Costa Concordia waa mid ka mid ah Maraakiibta lagu Dalxiis tago kuwooda ugu caansan uguna Qaalisan Dunida waxaana Markabkaan Mucjisada ah qabsatay Qisadii Filimkii Titanic oo si run ah u dhacday.
Rakaabka Markabkaan saarnaa wexeey ahaayeen tiradooda 4.200 oo Qof kuwaas oo ka kala yimid Dunida dacaladeeda.Markabkaan waxaa ku Dalxiis tago ama inta badan kireeysta Dadka Taajiriinta ah oo intooda badan ku dul dhigta Markabka dushiisa Xafladaha iyo Aroosyada.
Costa Concordia Dhirirkiisa waxa uu ahaa 290-mitir,Balaciisa waa 35,5-mitir wexeeyna Culaabta Miisaankiisa eheed 114.500 tone. Markabkaan waxaa laga lahaa dalka Talyaaniga waxaana hada Xabsiga loo taxaabay Kaptankii waday Costa Concordia waa Masuulka lagu magacaabo Francesco Schetino oo 52 jir ah.
Markabkaan oo socod dheer ku mara dhamaan Wadamada Yurub ugu waa weeyn waxaa ilaa hada la xaqiijiyey ineey ku Naf waayeen Tobaneeyo qof halka weli Nolol iyo Geeri lagu la´yahay dad aad u fara badan.
Markabkaan oo marayey Jasiirada Giglio oo ku taal dalka Talyaaniga waxaa gees ka Duleeliyey Dhagax weeyn oo Jamal ah balse Kaptanka Markabka waday Mr. Francesco Schetino waxa uu sheegay haba yaraatee inuusan la socon amaba maqlin markii uu Dhagaxa dhaawacayey Markabka.
Markabkaan oo iminka gebi ahaanba quusay intii uu dagayey ama Quusayey waxaa goobtaas ka dhacday dhacdooyin aad u yaab badan sida Dadkii saarnaa oo loo wada galiyey Jaakadaha lagu Dubaasho ee inta badan bad baadiya dadka aan sida wanaagsan u aqoon Dubaasha.
Goobtii uu ku quusayey Markabka Costa Concordia waxaa soo gaaray oo Rakaabkii saarnaa daabulayey Doomo fara badan iyo Diyaaradaha Helikobtarada loo yaqaan. Manrico Giampedroni oo 57-jir ah isaga oo Diyaarad uu la socday Qof uu soo qaaday ku bad baadinayey ayaa waxaa Jaakadiisii qabsatay qeeyb ka mid ah Biraha Diyaaradii Helikobtarka eheed taas oo dad badan ka yaabsatay balse Nasiib wanaag ugu dambeeyntii wuu iska fujiyey waxaana la Siiyey Bilad Geesinimo.
Lamaane u dhashay dalka Soutuh Korea oo ku aqal galay Markabka Costa Concordia dushiisa wexeey Biyihii ugu tageen Qolkii ay jiifeen oo lagu sheegay Lambarka 303-aad waxaana si deg deg ah loogu galiyey Jaakadihii dadka loo qeeybinayey.