Laacib hore ayaan ahay , waxaana doonayaa inaan Laacibiinta cusub la tartamo, Ninkii soo joog laga waayo Soo Jiifo ayaa laga helaa. & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
Magaalada Munchen ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu qabtay Tartanka Dabaasha Teestada dheer loo yaqaan ee la iska soo tuuro ugu yaraan meel u dhiganta 4-Dabaq.
Dabaashaan ayaa waxa eey leedahay Sharciyo u gooni ah maadaama qofka aan Testada dheer aqoon ee ka qeeyb qaato uu Qatar ugu jiro inuu Surka ka jabo ama Biyaha si qaldan ugu soo dhaco ka dibna uu kala kulmo dhaawacyo adag oo Nolashiisa dambe u daran.
Hadaba Nin lagu magacaabo Gunther oo ka tirsanaan jiray Ex-Laacibiintii hore ee Dabaasha Teestada & Boodada dheer ayaa waxa uu ku adkeeystay isaga oo 48-jir ah inuu la Tartamo Laacibiin cusub oo da´dooda eey u dhaxeeyso 21 jir ilaa 32-jir.
Gunther oo Garoonka faan iyo fak fak la soo galay maadaama eey daba yaacayeen inta badan Joornaalistayaasha Qaarada Yurub kuwooda ugu caansan ayaa dad badan wexeey Shaki ka muujiyeen sida eey suurto gal ku noqon karto in Gunther oo 48-jir ah uu meel sidaas u dheer isaga soo tuuro weliba isaga oo ciyaartaan eey ugu dambeeysay 14-sano ka hor halka waxa uu la Tartamaayo eey yihiin Dhalinyaro yar yar oo maalin kasta Aalamiiteeyso.
Pro7 oo ciyaartaan si Live ah u soo tabinaayey ayaa waxaa Teestadii bilaabay ciyaartooy badan oo ka kala socotay dalalka Holland, Sweden, Germany, Norway, Denmark iyo Finland.
Gunther oo Lambarka 8-aad watay ayaa markii la soo gaaray qeeybtii uu ka soo boodi lahaa waxaa kor u wada kacay mar qura Dadweeynihii soo camiray Garoonka oo u wada Sacbinaayey Ninkaas 48-jirka ah ee la tartamaayo Dhalinyarada yar yar.
Jakatoore Gunther ayaa markii uu soo booday ilaa inta uusan biyaha ama dhulka soo gaarin waxaa si weeyn loo maqlaayey Cabaadkiisa taas oo dad badan ku abuurtay wel wel iyo cabsi ah ineeyba Nafta uga baxday inta u dhaxeeysay halkii dheereed ee uu iska soo tuuray iyo Biyaha waxaana Tv-ga Pro7 laga daawanayey Xaaskiisa Martina oo Afka gacmaha saaratay ceeb iyo cabsi darteed. (Ninkii soo joog laga waaya Soo Jiifo ayaa laga helaa)
ugu dambeentii Oday Gunther ayaa Isha ka dhaawacmay wuxuuna wareysigii Pro7 ku sheegay inuusan mar dambe u laaban doonin Teestadii uu ku sheegay (Horror) waxaana durbadii loo galbiyey Isbitaalka. Qosolka iyo yaabka ugu badnaa ayaa ahaa Gunther oo Ampulace-ka gurmadka dag daga ah sii qaadeeyso ayaa waxaa sacab ka daba waday dhamaan dadkii u soo daawashada tagay Ciyaarta Dabaasha Testada dheer wuxuuna ku sagootiyey sidan >>> This is a fantastic <<<
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WAXA EEY SHEEGAYAA SIDAN:
Bastian Schweinsteiger oo 26-sano jir ah ayaa waxaa Toosh ka daba watay kooxaha Real Madrid , Man Utd iyo Inter Milan. Kordhinta heshiiska Xiddigaan ayaa waxeey sabab u aheeyd ugaarsiga eey ku hayaan kooxahaan aan soo sheegnay iyo guushii eey galabta ka gaareen kooxda St. Pauli oo eey 3-0 ku suul daareen.
*** Wadanka Jordan caasimadiisa Amman ayaa waxaa ku dhaawacantay 150-Qof ka dib markii eey Weero isku qaadeen Taageerayaasha kooxaha kubada cagta ee Widhat & Faisali . Dadka ku dhaawacmay rabshadahaan ayaa waxaa ku jiro 25 Boolis ah oo la jiiray ka dib markii eey isku dayeen ineey kala dhex galaan labadaan kooxeed ee isku heeysata Hanashada Horyaalka dalka Jordan.
Ciyaartaan oo ka dhacday magaalada Amman gaar ahaan garoonka weeyn ee Boqor Abullah-Stadium ayaa wexeey noqoneysaa sanadkii 2-aad oo xiriir ah eeyna is weereeyaan ama isku duulaan Taageerayaashaan Jalbeeysan waxaana si Live-ah looga soo daayey Telefishinada Sportiga ee caalamka inkastoo qofkii daawada uu soo xasuusan lahaa xiligii Dagaalada Sokeeye.
Filo goor dhaw Faaqidaada Horyaalada iyo Warar kale oo Top Sport News ah sida La Yaab & Ku biiri Aqoontaada Sport.