Kulankii hore oo dhexmarayay kooxaha WADANI (Denmark) iyo ILAMOS (UK) waxay ku hakatay 4-0 ay hogaanka si sharaf leh ugu haysey kooxda WADANI kagadaal markii ay ciyaarta fadqalaleeyeen oo ay garoonkii dagaal ka rideen kooxda ILAMOS xilli ay ciyaartuba sii halaaqooneysey oo aanay wax badani ka harin cimrigii ciyaarta iyadoo laga war dhowrayo go'aanka ay arintaasi ka qaataan gudiga anshaxa iyo ciyaar wanaaga ee hoos taga SEUKI, waxaase la hubaa inay banaanka soo istaagtey kooxda WADANI (Denmark).
Kulankii 2-aad ayaa isna bilowday kaasoo ay geesaha is geliyeen kooxaha HORSEED (UK) iyo kooxda OLYMPIC AMAGER (Denmark) iyadoo uu kulankaasina ku dhamaadey natiijo aan wax badan doorinin kii ka horeeyey iyadoo ay kooxda OLYMPIC (Den) 4-1 afka ciida ugu dartay kooxda Horseed (UK) oo si aad uga duwaneyd Ilamos soo bandhigtay asluub, anshax iyo qiyamkii lagu yaqaaney ciyaaraha wanaaga iyo quuritaanka.
Ciyaarahan oo ooda laga rogey 8-dii bishan aynu kujirno isla markaana ay ka qayb qaadanayaa 14 kooxood oo ka kala socdey dalalka Australia, Holland, England, Switzerland, Finland, Norway, Denmark iyo dabcan dalka martida loo yahay ee Sweden ayaa geli doona wareega 2-aad rubuc dhamaadka (Quarterfinal) kadib marka lagu kala boxo kulanka beritoole hadii ALLE ka dhigo iyadoo kooxaha ilaa iyo iminka banaanka taagani ay kala yihiin:
LEICESTER FC iyo QARAN oo kasoo baxay wareega A, AUSTRALIA iyo WADANI (Denmark) oo B iskula jirey, DAHABSHIIL(Norway) iyo OLYMPIC AMAGER (Denmark) oo wareega C ka yimid iyo ugu dambeyn RÅGSVED (Sweden) oo soo bixideeda laga xaqiijiyay wareega D iyadoo midood sugeysa kooxaha SOMPED (Finland) iyo NABADA FC oo berri ciyaari doona kulan lagu go'aami doono aayaha kooxahaas ee tartankan.
Kulanka ugu horeeya ee wareega rubuc dhamaadka oo bilaaban doona Talaadada soo aadan hadii uu Alle ogolaado ayaa lagu bilaabi doonaa kooxaha lEICESTER FC vs OLYMPIC oo kulanka hore isku herdin doona waxaana isla galabtaas ku xigsan doona kooxaha QARAN (Sweden) vs DAHABSHIIL (Norway) oo la ii sheegay inay ka mid tahay kooxaha tartanka ugu cad cad waloow ay kooxda Qaran tahay kooxda kaliya ee laba jeer ku guuleysatey tartarnkan oo soo taxnaa tan iyo 1999-kii balse dufcaddan lasoo afjari doono 24-ka bishan Luulyo (July).
Waxaa isku duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Stockholm, Sweden