MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Qaar ka tirsan Saraakiishii Ciidamada Bashar al-Assad oo Shacabka Syria la saftay & Xabad ka bilaabatay Magaalooyin badan oo Syria ka tirsan (Halkaan ka Daawo Bashar al-Assad oo Wadadii Marxuum Qadaafi ku socda & Qiiqa Syria ka bilaabmay)
In mudo ah waxaa Car & Wir isku hayey Shacabka dalka Syria iyo Ciidamada Qalabka sida ee Difaacayey Xukuumada Madaxweeyne Bashar al-Assad kuwaas oo qaatu Billahi ka taagnaa Shacab Rabshado iyo Banaanbax aan kala go´laheeyn ka daba watay.
Xaalka hada sidaas waa ka duwan yahay waxaana markii ugu horeeysay Gobolo iyo Degmooyin badan oo ka tirsan dalka Syria laga maqlayaa Rasaas eey is weeydaarsanayaan Ciidamada Milatariga dalka Syria iyo Maleeshiyaad Hub qaatay oo Shacabka ka bar bar dagaalamaya. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey Saraakiil badan oo Milatariga Syria ka tirsaneed ineey la safteen Shacbka dalka Syria wexeeyna Saraakiishaan soo direen Muuqaal Video ah oo eey ku sheegeen ineey Dagaal diyaar u yihiin kana soo baxsadeen Xoogaga Madaxweeyne Bashar al-Assad.
Dalka Syria wuxuu galay Dagaal Sokeeye oo u qaab eg kii lagu baaba´ay ee ka dhacay dalka Liibiya waxaana moodaa Madaxweeyne Bashar al-Assad inuu Shacabkiisa ula dhaqmaayo sidii Marxuum Qadaafi oo kale taas oo sababi doonto Shacabka dalka Syria ineey gebi ahaanba ku soo wada jeestaan Madaxweeyne Bashar al-Assad.