MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Nin raacay Wadadii Cunsurigii Norway Dadka badan ku laayey oo isna Weeraray Xarunta Gaashaandhiga MagaaladaTallin (Cunsuriyiinta Dawladahooda ku kacsan oo Qaraxyo bilaabay) ,*Dagaalka Liibiya oo Bilooyinkii ugu dambeeyey Gacmo daalis ahaa ayaa markaan waxaa 50 Km oo kaliyah Caasimada Tripoli u soo jirsaday Ciidamada Mucaaradka oo Dagaal u Jalbeeysan. (Halkaan ka Daawo)
*** Waxaa horay loo saadaaliyey ineey soo bixi doonaan Cunsuriyiin raacda Jidka Cunsurigii dadka badan ku laayey dalka Norway.
Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Tallin ee dalka Estonia waxaa Weerar qorsheeysan ku qaaday Nin cusnsuri ahaa oo la sheegay inuu ku kacsanaa Dawlada dalkaas.
Ninkaan oo waxyaalaha Qarxa halkaas ku diyaarsaday ayaa markii Ciidamada Aminiga Daaqdaha uga soo boodeen waxa uu bilaabay inuu dhoor qof Afduub ahaan u koxeeysto balse waxaa Nasiib wanaag dhicii uu doonayey inuu dadka ku laayo meel aan aheeyn uga soo baxay Ciidamada Kumandooska dalkaas oo halkaas ku toogtay Ninkii Cunsuriga ahaa .
Waxaa durbadiiba Ficilkaan uu ku doonayey Ninkaan Cunsuriga ah inuu dadka ku laayo kuna qarxiyo Xarunta Gaashaandhiga dalkaas si weeyn u cambaareeyey R/wasaaraha dalka Estonia Mr.Andrus Ansip oo ugu dambeentii Ciidamada Amniga dalkaas amaan balaaran u soo jeediyey.
Ninkaan la toogtay ee Waxyaalaha qarxa ku diyaarsaday Xarunta Gaashaandhiga ee Magaalada Tallin ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Drambjan wuxuuna ahaa 57 sano jir. Horay waxaa loo shaaciyey in waqtiyo dhaw eey soo bixi doonaan Cunsuriyiinta looga adkaado Doorashada dalalkooda in Dadka Ajanabi naceeybka ah ee Taageersan bilaabi doonaan Qaraxyo eey Daawladahooda u geeystaan iyaga oo iska dhigaya sida Ninkii Cunsuriga ahaa ee dalka Norway Dadka badan ku laayey balse dib laga ogaaday inuu Daroogiiste ahaa (Anders Breivik) .
*** Halkaan ka Daawo Dagaalka Liibiya oo Bilooyinkii ugu dambeeyey Gacmo daalis ahaa ayaa markaan waxaa 50 Km oo kaliyah Caasimada Tripoli u soo jirsaday Ciidamada Mucaaradka oo Dagaal u Jalbeeysan.
Inta badan Dagaalada Culus ee ka socda dalka Liibiya ayaa waxa eey noqdeen kuwa uu Caalamka iska iloobay maadaama Dagaalka Liibiya ka socda uu u batay mid Gacmo daalis ah oo Ciidamada Mucaaradka marka eey meel qabsadaan maalin galinkooda hore waxaa gelinka dambe ee Galbihii iyo Habeenadii ku soo guureeya dibna uga qabasado goobihii eey qabsadeen Ciidamada Dawlada ee daacada u ah Madaxweeyne Mucamar Al Qadaafi.
Magaalada Dekeda ah ee soo saarto lagana dhoofiya Shidaalka ugu badan ee ka soo baxa dalka Liibiya waa Magaalada (Brega) waxaana magaaladaan ilaa bishii Maarso lakala qabsaday dhoor jeer balse hada waxaa la xaqiijiyey ineey gacanta u gashay Mucaaradka ku kacsan Macangagnimada Mr. Mucamar Al Qadaafi oo Liibiya maamulayey mudo ka badan 40-Sano.
Mucaaradka Liibiya oo Magaalada Brega gacantooda ku hubsaday wexeey sidoo kale gacanta ku dhigeen Magaalo ku wanaagsan dhanka isku xirka Wadooyinka aada Gobolada dalka Liibiya waxaana Magaaladaan oo caan ah lagu magacaabaa (Zawiyah).
Magaalada Zawiyah 50 Km oo kaliyah ayeey dhanka Koonfureed kaga beegan tahay Magaalada Tripolis waxaana Qabsashadeeda soo bandhigay Ciidamada Mucaaradka halka Afhayeenka Dawlada Liibiya uu beeniyey warkaas isaga oo ku sheegay Dagaalkaas inuu ahaa wax yar oo Mucaaradka ka tirsan oo Qash qashaad sameeyey ka dibna la kala ceeyriyey absolut markii eey Ciidamada Qaranka halkaas gaareen ayuu yiri Afhayeenkaas.
Halkaan ka Daawo Dagaal kulul oo Liibiya ka socdo & Goobaha la kala qabsaday http://www.youtube.com/watch?v=qsjTDtEPovc .