Tifaatiraha Xiriiriye oo lagu eedeeyey inuu Miraha ku yareeyey Hees Wadani ah oo uu qaaday halka uu Musiga uga badiyey ( E-mailo faraban oo na soo gaaray ka dib halkaan ka daawo Heesta kana dhageeyso)
Waxaa Agaasimaha & Maamulka ugu sareeyo www.xiriiriye.com soo gaaray E-mailo aad u fara badan oo ka hadlayey Hees ka mid ah heesaha uu qaado Tifaatiraha www.xiriiriye.com Mr.Cumar Cali Cumar oo xiligaan ku maqan Ciyaarta lagu sagootinayo Franz Beckenbauer ee ka dhaceeyso Garoonka weeyn ee kooxda Fc Bayern Munchen Arena oo marti gelisay naadiga Real madrid.
Anaga oo ku qasban inaan wax alle iyo wixii cusub soo bandhigno ayaa Akhristayaashii ugu badnaa waxa eey E-mailo ku yiraahdeen Fadlan Heesta wadaniga ah ee uu Mr.Cumar Cali cumar u qaaday Gobolada & Degmooyinka dalka Somalia ha u badiyo miraha hana ka yareeyo Musiga oo aad ugu badan.
Dadka ayaa ku amaanay Tifaatiraha Barnaamishyada La Yaab, Maxaad ka taqaan & Ku biiri Aqoontaada Sport sida wacan ee uu u soo raaciyo Cadeeymaha Sawirada & Video-ga si eey Dadka ugu qancaan.
Bahda xiriiriye ayaa ah Wariyaal 100% u jalbeeysan Ciyaaraha kubada cagta.
Agaasimaha xiriiriye ayaa waxaa xusid mudan in lagu arkay maalintii Arbacada eheed Ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex martay wadamada Norway vs France oo ku dhamaatay 2-1 garoonka weeyn ee Oslo Ullevål Stadion halka Tifaatiraha uu maanta u daawasho tagay ciyaarta lagu daawanayey Lacag la´aanta ee dhex mareeysan Kooxaha Fc Bayern München Vs Real Madrid oo uu warar dheeraad ah inooga soo tabin doono.
Ugu dambeeyntii Akhristayaashii E-mailada faraha badan ina soo gaarsiiyey ayaa waxa eey u soo jeediyeen Tifaatiraha oo inta badan aan laga weeyn meelaha ciyaaraha eey ka dhacaan ama lagu qabto Xafladaha Sport inuu Heesta cusub u badiyo Miraha kana yareeyo Muusigaan xad dhaafka ah.
xiriiriyesports@hotmail.com oo eey ku soo dhaceen E-mailadii ugu badnaa ayaa dadka waxa eey ka soo kala direen Wadamadaan, Norway, Germany, England, Sweden, Canada, USA, Australia, Findland, Holland, Austria, Swiss, Kenya, Itobiya, Somalia, South Africa, Uganda, Masar & Suuriya.
Waxaa kaloo eey Dadka Talo muhiim ah u soo jeediyeen Kooxda uu ka midka yahay Tifaatiraha Xiriiriye Mr.Omar Ali Omar ee garaacda musica ( Sii Sii Somband) ineey badalaan qaabka uu u dhacayo musiga oo eey ku sheegeen in uu Xawli yahay.
Gabagebadii waxa eey Aqristayaashu leeyihiin Heesta uu Tifaatiraha u qaaday Gobolada & Degmooyinka dalka ma xuma Cod ahaan iyo miro ahaan ee Fadlan musiga ha laga yareeyo.
Heestaan ayaa noqotay heesaha eey dhaliyarada sida aadka ah u dhageeystaan weliba waxaa aad looga maqlaa meelaha Xafladaha Arooyada lagu dhigto ama istudiyaasha iwm.
Dhanka kale waxaa la Ogeeysiinayaa Bahda ku xiran Xiriiriye in Booqashada eey aad u badatay hadii uu kuu furmi waaye Websat-ka ku celi mar labaad si uu kugu furmo
Inta ka daawo heesta kana dhageeyso >> http://www.youtube.com/watch?v=6v82QaiSUdM
W/Q Sharci ilaaliyaha Shabakada Sportiga ee Xiriiriye
Kaafi Deeq Yacquub (Kaafi Yare)
Norway Oslo
xiriiriyesports@hotmail.com