John Terry oo Xilkii Kaptanimada Qaranka Ingiriiska laga xayuubiyay,* Waa maxay sababta ? (Akhri Cadeenta) & Warar kii ugu dambeeyay ee WORLD SPORT NEWS !!
Difaaca Qaranka Ingiriiska iyo kooxda Fc Chelsea uga ciyaara dhexda John Terry ayaa laga xayuubiyay Jagadii kaptanimada ee xulka Qaranka Ingiriiska ka dib markii lagu helay Fadeexo dhanka Cunsuriyada ah.
Jaraaidyada ugu caansan dalka Ingiriiska ayaa waxeey maqaalo kulul ka qoreen Laacib John Terry kuwaas oo Ciwaan uga dhigay qaabkaan " Yaa Nool Yaa Dhintay hadiiba John Terry uu wax Cunsuriyeenaayo? "
Maqaalkaas waxeey Saxaafada dalka Ingiriiska kala jeedeen John Terry oo la sheegay inuu ahaa Xiddig aad u jecel Laacibiinta midabka Mad Madoow (The Black Stars) balse hada ay xaajada ku xumaatay ka dib markii uu fududaaday. Ciyaaryahan John Terry gudaha dalka Ingiriiska waxaa looga yaqaan labo magac kuwaas oo kala ah >>(John Terry der Fussball-Saubermann Super-Daddy >> Ninkii Nadiifka ahaa iyo Super-Daddy).
Kiiska lagu heeysto Laacib Terry ee sababay inuu ku waayo kaalintii Kaptan-nimada Qaranka Ingiriiska waa Aflagaado iyo caay uu u geeystay Xiddiga Kubada cagta ee kooxda Queens Park Rangers Anton Ferdinand oo la dhashay Difaaca Qaranka England iyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas Rio Ferdinand.>> (Terry bildet ausgerechnet mit Anton Ferdinands Bruder Rio die Innenverteidigung der Nationalmannschaft und ManU Rio Ferdinand)<<
Fadeexada Kiiskaan oo soo bilaabmay Bishii Oktoobar Sanadkii 2011 waxaa iminka markii ugu horeeysay uu kiiskaan gaaray inuu ka hadlo Raisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Mr.David Cameron oo yiri sidan " Cunsurinimo iyo Midab takoor dalkeena boos ugama banaana cidii la wareegeeysa falka nuucaas ah meel kale ha ula guurto " >> ( David Cameron fühlte sich schon zuständig: «Für Rassismus ist in unserem Land kein Platz», hatte der Regierungschef vor Wochen anzumerken.)<<
Laacib john Terry oo ku Riyoonayey inuu Qaranka Ingiriiska Kaptan u sii ahaado ilaa koobka Qaramada Yurub oo furmi doona Bisha Juun ee sanadkaan aanu ku jirno ayaa waxaa si lama filaan ah u dhacday inuu Masuulka ugu sareeyo Xiriirka Kubada caga ee dalka Ingiriiska Mr David Bernstein uu John Terry Telfoon ku waco kaas oo kaga naxsay hadal uu ku sheegay in Terry Masuuliyadaas laga xayuubiyay maadaama Falka Cunsurinimada ah ee uu ku kacay uu yahay mid Xiddigaha dalka Ingiriiska sii kala faquuqi kara ama dhexdooda buuq ka bilaabi kara .>> (Terry wurde am Freitagvormittag von Verbandspräsident David Bernstein telefonisch darüber informiert, dass er in Zukunft nicht mehr als Teamkapitän fungieren werde.)<<
Ugu dambeeyntii war bixinta waxeey leedahay John Terry oo 31 jir ah waa Aabe leh 2-caruur ah waxaana lagu wadaa ama Dacwada dambiga loo heeysto uu Maxkamada la soo kori doonaa Bisha Juulay sanadka 2012. >>( Der 31 Jahrige John Terry verliert erneut sein Amt als Kapitän der englischen Fußball-Nationalmannschaft. Grund dafür sind die Rassismusvorwürfe, wegen derer sich der Chelsea-Verteidiger im Juli vor Gericht verantworten muss.)<<
Macalinka Qaranka Ingiriiska Mr.Fabio Capello ayaa lagu wadaa inuu Laacib John Terry soo safo isaga oo aan sidan Calaamada Kaptan-nimada Xulka Qaranka Ingiriiska (Three Lions) oo Ciyaar kulul kala hor tagi doona Xulka Qaranka Oranjiga Reer Holland Taariikhdu markeey tahay 29-ka Bishaan aanu ku jirno ee Febraayo sanadka 2012.
*** Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Manchester United waxaa qabsatay inkaar ka dib markii uu ka dhaawacmay Goolhayihii labaad oo ay ku tashanayeen waa ciyaaryahan Anders Lindegaard oo 27 jir ah una dhashay dalka Denmark . Man Utd waxaa horay uga xanuunsanaa Goolhayahooda David de Gea (Binji?) waxaana hada lagu wadaa inuu beri u safto kulanka adag ee Fc Chelsea Vs Man Utd Goolhayaha da´da yar ee u dhashay dalka Ingiriis waa Ciyaaryahan Ben Amos. (FIIRO GAAR AH : Fc Chelsea Vs ManU waxeey wada Ciyaari doonaan beri oo Axad ah 17.00 Galabnimo waana Kulan aad u adag oo Cagaha la iska tumi doono) !!
*** Kooxda Borussia Dortmund ee horyaalka Germany waxeey si Xoog ah kula wareegtay Hogaanka Horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka.Dortmund oo 0-2 ku soo garaacday kooxda Nurenberg waxaa labada gool u kala saxiixay Rugcadaagii hore ee Qaranka Germany waa Kaptanka kooxdaas Sebastian Kehl Daqiiqadii 48-aad iyo Goolka labaad oo uu raacsaday Weeraryahanka heeysta Sadexda Dhalasho ama Baasaboor (Argentina,Paraguay & Germany) waa Laacib Lucas Barrios Daqiiqadii 82-aad Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=s2ODywc5Q3Q .
Horyaalka Bundesligaha dalka Germany oo la ciyaaray kulankiisii 20-aad waxaa xili Ciyaareedkaan isku kooleeysan kooxaha kala ah Dortmund, Fc Bayer Munich iyo Fc Schalke. Kooxda Dortmund waxeey Hogaanka Bundesliga ku qabatay 43-Dhibcood. Fc Bayer Munich oo 40-Dhobcood leh waxeey maanta kulan adag ugu Safri doontaa Naadiga Hambrug halka Fc Schalke ay Galabta marti gelin doonto kooxda Mainz oo 3 cisho ka hor soo iibsatay Weeraryahanka Qaranka Masar Mohamed Zidan.
Matahay Qabiir Sport oo Ciyaaraha Kubada cagta ku xeel dheer? Ma laga yaabaa inaad tahay Ruux aad u Nasiib Wanaagsan? Jawaabtaadu hadii ay haa tahay soo sheeg dalka ku Guuleeysan doona Koobka Qaramada Africa 2012 oo ay iskugu soo hareen 8-Dal. (Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada >> xiriiriyesports@hotmail.com.
Hadii aad Qabiir Sport tahay oo aan weliba laga ag marin dhanka Saadaasha iyo Aqoonta guud ee Ciyaaraha Kubada cagta waxaad soo sheegtaa dalka qaadi doona Koobka Qaramada Africa oo ay iskugu soo hareen 8-dal.
Dalalka iskugu soo haray Koobka Qaramada Africa ayaa waxaa qoorta la iskugu galiyay qaabkaan : Sambia Vs Sudan, Equatorial Guinea Vs Ivory Coast, Gaaboon Vs Maali iyo Ghana Vs Tunisia.
Beri oo Sabdi ah waxaa wada Ciyaari doona hadii uu alle idmo Wadamada kala ah Sambia Vs Sudan iyo Equatorial Guinea Vs Ivory Coast. Maalinta Axada ah ayaa lagu wadaa ineey Dharka iska dhigaan dalalka Gaaboon Vs Maali iyo Ghana Vs Tunisia.
Fiinaalka Koobka Qaramada Africa waxaa la qaban doonaa Taariikhdu markeey tahay 12.02.2012.
Hadaba adoo ka soo fiirsaday Jawaabtaada Dalka qaadi doona Koobka Africa 2012 waxaad noogu soo dirtaa Halkaan soona raaci magacaaga oo sadexan iyo neenaastaada anaguna waxaan Guuleeystayaasha soo bandhigi doonaa marka uu dhamaado Tartankaan xiisaha badan >>> xiriiriyesports@hotmail.com.