Dhalinyaro Cadaan ah oo baratay Dhaqanka & Dhaantada Soomaaliyeed ayaa sheegay dhawaan ineey soo bandhigi doonaan Muqaal iyaga oo Af Soomaali ku hadlaya (Daawo Muuqaal Calanka Ceeymi & Dhaanto).
Dhalinyaro Cadaan ah oo si aad ah uga heshay dheesha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen markii ugu horeeysay ineey soo wadaan ama Goor dhaw soo bandhigi doonaan muuqal cusub oo ka Tarjumaya iyaga oo Af Soomaali ku hadlaya .
Martin, Markus,Thomas iyo Andreas oo dhamaantood ka tirsan ah Dhalinyaradii baratay dheesha iyo wada Dhaanteeysiga Heesaha Soomaaliyeed ayaa xili ay soo booqdeen Studiyaha Xiriiriye.com wexeey si aan caadi eheeyn uga yaabsadeen Bahda Xiriiriye.com ka dib markii ay kula sheekeeysteen erayo kulul oo Af Soomaali ah.
Dhalinyaradaan ayaa daboolka ka qaaday Luuqada Soomaliga ah ineey tahay mid adag balse waxaa ku hadlisteeda ka caawin doona Heesaha iyo wada Dhaanteeysiga Soomaaliyeed oo ay si wanaagsan u barteen . Erayada ay ka qeeyliyeen ama dhibay Dhalinyaradaan ayaa waxa ay kala yihiin Xarfaha C=Ceeyn iyo X-da.
Dhalinyaradaan oo ku Ciyaarta ama sameeysa Heeso & Muusig casri ah wexeey dhoor jeer soo bandhigeen muuqaalo ay ku diidan yihiin in Calanka Soomaaliyeed iyo Sharafta umada Soomaaliyeed la dhigo dhulka.