Hal Xiraale iyo Aqoon is weeydaarsi Sport : >> Ma tahay Ruux Awood Balaaran ku leh Ciyaaraha kubada Cagta? Malaga yaabaa inaad Qabiir Sport oo Qarsoon tahay? Nasiib ma u leedahay Ciyaartii aad Saadaaliso ineey u dhacdo Sidaad sheegtay?? >> Jawaabtaada hadeey haa Tahay ka Qeeyb qaado Tartanka Saadaalinta Koobka Qaramada Asia oo 4-Dal eey iskugu soo hareen . Saadaalinta Xulka ku Guuleeysan doono Asian Cup 2011 waxaa ka Qeeyb qaadanaya Dhamaan Bahda Xiriiriye.com (Halkaan ka Daawo Awoodii & Qaabkii eey ku soo baxeen 4-ta dal +Wargelin Halxiraalihii ugu dambeeyey)
Shabakada Sportiga ee Soomaaliyeed www.xiriiriye.com wexeey fursad qaali ah siineeysaa dhamaan Akhristayaasha ku xiran ee ku hormaray dhanka Ciyaaraha Kubada cagta. Waxaanu Tartan iyo Codeeyn u Qaadeeynaa cida ku guuleeysan karta Koobka Qaramada Asia oo meel xasaasi ah maraayo maadaama eey isku soo hareen 4-dal.
Wadamada isku dhaarsan ee iskugu fadhiya Gambarka gaaban soona baxay ayaa wexeey kala yihiin sidan : Australia, Uzbekistan, Japan iyo South Korea.
Qaramadaan ayaa sidaan ku kala bixi doona Maalinta Talaadada ah ee 25 Janaayo 2011 saacadu markeey tahay 16:25 - Semi Finals Japan Vs South Korea. Garoonka eey ku dheelayaan waa Al-Gharafa Stadium.
Isla Talaadada 25-ka bishaan Janaayo waxaa fooda is dari doono Xulalka Uzbekistan Vs Australia saacadu markeey tahay 19:25 - Semi Finals . Garoonka eey ku ciyaari doonaan waa Khalifa Stadium . Kaalinta 3-aad waxaa laa tartamayaa Maalinta Jimcaha ah 28 Janaayo 2011 saacadu markeey tahay 18:00. Garoonka eey ka dhaceeyso waa Al-Sadd -Stadium.
Maalinta Sabtida ah ee 29-ka Janaayo 2011 Saacadu markeey tahay 18:00 ayaa waxaa la qaban doonaa kulanka kala baxa ah ee Finaalaha wuxuuna ka dhici doonaa Garoonka weeyn ee Khalifa Stadium .
Hadaba hadaad tahay Ruux Nasiib & Aqoon Sport isku darsaday yaad is leedahay wuu Qaadayaa koobka Qaramada Asia oo Sanadkaan si xiiso badan uga socda dalka Qadar.
Bahda www.xiriiriye.com ayaa sidaan Kartidooda & Nasiibkooda Sport cod la isku mari waayey ku kala baxay : !!
1-Agaasimaha Xiriiriye.com Xassan Express Waxa uu yiri Japan Ayaa Koobka Qaadeeyso Jaakadana ku tolan doonto.. 2-Tifaatiraha Xiriiriye.com Cumar Sii Sii Waxa uu yiri Qaranka Australia ayaa Magaalada Sydney ka dajin doono Koobka . 3-Soo tabiyaha Faalooyinka Sport ee Xiriiriye.com Qadar Yare Waxa uu Yiri South Korea ayaa la Gar guuran doonto Koobka. 4-Farsamada iyo Tarjumaha Wararka Sport ee Xiriiriye.com Kaafi Deeq waxa uu yiri Uzbekistan ayaa si Sharaf leh ku qaadan doonto Koobka.
Halkaan noogu soo dir Magaca Dalka aad is leedahay wuu Qaadi doonaa Koobka Qaramada Asia 2011 oo si xiiso leh uga socda Dalka Qadar . Fadlan soo raaci Magacaaga oo Sadexan iyo Hadii aad Neenaas leedahay Si marka uu Koobka dhamaado ama Dal uu Jeebka gashto Magaca Qabiirada guuleeystay aad uga mid noqotit waa hadii aad Nasiib leedahay. xiriiriyesports@hotmail.com
Dhanka kale Jawaabtii Hal Xiraalihii ugu dambeeyey iyo Qabiiradii soo saxay ayaa soo bixi doonto Maalinta Jimcaha ah haduu alle Raali ka noqdo.