Pique oo Man Utd ku sii jeeda & Barcelona oo Lacag iyo Ciyaaryahan ku dooneeyso, Askarigii Toogtay Taageerihii kooxda Lazio oo 9-sano iyo 4-bilood xabsi lagu xukumay, Morinho, Ramos, Alonso oo lawada ganaaxay iyo Warakii ugu dambeeyey ee World Sport News .
*** Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona Gerard Pique ayaa la shaaciyey inuu ku sii jeedo kooxda Man Utd oo sanadihii 2004 ilaa 2008 uu ka tirsanaan jiray in kastoo uu 12 kulan oo kaliyah u soo saftay maadaama uu xiligaas aad u da´yaraa.
Gerard Pique ayaa waxa uu ka mid yahay Difaacyada eey ku dhaarato kooxda Barcelona iyo weliba Qaranka Spain wuxuuna xili kasta u saftaa kooxdiisa ama Qarankiisa maadaama eey adag tahay si eey ku dhaafaan weeraryahanada Caalamka.
Jaraaidka Mirror Sport oo war bixin dheer ka qoray heshiis hoosaadka kooxda Man Utd iyo Ciyaaryahan Pique ayaa waxa uu soo bandhigay in kooxda Barcelona eey la socoto arinkaan cusub in kastoo eeysan ku qanacsaneeyn Lacag oo kaliyah balse eey doonayaan Ciyaaryahan Patrice Evra iyo Lacag Cash ah.
Gerard Pique oo sanadkii la soo dhaafay eey aad u doonayeen kooxaha Real Madrid iyo Fc Chelsea ayaa waxa uu shaqsi ahaan sheegay hadiiba uu ka tagaayo kooxda Fc Barcelona inuu caga dhigan doono ama jecel yahay inuu mar kale u ciyaaro kooxda Red Devils ee Manchester United.
*** Askarigii Dilay ama Toogtay Taageerihii kooxda Lazio ayaa waxaa Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga eey ku xukuntay 9-sano & 4-bilood oo xarig ah. Askarigaan oo magaciisa lagu sheegay Luigi ayaa sanadkii 2007-kii waxa uu Toogtay taageere ka tirsanaa kooxda Lazio oo 27-jir lagu sheegay xili eey weerar culus isku qaadeen kooxaha Lazio & Inter Milan.
*** Xiriirka Uefa qeeybtiisa Diszipilinka iyo dib u eegida ayaa waxa eey Ganaaxyo adag dul dhigeen macalinka kooxda Real Madrid Jose Morinho iyo qaar ka tirsan ciyaartooydiisa. Uefa oo dib u eegtay Fadeexadii eey ku kaceen Morinho iyo labadiisa ciyaartooy ee kala ah Habi Alonso iyo Sergio Ramos ayaa waxaa Morinho Ganaax ahaan loo laqsiiyey Lacag dhan 40-kun oo Euro iyo hal kulan oo ganaax ah halka Alonso iyo Ramos eey qasab ku tahay ineey dhiibaan ama bixiyaan Lacag ganaax ah oo cadadkeeda lagu sheegay 20-kun oo Euro calaa Shaqsi waxaana sidoo kale la ganaaxay Maamulka iyo Naadiga kooxda Real Madrid oo 120-kun oo Euro lagu ganaaxay Maadaama eey si weeyn ula safteen Jose Morinho oo qaldanaa ama isku dayey inuu qash qashaado Garsoorihii hayey ciyaartii dhex martay Kooxaha Ajax Vs Real Madrid oo (0-4) ku soo dhamaatay waxaana Ciyaartaas 2-Rooso loo taagay Ciyaartooyda kala ah Habi Alonso iyo Sergio Ramos oo daqiiqadihii 87-aad iyo 90-aad laga saaray ciyaarta.
*** Jaraaidka caanka ah ee ka soo baxo dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo La Gazzetta dello Sport ayaa maanta Wareeysi dheer la yeeshay Xiddiga loogu yeero Boqorka Gambiska ee u ciyaara kooxda Ac Milan & Qaranka Brazil Robson de Souza Robinho.
Robinho ayaa ku dooday in sanadkaan isaga iyo kooxdiisaba eey u qalmaan ineey la gur guurtaan 3-koob wax ka yarna eey iska hadal tahay. Faanka iyo Bootada ciyaaryahan Robinho ayaa waxa uu noqon doonaa mid eeysan ku farxin kooxaha Juventus iyo Inter oo ugaarsi balaaran ku haayo kooxda Ac Milan maadaama dhawaan eey kooxda Lazio kala wareegtay Hogaanka horyaalka Talyaaniga waxaana sadexdaan kooxood ka dhaxeeyo is naceeyb iyo Xaqiraad soo jireen ah.
*** Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Real Madrid Gonzalo Gerardo Higuain ayaa waxaa la shaaciyey oo Dhaqtarkiisa uu sheegay inuu 2-bilood ka maqnaan doono garoomada caalamiga ah maadaama dhaawicii uu la xanuun sanaa ee Dhabarka dambe ka haayey uu sii darsaday lagana yaabo hadii uu ku bogsan waayo mudadaas labada bil ah in si deg deg ah Dhabarka dambe Qaliin looga sameeyo. Gonzalo Gerardo Higuain ayaa waxa uu ahaa xiddigii ugu goolal badnaa kooxdiisa horyaalkii la soo dhaafay wuxuuna dhaliyey oo Shabaqa ku hubsaday 27-Gool.
Dhanka kale wararka ka imaanaayo isla kooxda Real Madrid ayaa waxa eey sheegayaan in laacibka Qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Ricardo Kaka uu Isbuucyada ugu soo horeeyo u safan doono kooxdiisa sida uu sheegay Dhaqtarkiisa.
Kaka ayaa xili dheer uga maqnaa kooxdiisa dhaawac waxaana lagu eedeey inuu ku ciyaari jiray dhaawacyada yar yar ee soo gaara xiliyada uu safto kuwaas oo marka uu qarsado dib ka noqon jiray dhaawacyo sii balaarta ama ku kalifa inuu si wanaagsan u ordi waayo. Jose Morinho oo xiligaas arinka Ricardo Kaka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciyaaryahankii dambe oo qarsada ama ku dheelo dhaawacyada yar yar ee la qarin karo uu muteeysan doono Binji iyo Kursiga keeydka inuu kooxda u camiro.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciyaaryahan caan ah lagu soo eedeeyo inuu qarsado dhaawacyada yar yar si uusan booskiisa u gelin ciyaaryahan kale oo awal Binji ahaa waxaana ka mid ah Ciyaartooyda inta badan lagu eedeeyo ineey qarsadaan ama ku dheelaan dhaawacyada eey qabaan sida Carlos Tevez oo Manchester City u ciyaaro, Luis Nani oo ManU u safto iyo Francesco Totti oo kooxda As Roma u safto.
*** Kulamo ka tirsan Ex-Jabhadii Uefa Cup oo hada lagu magacaabo Europa League ayaa la ciyaaray wexeeyna kooxaha ku kala baxeen qaabkaan hoos ku qoran.
|
|
| Kharkiv - Debrecen |
2:1 |
| Sampdoria - Eindhoven |
1:2 |
| Odense BK - Getafe |
1:1 |
| Haj. Split - AEK Athen |
1:3 |
| Zenit - Anderlecht |
3:1 |
| YB Bern - Stuttgart |
4:2 |
| KAA Gent - Levski |
1:0 |
| Sporting - OSC Lille |
1:0 |
| Atl.Madrid - Saloniki |
2:3 |
| Rosenborg - Leverkusen |
0:1 |
| Man City - Salzburg |
3:0 |
| Poznan - Juventus |
1:1 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com