Nasiibkaaga iyo Awoodaada Sport tijaabi, Kulanka El Clasico Real Madrid Vs Fc Barcelona soo sheeg Natiijada uu ku dhamaan doono ka dibna soo raaci Jawaabta Magacaaga & Neenaastaada (Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada adoo si wanaagsan uga soo fakaray >> xiriiriyesports@hotmail.com )
Shalay iyo Maanta waxaa Studiyaha Xiriiriye.com buuq la dhex taagan Taageerayaasha is neceb ee labada dhinac waa Real Madrid iyo Fc Barcelona.
Taageerayaashaan Jalbeeysan mid kasta waxa uu sheeganayaa ineey Guusha iyaga ku dambeeyn doonto weliba ay la hoyan doonaan 3-Dhibcood oo Nadiif ah.
Hadaba Xiriiriye.com oo labada dhinac dhex dhexaad ka ah waxa uu Akhristayaashiisa Fursad qaal ah u siinayaa ineey soo sheegaan Natiijada ay ku dhamaan doonto Ciyaarta sida aadka ah u kulul maadaama labada dhinac ay isku Ciqaabi doonaan kulanka habeen dambe Laacibiinta Caalamka ugu qatarsan oo ay soo aruursadeen waa kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona.
Qof kasta waxa uu oran karaa, Real Madrid ayaa badineeyso, Bareejo ayeey wada galayaan ama Fc Barcelona ayaa dhibcaha la hoyan doonto laakiin Saadaal nuucaas ah Xiriiriye.com ma rabo oo waxa aanu dooneeyno waa in la soo sheego Natiijada ay Ciyaarta ku dhamaaneeyso iyo Goolasha la iska dhalin doono.
Ciyaarta El Clasico marka ay dhamaato waxaanu horay ka soo bandhigi doonaa Magaca Qabiirada Sportiga ee Saxay Natiijada Ciyaartaan kulul.
Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada soona raaci Magacaaga & Neenaastaada xiriiriyesports@hotmail.com
Filo wax yar ka dib Faaqidaada kulanka El Clasico !!
MAHADSANIDIIN