 |
|
 |
top |
 |

News : Dood aad u xiiso badan oo dhex martay Samuel Eto'o Vs Zlatan Ibrahimovic ,Yaa guuleeystay labada Laacib? iyo Warar kii ugu dambeeyey ee Horyaalada Talyaaniga ,Spain, Germany & England League Cup oo la Ciyaaray+News kale !! Weeraryahanada u kala dhashay dalalka Cameroon & Sweden una kala ciyaara Kooxaha Inter iyo AC Milan Samuel Eto'o Vs Zlatan Ibrahimovic ayaa waxaa Dood aad u xiiso badneed u qabtay Tv-ga caanka ah ee laga leeyahay dalka Talyaaniga waa Televisione oggi Sera tv. Doodaan ayaa sabab u eheed ka dib markii taageerayaasha Inter ku buufiyeen bananka iyo darbiyada u dhaw garoonka weeyn ee kooxda AC Milan in Magaalada Milano uu ka taliyo Laacib Samuel Eto'o uuna Zlatan Ibrahimovic yahay Calooshiis u shaqeeyste beri ku laaban doona horyaalka Sweden. Arintaan ayaa waxaa si weeyn uga carooday Taageerayaasha Milan oo ku jawaabay in wakhtigii Samuel Eto'o uu dhamaaday loogana gacan haatinayo inuu iska xaadiriyo Serie B-da. Xasaasiyada u dhaxeysa labadaan kooxood oo marba marka ka sii dambeysa sii xumaaneysay ayaa waxaa tv-ga doodaan qabtay isku dayey inuu wax ka ogaado bal ineey wax ka ogyihiin ciyaartooydaan qalalaasaha Taageerayasha Inter Vs Milan. Wareeysigaan oo aad u dheeraa ayaa hadaanu muhiimada ka soo qaadano intii ugu muhiimsaneed waxaa ka mid ahaa sida tan : Oggi Sera tv ayaa weey diiyey Samuel Eto'o 3-suŽaalood oo kala ahaa sidan. Yaa ku guuleeysan doona Horyaalka Talyaaniga? ..maxaad Taageerayasha Inter ku dejin leheed oo aad ugu baaqi leheed? ..Xiriir ma leedihiin adiga iyo Zlatan Ibrahimovic? Samuel Eto'o ayaa 3-da suŽaalood sidaan uga jawaabay: Inter ayaa ku guuleeysan doonta Serie A hadii eey weeysana Juventus...Taageerayaasha Inter inta aan ka aqaano ma ahan dad rabshada jecel ee waa lala soo doontaa waxaana ugu baaqi lahaa ineey is dajiyaan... Dhanka Zlatan Ibrahimovic, maya xiriir wanaagsan ma lihin balse waxaan la xiriiraa oo is maqalnaa Saaxiibadeeydii FC Barcelona oo Ibrahimovic magac cusub ula baxay (Iimaan yook) Samuel Eto'o ayaa Oggi Sera tv waxa uu weey diiyey cida eey yihiin laacibiinta Ibra u taqaan (Iimaan yook) iyo waxa loola jeedo eraygaas?? Weeraryahan Samuel Eto'o ayaa ka gaabsaday inuu magacyada Ciyaartoydaas saxaafada u sheego balse waxa uu cadeeyey in magaca Iimaan yook eey kala jeedeen Champions Ligihii dhaafay markii uu Inter ka tagay halka Samuel Eto'o uu nasiib u yeeshay in isaga oo heeysta Championkii uu Barca la soo qaaday hada mar labaad Inter kula guuleeystii Championkii ku xigay halka Ibra uu sidaas ku dhaafay. Intaas ka dib Oggi Sera Tv ayaa waxa uu qadka soo geliyey Zlatan Ibrahimovic oo dhageeysanayey Hadalka Samuel EtoŽo waxaana isna la weey diiyey suŽaalahaan : Oggi Sera tv ayaa weey diiyey Zlatan Ibrahimovic 3-suŽaalood oo kala ahaa sidan. Yaa ku guuleeysan doona Horyaalka Talyaaniga? ..maxaad Taageerayasha Milan uga farxin leheed ama ku dajin leheed?..Xiriir ma leedihiin adiga iyo Samuel Eto'o? Zlatan Ibrahimovic oo uu xanaaq fara badan ka muuqday ayaa sidan ku jawaabay: Horyaalka Serie A weli waa socod barad cid sheegan kartaana ma jirto maxaa yeelay kubada ayaa sidaas ka sameeysan ma aha in Bareejada aan ka bixi weeynay inaan tabar daran nahay ciyaarna waa gelin dambe...Taageerayasha Milan waa taageerayaal fac weyn mana ilaha in eey Magaalada milaano Amnigeeda qatar ku yihiin waana la yaqaan cida rabshadaha ka wado milano (Inter?) ....Dhanka Samuel Eto'o wax xiriir ah nagama dhaxeeyna laakiin waxaan u sheegayaa in uu ku wanaagsan yahay Aamusnaanta ! Wareeysigaan oo aad u dheeraa ayaa aqristoow waxaad moodaa in Samuel Eto'o uu ku guuleeystay maxaa yeelay hadaladiisa oo dhan waxaa ku jiray Qosol halka Ibrahimovic uu ka muuqday xanaaq baxaad weeyn waxaana iska cad in uu ka xanaaqay hadalkii ahaa Iimaan yook oo eey ula jeedaan nin koox ka cararay oo kooxdii uu ka cararay Koob qaaday halka tii uu u tagayna uu koob la qaadi waayey (The Uefa Champions League) Saaxiibada uu sheegay in Barcelona uu weli xiriir weeyn kala leeyahay ciyaaryahan Samuel Eto'o ayaa waxa eey kala yihiin Carles Puyol, Xavi Hernandez, Lionel Messi iyo Andreas Iniesta weeyna iska cadahay in Laacibiintaas eey Ibrahimovic magaca Iimaan yook u bixiyeen. Laacib Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa uu Barcelona Saaxiibo waa weyn kala ahaa 2-ciyaaryahan oo kaliyah waana Gerard Piqué iyo Dani Alves. X I R I I R I Y E W O RLD S P O R T N E W S A Y A A W A X A A U G U W A A W E E Y N : Wararka ugu waa weeynaa ee Sportiga ayaa waxaa ka mid ah Arin laga naxo oo qabsatay Naadiga FC Liverpool ka dib markii kulamadii England - League Cup ee la ciyaaray guriigeda Anfield Road eey ku dur durisay Kooxda Northampton oo ka dheesha Horyaalka 4-aad ee England. Ceebtaan qabsatay kooxda Liverpool ayaa waxaa qaadan waayey oo garoonka ka bixi waayey Taageerayasha Kooxda Liverpool oo madaxa gacmaha wada saartay ! . Liverpool ayaa Northampton la dhaafi weeysay 2-2 balse waxaa lagu reebay gurigooda oo Taageerayasha eey soo camireen Rigooreyaal 4-2 looga badiyey . Kooxda Liverpool oo hada uu wato Macalin Roy Hodgson oo kooxda Fulham Finalaha Europa Liga keenay xili ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa hada waxa eey kaga jiraan Horyaalka England meel laga xishoodo taas oo ah kaalinta 16-aad wexeyna leeyihiin 5-dhibcood oo kaliyah. Waxaa kaloo iyana beerta galay oo laga reebay England League Cup Kooxaha Fc Chelsea oo gurigeeda eey ku dubatay Kooxda Newscastle oo ka soo laabatay xili ciyaareedkaan Horyaalka England qeeybtiisa 2-aad. Chelsea oo ciyaartooy badan aan soo safin ayaa waxaa looga badiyey 3-4 goolasha Chelsea waxaa u kala saxiixay Aanholt iyo Nicolas Anelka oo 2-gool u dhaliyey. Kooxda Lacagta faraha badan faraqa ku heeysatay ee Man City ayaa waxaa isbaaro u dhigatay oo 2-1 ku reebtay kooxda West Bromwich A. Manchester Utd waxa eey 2-5 u soo dhiibtay kooxda Scunthorpe Und. Aston villa Blackburn R. ayey 3-1 iskaga reebtay. HORYAALKA TALYAANIGA OO KULANKIISII 4-AAD LA DHEELAY AYAA WAXAA LAGU DHEGAY KOOXO WAA WEEYN. Kooxda Inter ayaa waxa eey 4-0 uga badisay kooxdii eey ifka ugu necbaneed kana cabsan jirtay mar walba waa Bari. Goolasha Inter waxaa u kala dhaliyey weeraryahanka kacsan ayaamahaan Samuel EtoŽo oo 2-rigooro u saxiixay halka uu labada gool ee kale uu ku sii baashaalay Diego Milito oo ayaan taan eey ka jiiftay kuna sigtay in Macalin Rafael Benitez uu Binji ku cabo. Milan iyo Ibrahimovic oo laga yaabsaday: Kooxda AC Milan oo marti u eheed Naadiga Lazio oo xiliyadaan danbe aan sidaas u awood badneen ayaa waxa eey ku kala baxeen 1-1. Milan oo goolka ku hormartay ayaa waxaa daqiiqadii 66-aad u saxiixay Laacibkooda cusub Zlatan Ibrahimovic. Milan oo saxaafada ugu yeereysay labadaan cisho Milan Bareejo ayaa magaacaas waxa eey iska diiday ilaa daqiiqadii 81-aad ee dhamaadkii ciyaarta balse nasiib daro waxa uu magacii Milan bareejo soo laabtay daqiiqadii 81-aad markuu ciyaaryahan Floccari goolkii bareejada uga naxsaday Nadiga AC Milan. TAAGEERAYAASHA ROMA OO TAAGAN AAN DUCEEYSANO: Kooxda Roma ayaa waxaa la soo gudboonatay ayaantaan guuldarooyin baahsan waxaana ugu dambeeysay tii caawa eey kooxda Brescia 2-1 dhulka ku jiiday oo eey uga badisay. kulamadii kale ee Horyaalka Serie A-da ayaa waxa eey kooxaha iska macsalaameeyen sida tan:
|
| Inter |
Bari |
4:0 |
| Lazio |
AC Milan |
1:1 |
| Catania |
Cesena |
2:0 |
| Brescia |
AS Roma |
2:1 |
| FC Genoa |
Fiorentina |
1:1 |
| Bologna |
Udinese |
2:1 |
| Napoli |
Chievo Verona |
1:3 |
| Cagliari |
Sampdoria Genua |
0:0 |
| Lecce |
Parma |
1:1 | Kooxaha Juventus iyo Palermo ayaa maanta dheelaya. Kooxaha Talyaaniga ayaa sidaan u kala horeeya.
| 1. |
Inter |
4 |
3 |
1 |
0 |
8:2 |
10 |
| 2. |
Chievo Verona |
4 |
3 |
0 |
1 |
8:4 |
9 |
| 3. |
Brescia |
4 |
3 |
0 |
1 |
6:5 |
9 |
| 4. |
Catania |
4 |
2 |
1 |
1 |
6:4 |
7 |
| 5. |
Lazio |
4 |
2 |
1 |
1 |
6:5 |
7 |
| 6. |
AC Cesena |
4 |
2 |
1 |
1 |
3:2 |
7 |
| 7. |
Cagliari |
4 |
1 |
3 |
0 |
5:1 |
6 |
| 8. |
AC Milan |
4 |
1 |
2 |
1 |
6:4 |
5 |
| 9. |
Sampdoria |
4 |
1 |
2 |
1 |
6:5 |
5 |
| 10. |
FC Parma |
4 |
1 |
2 |
1 |
5:4 |
5 |
| 11. |
SSC Napoli |
4 |
1 |
2 |
1 |
6:7 |
5 |
| 12. |
Bologna |
4 |
1 |
2 |
1 |
5:6 |
5 |
| 13. |
FC Genoa |
4 |
1 |
2 |
1 |
4:5 |
5 |
| 14. |
AS Bari |
4 |
1 |
2 |
1 |
3:6 |
5 |
| 15. |
Juventus Turin |
3 |
1 |
1 |
1 |
7:4 |
4 |
| 16. |
US Lecce |
4 |
1 |
1 |
2 |
2:6 |
4 |
| 17. |
AC Fiorentina |
4 |
0 |
2 |
2 |
3:5 |
2 |
| 18. |
AS Roma |
4 |
0 |
2 |
2 |
4:9 |
2 |
| 19. |
US Palermo |
3 |
0 |
1 |
2 |
3:5 |
1 |
| 20. |
Udinese
|
4 |
0 |
0 |
4 |
2:9 |
0 |
HORYAALKA SPAIN OO SIDOO KALE LA DHEELAY KULANKIISII 4-AAD. Kooxda Barcelona ayaa 1-0 u dhiibtay kooxda Sprting Gijon waxaana gool-kaas u dhaliyey Weeraryahan David Villa oo eey Barcelona lacaag aad u tiro badan kula soo wareegtay kana dooneyso inuu goolal intaas ka badan hadii kale irida loo balaqi doono sidii Laacibintii ka horeysay isaga Henry, Ibrahimovic, EtoŽo, iyo Ronaldinho.
ha ayaa sidaan isku arkay:
| Talaado: |
| Osasuna |
Real Sociedad |
3:1 |
| Bilbao |
Mallorca |
3:0 |
| Real Madrid |
Espanyol Barcelona |
3:0 |
| Arbaco: |
| FC Barcelona |
Gijon |
1:0 |
| Almeria |
Levante |
0:1 |
| Saragossa |
Alicante |
0:0 |
| Valencia |
Atletico Madrid |
1:1 |
| Maanta: |
| Sevilla |
Santander |
-:- |
| Getafe |
Malaga |
-:- |
| Villarreal |
La Coruna
|
| 1. |
Real Madrid |
4 |
3 |
1 |
0 |
6:1 |
10 |
| 2. |
Valencia |
4 |
3 |
1 |
0 |
7:3 |
10 |
| 3. |
FC Barcelona |
4 |
3 |
0 |
1 |
6:3 |
9 |
| 4. |
Atletico Madrid |
4 |
2 |
1 |
1 |
8:4 |
7 |
| 5. |
FC Sevilla |
3 |
2 |
1 |
0 |
6:2 |
7 |
| 6. |
Athletic Bilbao |
4 |
2 |
1 |
1 |
7:4 |
7 |
| 7. |
Villarreal |
3 |
2 |
0 |
1 |
6:2 |
6 |
| 8. |
Espanyol Barcelona |
4 |
2 |
0 |
2 |
4:8 |
6 |
| 9. |
Getafe |
3 |
1 |
1 |
1 |
7:6 |
4 |
| 10. |
Hercules Alicante |
4 |
1 |
2 |
1 |
3:3 |
4 |
| 11. |
Osasuna Pamplona |
4 |
1 |
1 |
2 |
3:4 |
4 |
| 12. |
Real Sociedad |
4 |
1 |
1 |
2 |
5:7 |
4 |
| 13. |
Sporting Gijon |
4 |
1 |
1 |
2 |
4:7 |
4 |
| 14. |
Real Mallorca |
4 |
1 |
1 |
2 |
2:5 |
4 |
| 15. |
Deportivo La Coruna |
3 |
0 |
3 |
0 |
2:2 |
3 |
| 16. |
Malaga |
3 |
1 |
0 |
2 |
7:8 |
3 |
| 17. |
Racing Santander |
3 |
1 |
0 |
2 |
2:4 |
3 |
| 18. |
UD Levante |
4 |
1 |
0 |
3 |
4:10 |
3 |
| 19. |
Almeria |
4 |
0 |
2 |
2 |
2:4 |
2 |
| 20. |
Real Saragossa |
4 |
0 |
2 |
2 |
3:7 |
2 | HORYAALKA JARMALKA OO KULANKIISII 5-AAD LA CIYAARAY AYAA WAXA LAGU KALA BAXAY SIDAN:
| Dienstag, 21. September: |
| Hannover |
Bremen |
4:1 |
| Hoffenheim |
Bayern München |
1:2 |
| Mainz |
Köln |
2:0 |
| Mittwoch, 22. September: |
| Dortmund |
Kaiserslautern |
5:0 |
| Hamburger SV |
Wolfsburg |
1:3 |
| Leverkusen |
Frankfurt |
2:1 |
| Freiburg |
Schalke |
1:2 |
| Nürnberg |
Stuttgart |
2:1 |
| Mönchengladbach |
St. Pauli |
1:2 |
| 1. |
1. FSV Mainz 05 |
5 |
5 |
0 |
0 |
12:4 |
15 |
| 2. |
Borussia Dortmund |
5 |
4 |
0 |
1 |
13:4 |
12 |
| 3. |
1899 Hoffenheim |
5 |
3 |
1 |
1 |
10:5 |
10 |
| 4. |
Hannover 96 |
5 |
3 |
1 |
1 |
10:7 |
10 |
| 5. |
SC Freiburg |
5 |
3 |
0 |
2 |
7:7 |
9 |
| 6. |
Hamburger SV |
5 |
2 |
2 |
1 |
8:7 |
8 |
| 7. |
Bayer 04 Leverkusen |
5 |
2 |
2 |
1 |
9:9 |
8 |
| 8. |
FC Bayern München |
5 |
2 |
2 |
1 |
4:4 |
8 |
| 9. |
FC St. Pauli |
5 |
2 |
1 |
2 |
6:5 |
7 |
| 10. |
1. FC Kaiserslautern |
5 |
2 |
1 |
2 |
8:10 |
7 |
| 11. |
VfL Wolfsburg |
5 |
2 |
0 |
3 |
9:9 |
6 |
| 12. |
1. FC Nürnberg |
5 |
1 |
3 |
1 |
5:5 |
6 |
| 13. |
1. FC Köln |
5 |
1 |
1 |
3 |
4:9 |
4 |
| 14. |
Werder Bremen |
5 |
1 |
1 |
3 |
6:12 |
4 |
| 15. |
Borussia Mönchengladbach |
5 |
1 |
1 |
3 |
8:17 |
4 |
| 16. |
VfB Stuttgart |
5 |
1 |
0 |
4 |
10:9 |
3 |
| 17. |
Eintracht Frankfurt |
5 |
1 |
0 |
4 |
7:8 |
3 |
| 18. |
FC Schalke 04 |
5 |
1 |
0 |
4 |
5:10 |
3 | WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN QAAB KAAN: ** Laacibiinta kala ah David Beckham iyo Thiery Henry oo lagu waday ineey ciyaar kulul iskaga hor yimaadaan maalinta Jimcaha ee beri ayaa taas dhici weeysay ka dib markii Henry Jilib ka dhaawacmay. Labada kooxeed ee eey u kala saftaan ayaa kulmi doona beri waxaana lagu kala magacaabaa New York Red Bulls vs Los Angeles Galaxy oo ka wada tirsan Horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer (MLS) . ** Guushii kooxda Bayern München ee guriga Hofenheim ayaa waxaa ku xigay Murugo ka dib markii Laacibkooda weey Frank Ribery uu soo gaaray dhaawac xun waxaana uu ugu yaraan ka maqnaan doonaa garoomada Bil ama 2-bilood. ** Garsoorihii hore ee Fifa Byron Moreno ayaa Daroogo lagu qabtay isaga oo Garoonka caalamiga ah ee John F. Kennedy Airport in New York 6-kilo oo Daroogo ah boorso ku sita. Moreno ayaa waxaa lagu soo xasuustaa Taariikh madoow oo uu ka galay ciyaaraha Caalamiga ah sida World Cup 2002 oo South Korea Vs Italy gool caalami ah ka diiday xulka Talyaaniga wax yar ka dibna Frencesco Totti Roso ka siiyey waxaana intaas ka dib uu shaqo ka helay bil kaliyah ka dib Horyaalka wadanka uu u dhashay ee Ecuador balse nasiib xumo ciyaar koox uu jeclaa eey dheeleysay ayaa waxa uu ku daray 12-Daqiiqadood oo dheeri eheed maadaama kooxda uu jeclaa lagu lahaa gool. Intaas ka dib ayaa xiriirka caalamiga ah ee dalka Ecuador waxa eey ka mamnuuceen 20-kulan inuusan qaban karin ciyaaraha Horyaalka Ecuador ** KOOXDA INTER OO AAD U DOONEYSO DIFAAC CAAN AH. Difaaca eey ku dhaartaan Qaranka Denemark iyo kooxda Liverpool Daniel Agger ayaa waxaa aad u dooneyso kooxda Inter. Macalinka Inter Rafae Benitez ayaa Daniel Agger si weeyn iskugu yaqaaneeyn xilii uu Liverpool la joogay. Kooxda Liverpool ayaan weli ka jawaabin baaqa Inter maxaa yeelay Liverpool waxa eey ku mashquulsan tahay dhibaatooyin weeyn oo ka heeysta xaga horyaalka England iyo Leggue Koob-ka oo eey ka hareen.l FILO GOOR DHAW BARNAAMISHYADA LA YAAB IYO KU BIIRI AQOONTAADA SPORT OO MAANTA XIISO WEEYN XAMBAARSAN:. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! By: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|