Inaa Lilaahi wa inaa ileeyhi Raajicuun : Hooyo Soomaaliyeed oo ku hadashay Hadal kiciyey Xaada iyo Dhiiga intii Damiir Soomaaliyeed & Islaanimo leh (Murugo aan horay loo arag!)
" Wiilkeeyga maalin ka hor ayaa la soo wacay inta uusan Qaraxa ku Geeriyoon waxaana loo sheegay inuu ku jiro Liiska Ardaydii ku guuleeystay Imtixaankii Deeqdii Waxbarasho ee ka timid dalka Turkiga. Aabihiis oo 2-jeer ku Dhaawacmay Madaafiicdii Bm-ka eheed ee Ciidamadii Itoobiya ayuu Wiilkeeyga isaga oo faraxsan horay u sii watay, hada Raqdooda ma hayo wexeeyna ku jiraan Dadkii goobtaas ku xasuuqmay ee Hilibka Jirkooda la kala garan waayey , Dhuxul ayaan gadaa oo ku Goobeeyn jiray Dariiqa, 2-Ilmood oo Agoon ah weey ii joogaan . Curadkeeygii iyo Aabihiis dib iiguma soo laaban . Dadka Falkaas geeystay inaan Aniga isku Qarxiyo oo meeshii eey joogaan ugu tago Diinta maxeey ka qabtaa?,,
Hadaladaas iyo kuwo ka sii Xanuun badan waxaa tiri Hooyo Xirsiyo oo Xaaladeeda Caafimaad laga deeyriyey weliba biloowday ineey isla hadasho ama tiraahdo aaway Raqdii Wiilkeeyga iyo aabihiis si aan u Xabaalo ama ugu Samro !!
Inaa Lillahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun : Alloow Shacabkaas Dulman ee Gaajada iyo Colaada eey Dilatay Duul Qeeyr qaba oo Dulmiga ka dul qaada korka uga soo daji !!