juventus oo soo iibsatay Luca Toni ka dib markii Laacibiinteedii dhaawac looga saaray Garoomada, Dalka Qatar oo ah Marti galiyaha Koobka Addunka ee 2022 oo Guuldaro lagu Iftaxay Ciyaartii Asian-Cup oo Gurigooda Doha ka furmay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Weeraryahanka Dhirirka badan ee Qaranka Talyaaniga Luca Toni ayaa si toos ugu biiray kooxda Faca weyn ee Juventus oo inta badan Laacibiinteedii Garoomada looga saaray dhaawacyo la soo gudboonaaday. Luca Toni oo 33 sano jir ah ayaa waxa uu ka ciyaari doonaa booska uu ka dhaawacmay weeraryahan Qaranka Talyaaniga Fabio Quagliarella.
Ciyaaryahan Luca Toni oo ka yimid dhanka kooxda FC Genoa ayaa si weeyn ugu faraxay inuu ka mid noqdo kooxda Juventus oo sanadkaan ka mid ah kooxaha tartanka ugu jira qaadista Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga wuxuuna juventus u saxiixay heshiis gaaraayo ilaa bisha Juun ee sanadka dambe 2012.
*** Koobka Qaramada Asia oo si xiiso badan uga furmay Garoonka weeyn ee Khalifa Stadium oo ku yaal magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxaa durbadii dhulka lagu jiiday Marti galiyaha koobka Adduunka 2022 & Marti galiyaha Koobka Qaramada Asia ee 2011 oo ah dalka Qadar.
Qatar ayaa waxaa dhulka ku jiiday Xulka Usbekistan oo uga badiyey 0-2 wexaana ceeb eheed markii la arkay madaxdii iyo maamulkii dawlada Qatar oo garoonka ka sii dhuumanaya markii uu goolkii 2-aad xulka Qatar ku sagootiyey ciyaaryahan Serwer Djeparow oo ah Kaptanka dalka Usbekistan.
Garoonka Khalifa ayaa waxaa soo xaadirtay Taageerayaashii ebid ugu badnaa oo u dhashay dalka Qatar wexeeyna intooda badan ka kala yimaadeen gobolada dalkaas uu ka kala kooban yahay waxeeyna Taageerayaashii garoonka soo buux dhaafiyey tiradooda ahaayeen 37.143 kun.
Labada gool ee Qatar lagu sogootiyey waxaa kala dhaliyey ciyaarta qeeybteeda dambe Odil Achmedow daqiiqadii 58-aad & Kaptan Serwer Djeparow oo u labeeyey Qaranka Qatar daqiiqadii 77-aad waxaana aad u qurux badnaa goolka Achmedow oo ahaa nuuca eey Soomaalida u taqaan Biriqda halka goolka 2-aad ee Kaptan Serwer Djeparow uu ahaa Qalad iyo Hadiyad ka timid difaaca reer Qadar. Halkaan ka Daawo Ciyaarta iyo Furitaankii Asian Cup: >> http://www.youtube.com/watch?v=Z80l_boIZnk
Waxaa iyana isla Guruubkaan wada ciyaaray dalalka Kuweit Vs China waxaa 0-2 Kuweit ku dirtay dalka China oo aan looga baran awood dhanka ciyaaraha kubada cagta ah marka laga reebo ciyaaraha Kaarateega iwm . Qaranka Kuweit waxaa qasaariyey ciyaaryahan Neda oo Rooso muteeystay : Halkaan ka Daawo ciyaarta >> http://www.youtube.com/watch?v=E2R8RIEkjf0.
Kooxaha dalalka Carabta ayaad waxaa moodaa ineey sanadkaan meesha waxba ku heeyn in kastoo maanta eey ciyaari doonaan dalalka loo saadaalinaayo Koobka Qaramada Asia 2011 kuwaas oo kala ah Saudi Arabia oo la ciyaari doonta maanta dalka Syria halka Xulka Japan oo isna loo saadaalinaayo Asian Cup 2011 uu fooda dari doono maanta Qaranka Jordan. Waxaa kaloo beri wada ciyaari doona Ciyaarta ebid ugu Qosolka badan Caalamka oo dhex mari doonta Xulka Qaranka Australia oo sanadkaan lagu daray ineey tartanka Asia Cup ka mid noqdaan iyo Qaranka India oo aan aqoon meel laga maro ciyaaraha kubada cagta waxaana mudo aad u fog looga reebay ciyaaraha caalamiga ah ee kubada cagta Sixir iwm. Isla beri ayaa waxaa fooda is dari doona dalalka Korea Republic Vs Bahrain oo aad u adag. Beri dambe oo ah Maalinta Talaadada ayaa lagu wadaa ineey dharka iska dhigaan Guruup-ka ugu adag Asian Cup 2011 in Qatar oo ah Iraq Vs Iiran iyo Korea DPR Vs U.A.E.
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Bayern Munchen ayaa waxaa soo foodsaartay Goolhaye la´aan aad u baaxad weeyn wexeeyna ilaa iyo hada baadi goob ugu jiraan goolhaye badala Ciyaaryahan Hans-Jörg Butt oo taagdareeyey kana duqoobay kooxda Fc Bayern Munchen. Wixii ka dambeeyey tan iyo markii uu ciyaaraha caalamiga ah uu ka fadhiisatay Rugcadaagii hore ee Oliver Kahn ayaa kooxda Bayern waxaa goosha u taagnaa Hans-Jörg Butt oo lagu eedeeyey inuu yahay Goolhaye wanaagsan balse inta badan Tufo ama soo celiyo kubada ka dibna eey ka faaideeystaan weeraryahanada oo isla markiiba ku celiya Kabadii uu soo Tufay Hans-Jörg Butt oo si sahal ah ugu xarooto Shabaqa ama goosha kooxda Bayern Munchen. Dhanka kale Hans-Jörg Butt ayaa waxaa lagu amaanay inuu yahay Goolhayaha kaliyah ee ka ciyaara Qaarada Yurub oo weli aan laga qaban Rigoorada wuxuuna dhaliyaa ama u soo wada dhaliyey Rigoorooyinkii loo dhigay kooxaha Bayer Liverkusen & Fc Bayern Munchen . Halkaan ka Daawo : >>> http://www.youtube.com/watch?v=-_FLMhptd5c&feature=related.
*** Kenny Dalglish oo la wareegay Macalinimada kooxda Fc Liverpool iyo Roy Hodgson oo laga ceeyriyey Shaqada. Kenny Dalglish ayaa ah nin si weeyn guulo ula soo qeeybsaday kooxda The Reds ee Fc Liverpool. 1977 ilaa 1990 ayuu u soo ciyaaray una soo noqday Macalin kooxda Fc Liverpool wuxuuna la soo qeeybsaday guulo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin maadaama kooxda Fc Liverpool xiligaas eey Hogaamiye kooxeed ka eheed horyaalka The Premier League.
Kenny Dalglish ayaa lagu wadaa kulankiisa ugu horeeya inuu noqdo mid adag oo cagaha dhiig laga keeno maadaama uu u safraayo kulanka adag ee FA-Cups oo maanta uu la yeelan doono kooxda heeysa hogaanka Premier League ee Man Utd oo ku ciyaareeyso garoonkeeda Old-Trafford.
*** Koobka FA-Cup oo wajigiisii 3-aad la dheelay ayaa kooxaha weexeey ku kala baxeen sidan : Kooxda Arsenal weey sigatay ka dib markii aaqiru saacii ciyaarta uu Rigoore u saxiixay Cesc Fabrigas oo ka bad baadiyey guuldaro ceeb ah kagana timaada Naadiga Leeds Utd oo Horyaalka 3-aad ee England ka ciyaarta . Ciyaarta Fc Arsenal Vs Leeds Utd ayaa ku kala baxay 1-1. Kooxaha kale ayaa sidan u kala badiyey .