 |
|
 |
top17 |
 |

Luis Nani Laacib ku socda Wadadii C.Ronaldo, Maxaad ka taqaan qaabka uu Difaacyada ka soo hor jeedo u Bililiqeeysto ama uga dhex siibto? ( Halkaan ka Daawo Taariikhdiisa oo kooban iyo isaga oo hada ku biiray Xayeeysiinta Top-Model-ka) Shabakada Sportiga ee Soomaaliyeed www.xiriiriye.com waxa eey har & habeenba Akhristayaasheeda baaxada weeyn u soo bandhigtaa warar Sport oo xasaasi ah ama iyaga oo dhicin balse gadaal ka dhici doona maadaama inta badan wararkeena aan soo raacino waxyaalaha ugu haboon ee cadeemaha xuquuqda Sportiga ama tan kaliyah ee uu Akhristaha si weeyn ugu qanci karo. Waxaanu Qalinka iyo Faalooyinka daba dhiganaa Laacibiin fara badan oo qaab ciyaareedkoodu uu mudan yahay in Faalo laga qoro maadaama ciyaartooydaas wacdaraha eey garoomada la soo galaan uu dib ka rumoobi doono. Waxaa jirta Ciyaartooy aad u fara badn oo aan Faalo ama qoraalo xasaasi ah ka qornay inaga oo tilmaamnay in Laacibiintas xiliyada soo socda eey si weeyn u soo caan bixi doonaan maadaama garoomada dhexdooda eey Mucjisooyin iyo la yaab la soo galaan. Ciyaartoodii aan sida weeyn wax uga qornay ee gadaal caanka & Laacibiinta ka noqday ayaa waxaa ka mid ah sida Dirk Kuyt oo hada FC Liverpool u safta balse xiligaas u ciyaari jiray kooxda dalkiisa hooyo ee Feyenoord Rotterdam. Kuyt ayaa 101 kulan oo xiligaas Horyaalka Holland ahaa waxa uu u saxiixay 71-gool. Waxaan kaloo ka faaloonay oo gadaal laaciibiin ka noqday Ciyaartooyda kala ah Theo Walcott, Thomas Müller oo gool dhalinta World Cup 2010 si la yaab leh uga qaaday Laacibiin badan oo loo saadaalinayey ineey si xarago leh ku soo qaadi doonaan Abaal marintaas sida David Villa, Fernando Torres, Weyne Rooney, Diego Forlan, Miro Klose, Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi. Ciyaartooyda kale ee aanu war bixinada xasaasiga ah ka qornay dhankooda farsamda qaab ciyaareedkooda ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Jermain Defoe oo hada u ciyaara kooxda Tottenham weliba aanan ka bixin liiska hore ee gool dhalinta eeyna kooxo badan oo waa weyn eey ugaarsi ugu jiraan. Xiddigii ugu dambeeyey ee www.xiriiriye.com uu sida weeyn farta ugu fiiqay inuu Maslaxa kubada cagta wacdaro ka dhigi doona ayaa ahaa Laacib Mesut Özil oo xiligaas u ciyaarayey Kooxda FC Schalke balse markii dambe eey iibsatay kooxda Werder Bremen oo ilaa xili ciyaareedkii ugu dambeeyey eey kala soo wareegtay kooxda weeyn ee Real Madrid ka dib markii eey arkeen wacdarihii uu ka dhigay World Cup 2010. Hadaanu qormadeena iyo Faalada Ciyaartooyda Mustaqbalka wacdaraha la soo socota u gudo galno markaan Qalinka & Shiishka Xiriiriye waxa uu saaran yahay Laacib Luis Nani waa hadii uusan xili ciyaareedkaan dhaawacyo kale beerta gelin. TAARIIKHDA LUIS NANI OO KOOBAN: Magaciisa oo buuxa waa Luis Carlos Almeida da Cunha Nani, Waxa uu dhashay 17-Novembar 1986, waxa uu ku dhashay Kap Verde, dhirirkiisu waa 175 cm, ilaa iyo yaraantiisii waxaa uu u soo ciyaarayey kooxda Sporting Lisbon ee ka dhisan horyaalka dalka Portugaal. Waxaa uu Macalin ama Qatar ku yahay oo uu wax ku halaagaa lugta Midig, Taageerayaasha Red Devils ee Man Utd dhamaan waxa eey u yaqaanan oo ku neenaasaan Biriqdii Lambarka 17-aad sidatay ee Bootinta dheereed iyaga oo ula jeedo qaabka uu u bood boodo xiliyada uu goolasha dhaliyo. Ifka waxa uu ugu jecel yahay Lambarka 17-aad kaas oo uu ku sheegay ineey tahay Maalintii dhalashadiisa. Macalinka Man Utd waxa uu jecel yahay inuu gadaal Jocker ahaan uga soo geliyo oo inta badan Man Utd uu guul u horseedo balse Nani ayaa taas diidan oo jecel inuu ciyaarta mar kasta dhameeysto. Qandaraaska uu Man Utd kula joogo waa ilaa 2012 qiimaha eey ManU u kordhisay ee uu saxiixay waa Adduun ku kacaya 20-Milyan oo Euro in kastoo uu markii hore beec jaban ku yimid. Saaxiibadiisa qaaliga ah ee uu har iyo habeenba xiriirka wacan la leeyahay ama dhanka Telfoonka isku wacaan ayaa kala ah Cristiano Ronaldo oo eey isku naadi ka wada yimaadeen weliba xiliyada Qaranka Portugaal marka eey dheelayaan hal qol wada dega inta badana isku raaca waxa loo yaqaan Shoping, saaxiib kiisa 2-aad ayaa ah Hugo Almeida oo hada u ciyaara Kooxda Bremen ee horyaalka Germany balse iskala ciyaaraan Qaranka Portugal.Saaxiibkiisa 3-aad ayaa ah Xiddiga Chelsea José Bosingwa da Silva, Man Utd waxa eey si weeyn isku jecel yihiin Patrice Evra , Paul Scholes & Rio Ferdinand oo eey inta badan is raacaan. Man Utd wexeey hal mar isku dheceen Weeraryahan Dimitri Berbatov oo ka xanaaqay xili uu Nani ku yiri Shaatigaaga waxaa ka soo uraayo Sigaar aad soo cabtay maadama xiligaas eey Berbatov heeysatay fadeexo dhanka sigaarka ah waxaana qilaafkooda soo bandhigtay Jariidada Sun Sports ee ka soo baxda England. Dhanka Aqlaaqda waxa uu ku eedeeyey Nani Saaxiibkoodii hore ee hada u ciyaara Man City Carlos Tevez oo uu sheegay in eeysan si wanaagsan u jiifan jirin xiligii uu Tevez ManU joogay maadaama uu ahaa Nin dhaqan xun oo aad u Qeeylo badan xiliyada eey ciyaartooyda kale jiifaan isaga oo ku eedeyey in Telefoona uu waco ee dalkiisa Argentina ama Familkiisa uu u qeeylinjiray si xad dhaaf oo aan Masuuliyad xambaarsaneyn. Qooyskiisa waxa eey ka soo jeedaan jasiirada Kap Verde, Aabihiis waxa uu asal ahaan ahaa dad Eratereeyaan ah oo ku dhashay Kap Verde, Ayeeydiis hooyadiis dhashay waa Jabuutiyaan ilaa xili fog ku nool meel aan wax sidaas ah uga dheereen University of Wales in Cardiff waxaana lagu magacaabaa Sara, wiil eey qaraabo hoose yihiin oo ka dheela Horyaalka dalka Wales ayaa jira. Waxa uu Nani sheegay in uu dhoor jeer booqasho ugu tagay Ayeeydiis dhashay Hooyadiis eeyna kula kaftantay sidii uu u booqan lahaa xiliyada fasaxa dalka Jabuuti xiligaas oo uu Nani u socday Magaalada Antalya ee dalka Turkiga . Horyaalka Ingiriiska waxa uu Laacib Nani neceb yahay oo goolashiisa birta soo celisaa ama nasiibkiisu diidaa kooxda Blackburn Rovers. Qaranka Portugal oo Luis Nani lagu soo daray 1-Siptember 2006 ayaa 2-gool oo eey ku hormareen waxaa xulka Denemark ugu badaleen 2-4. Nani ayaa sheegay in Qaranka uu ugu neceb yahay oo uu Nasiibloow ku tilmaamay eey yihiin Denemark maadaama uu goolal aan caadi aheyn xulkiisa Portugal ka qasaariyo marka eey Denemarrk la kulmaan guuldaro gurigooda ahna kala kulmaan Halkaan Daawo sida goolasha uu kala hor maray Nani Qaranka Denemark balse aaqirul saacii la boobsiiyey loogana badiyey 2-3 halka sidoo kale kulankiisii ugu horeeyey ee uu Qaranka Portugal sidoo kale guuldaro kala kulmay: http://www.youtube.com/watch?v=35z3BH5dH7c&feature=fvw. Ugu dambeentii waxaanu shaki ku jirin in Mucjisooyinka Luis Nani eey kooxo badan isha ku heeyn doonaan weliba kuwooda Lacagta iyo dhaqaalaha xoogan suuqyada la taagaan wuxuuna raaci doonaa Wadadii Cristiano Ronaldo oo markii uu imaanayey Man Utd aan wax sidaas u weeyn u awood badneeyn. Meelaha eey labadaan ciyaaryahan iska shabahaan ayaa ka mid ah sida sawirka kore idinkaga muuqato iyaga oo ciyaartooyda hadba u sheega meelaha eey ka jilicsan yihiin iyo qaabka loo abaari karo meel eey ka Daloosho kooxda xiligaas iyaga ka soo hor jeeda. Nani ayaa waxa uu caan ku yahay qaabka eey Soomaalidu u taqaan Been boode oo loo la jeedo isaga oo iska dhigaya nin bidix kubada la aadaayo oo hadana midig ula baxsanaayo taas oo aad ugu adag difaacyada ineey fahmaan meesha uu doonayo xiligaas inuu abaaro maadama xitaa uu gembis Cagawareejis ah ku daro. Halkaan ka Daawo Qaabka uu Difaacyada uga dhex baxo una Bililiqeeysto : http://www.youtube.com/watch?v=z2pOmXwfD7Q&feature=fvwk. Halkaan ka Daawo markii uu Luis Nani ku guuleeystay Imtixaanka laga qaado ciyaartooyda inteeysan Top Model-ka gelin : http://www.youtube.com/watch?v=KcrE0lEhNqw&feature=related Halkaan ka Daawo Guul , Qasaaro , Dhaawac iyo Farxad wixii uu kala kulmay 2009/10 : http://www.youtube.com/watch?v=xyyQ5qLkn6w&feature=related Halkaan ka Daawo Qaabka imtixaanaadka Jirka looga qaado raga inta eeysan ku biirin xayeeysiinta Top Model-ka : http://www.youtube.com/watch?v=BYNOEJMQlxA&feature=related. OGEEYSIIS: BAHDA KU XIRAN WWW.XIRIIRIYE.COM WAXAAN LA SOCOD SIINEYNAA IN MAALINTA ARBACADA AH EE 6.10.10 AAN WAJIGA AMA SHAASHADA HORE EE XIRIIRIYE.COM SOO SAARI DOONO ASTAANTA IYO HEESAHA EEY SIDA GAARKA AH U LEEYIHIIN KOOXAHA QAARADA YURUB UGU TUNKA WEEYN OO KA KOOBAN 11-KOOXOOD WAXAANA INTAAS KA DIB U QAADI DOONAA CODEEN KU SAABSAN KOOXDA UGU HEES AMA ASTAAN WANAAGSAN , LA SOCOSHO WANAAGSAN>>MAHADSANIDIIN<< ! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|