La Yaab: Franky Ribery oo Sharad ka helay Saaxiibadiisa Arjen Robben, & M.Klose, 200-Km oo aan Bareeg la qaban !!
Xidigaha Kooxda kubada Cagta ee Fc Bayer München franky Ribery, Arjen Robben iyo Mirko Klose ayaa waxaa Tartan xaga Darawalnimada ah u qabatay Shirkad gawaarida soo saarta oo laga leeyahay Dalka Germany. Tartan kaan Darawalnimada ah ayaa waxaa uu ka soo bilaamay Gobolka Bayern Magaalo madaxdiisa münchen ilaa la isla gaaray Magaalada Nürnberg.
Franky Ribery ayaa si lama Filaan ah ugu guuleystay oo sii heer sare ah ugu hor maray Magaalada Nürnberg oo eey soo camireen Taageerayaal fara badan oo daawanayey cida qaadi doonta Tartan kaan oo la qabto Sanad kasta bisha Juulaay. Sanadkii la soo dhaafay ee 2009 ayaa waxaa ku Guuleeystay Xidiga Talyaaniga ee Luca Toni kaas oo ka qaaday Xidigaha kale ee Fc Bayer München Bastian Schweinsteiger iyo Philip Lahm.
Guushaan oo loo saadaaliyey Laacibka Qaranka Holland Arjen Robben oo dhinaca Darawalnimada aad ugu wanaagsan ayaa sheegay in Saaxiibkiis Ribery meelo Luuq Luuq ah oo uu horay u soo fiirsaday inuu Qarda Jeex ku soo maray.
Franky Ribery oo la Gudoon siiyey Gaariga aad u Qurux badan ayaa isaga oo Qoslaya waxa uu yri: Qarda Jeex majirin ee waxaa meesha jirtay Maskax ee Robben ha diyaarsado Sanadka danbe meelaha Qarda Jeexa ah ee uu sheegayo !!