal iyo kooxahaan ayaa heeshiis hoose weli u socdaa wexeeyna Arsenal dooneysaa ineey xili qaboobaha fooda inagu soo hayo ciyaartooydaan ku soo biiriso laacibiinteeda.
** Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid & qaranka Uruguay Diego Forlan ayaa la shaaciyey inuu ka tagaayo kooxdiisa At.Madrid. Forlan oo eey isku kacsan yihiin maamulka kooxdiisa ayaa maanta u sheegay Wargeeyska Marca-Sport ee ka soo baxa dalka Spain in uusan joogi doonin wixii hada ka dambeeya magaalada Madrid. Boss-ka Atletico Madrid Enrique Cerezo oo isna dhinaciisa hadlay ayaa sheegay in uu go´aanka iyaga ka go markii eey doonaana eey fasixi karaan ciyaaryahan Forlan. Diego Forlan oo heeysta Bilada laacibkii ugu wanaagsanaa World Cup 2010 ayaa waxaa lagu wadaa inuu ku biiri doono kooxdiisii hore ee Man Utd oo uu ka yimid sanadkii 2004-ka sida uu sheegay.
Filo Goo goor dhaw warar Top News ah iyo Barnaamishkii ku biiri Aqoontaada Sport.
Xasuusin: Heesaha iyo Astaamaha kooxaha ee loo codeen lahaa weli shaqo ayaa ku socota(Mahadsanidiin)