LA YAAB : Horaa loo yiri Balaayo ninkii keena ayaa baxsha >> Carlos Alberto Tevez oo go´aansaday inuu iskaga Qaxo kooxda Man City una wareego Ac Milan oo ay uga sii horeeyaan Laacibiinta Caalamka looga yaqaan Quuqlayaasha kuwooda ugu mayalka adag ee garmaqaatayaasha ah >> Maxaad kala socotaa sirta qarsoon ee ka dhex taagan kooxda Man City iyo Fc Chelsea oo diiday Carlos Tevez+Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ( the Daily Mirror Newspaper)
(LA YAAB SPORT) Weeraryahan Carlos Alberto Tevez dhibka heeysta ma ahan mid la la soo raadsaday ee waa mid uu isaga raadsaday balse ka faaiday fadeexo aan nuuceeda horay loo arag.
Sirta hoose ee Man City : Maamulka kooxda weey ganaaxeen,Tababare Robert Mancini weey is Dagaaleen, Ciyaartooyda inta badan lama sheekeeystaan oo wexeey si toos ah uga goosteen ama xirteen Hadalka.
Weeryahankaan qaabka daran horay wuxuu ula soo dagaalamay Maamulada kooxihii uu horay ugu soo ciyaaray ee kala ahaa Westham Utd iyo Manchester Utd. Wuxuu caay iyo jaaifo dharka kaga dhigay macalinka Man Utd Mr.Sir Alex Ferguson oo ah Shaqsigii Tevez soo caan bixiyey wuxuuna ku tilmaamay Waayeen Camoole ah weliba Macangag ah.
Premier League mar kaste lagama dhex waayo fadeexada iyo Dhaqamada qaawan ee weeraryahan Carlos Alberto Tevez. Hada wuxuu doonayey inuu ku biiro kooxda Fc Chelsea balse taas waxaa si weeyn uga hor yimid oo yiri ha i soo marsiina ama keenina Tevez Macalinka Fc Chelsea Mr.Andre Villas-Boas oo ka cabsaday inuu Tevez Laacibiintiisa hal hal qoorta iskugu galiyo.
Carlos Alberto Tevez markaan wuxuu si Amaah ah ugu sii jeeda dhanka Kooxda Ac Milan oo ay uga sii horeeyaan xiddigaha mayalka adag ee xanaaqa badan waa Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic, Gannaro Ivan Gattuso, Van Bommel iyo Kevin Prince Boateng.
Akhristoow Su´aasha taagan wexeey tahay Carlos Alberto Tevez oo la wada ogsoon yahay dhibkiisa faraha badan sidee ayuu ula heshiin doonaa Laacibiintaas aanu kor ku soo xusnay ee dabciga kulul ?.
Jawaabta adoo meel dheer ka raadin Qabiirada Sportiga wexeey qabaan in Naadiga Rossaneri ee Ac Milan uu yahay Naadi lagu daaweeyo ama lagu dajiyo Xiddigaha dabeecada kulul.
War bixintu wexeey leedahay Ac Milan Zlatan Ibrahimovic, Gannaro Ivan Gattuso, Van Bommel iyo Kevin Prince Boateng ayeey Xabad joojin dhex dhigtay kana dhigtay Ciyaartooy is fahmay hadana wexeey dooneeysaa Ac Milan ineey Carlos Tevez ka qaado Qoriga u cabeeysan mar walba (yacni Xanaaqa faraha badan Nabadna ugu baaqdo).
Isbuucaan gudihiisa wuxuu Carlos Alberto Tevez Xanjo uu cunayey Wajiga kaga tufay Laacibka Qaranka Reer Spain iyo kooxda Manchester City David Silva.
Sababta waxaa lagu sheegay Tevez oo ka xanaaqay ama ku eedeeyey Ciyaaryahan David Silva oo la sheegay inuu yahay Xiddiga ka dambeeyey ineey hadalka ka jartaan ama Salaanta ka qaadi waayaan Tevez Laacibiinta kala ah Samir Nasri, Edin Dzeko, Mario Balloteli, Yaya Toure iyo weliba laacibka ay Tevez isku Qaranka ka soo jeedaan waa Wiilka qaba Gaba Diego Armanda Maradona Sergio Kun Aguero.
Carlos Alberto Tevez hadii uu ka tago kooxda Man City waxaa Neecaaw qaboow heli doona Macalin Roberto Mancini iyo dhamaan laacibiinta kooxda Man City.
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Tevez horay waxaa u raadin jiray ama Liiska Ciyaartooyda ay doonayaan ku darsaday kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid oo hada si deg deg ah Liiskaas uga saaray weeraryahan Carlos Alberto Tevez waxaana taas sabab looga dhigay buuqiisa faraha badan ee aan dhamaadka laheeyn .
*** WARARKII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GARAYAAN QAABKAAN : ***
*** Gudoomiyaha kooxda Dinamo Zagreb ee heeysata Horyaalka dalka Croatia Mr.Zdravko Mamic wuxuu maanta tuurtay furka ka dib markii uu ugu tagay Xafiiskiisa kana ceeyriyey halkaas Macalinkii Kooxda dinamo Zagreb Mr.Krunoslav Jurcic .
Krunoslav Jurcic waxaa lagu heeystaa Guuldaradii taariikhiga eheed ee kooxda Dinamo Zagreb ka qabsatay kooxda Olympique Lyon oo koobka Champions League kaga badisay gurigeeda 1-7.
Kooxda Dinamo Zagreb wexeey noqotay naadigii ugu liitay ee xili Ciyaareedkaan looga badiyo koobka Champions League goolal fara badan . 3-Gool oo kaliyah ayeey 6 kulan dhaliyeen waxaana Shabaqooda lagu hubsaday 22 Gool.
*** Macalinkii Qaranka Israel Mr.Luis Fernandez wuxuu ka tagay shaqadii uu u hayey xulkaas wuxuuna diiday in heshiiska loo kordhiyo. Luis Fernandez oo 52 sano jir ah sanadkii 2010-ka ayuu la wareegay shaqada Tababarnimo ee Qaranka Israel waana Macalin u dhashay dalka Faransiiska.
*** Sidoo kale waxaa Kabo Dacas ah lagu tuuryeey ka dibna laga ceeyriyey Shaqadiisa Macalinka Qaranka South Korea Mr.Cho Kwang.
Tababare Cho Kwang waxaa lagu heeystaa Ciyaartii ugu dambeeysay oo ay dhegaha ka soo garaaceen xulka Lubnaan oo aan wax sidaas ah Ciyaaraha kubada cagta awood ku laheeyn.
Sidoo kale Tababare Cho Kwang waxaa Ciyaar Saaxiibtinimo 3-0 ku tuntay Japan oo ay aad isku neceb yihiin South korean-ka.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com