MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al-Asad & Shacabka dalkaas oo quus kala tagaan iyo Maleeshiyaad u labistay Qaabka lagu yaqaan Al Shabaab oo Baasuukayaal la soo baxay (Muuqaal+Warbixin)
Waxaa aad u sii xumaatay Xaalada dalka Syria oo Bilihii ugu dambeeyey marba marka ka dambeeysa sii xumaaneeysay.Magaalooyinka dalka Syria qaarkood waxaa la iskula tagay gacanta (Xabad).
Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al-Asad waxa uu sheegay marnaba inuusan ka degi doonin jagada ugu sareeysa dalka Syria wuxuuna markii ugu horeeysay Shacabkiisa ugu goodiyey Dhiig badan oo daadan doona.
Masuul u hadlay Qaramada Midoobay wuxuu soo bandhigay Cadeeymo muujinaya dalka Syria oo maalin kasta ay ku geeriyoodaan dad lagu sheegay ugu yaraan ilaa 45-Qofood. Magaalooyinka waa weeyn qaarkood waxaa lagu arkay Maleeshiyaad Baasuukayaal ku hubeeysan oo qaab ahaan u labistay sida kuwa Xarakada Al Shabaab wexeeyna xirteen ama duubteen Wajiga iyo Afka.
Maleeshiyaadkaan ayaa wexeey ugu baaqeen Shacabka dalka Syria ineey hubka qaataan weliba ula Dagaalamaan Madaxweeyne Bashar Al-Asad qaabkii loo la dagaalamay Marxuum Mucamar Al Qadaafi oo kale.