Mario Balotelli & Sami Khedira oo Beecooda la isku heeysto ( Iyo Wararkii ugu dambeeyey ee Suuqa Laacibiinta Caalamka)
Kooxaha Man City iyo Inter ayaa weli isku fahmi la Beeca Mario Barwuah Balotelli oo u ciyaara kooxda Inter oo heeysta Horyaalka Talyaaniga iyo Koobka Champion Leugue. Roberto Mancini oo ah Tababaraha kooxda Manchester City horayna Tababare ugu soo noqday kooxda Inter ayaa si aad ah u doonaya la soo wareegida Mario Balotelli oo 19-Jir ah. Heshiiska labadaan kooxood ayaa waxaa Qalinka lagu duugayaa Isniinta ama Talaadada haduu Alle raali ka noqdo. Balotelli ayaa waxaa sidoo kale Ugaarsi ugu jira kooxaha Parma oo Talyaani ah iyo Stuttgart oo Germany ah waxaana taas cadeeyey Wakiilka Mario Balotelli Mino Raiola. Laacib kaan ayaa asal kiisu waxa uu ka soo jeeda dalka Ghaana balse waxa uu ku dhashay Talyaaniga taas oo u suurto galisay inuu u safto Juunyerka Qaranka Talyaaniga.
***** Kooxda Real Madrid ayaa waxaa ku dhacay Labo daran mid dooro******
Kooxda Real Madrid oo heshiis qaatay hal isbuuc kula jirtay Laacibka dhexda uga ciyaara Xulka Qaranka Germany & Kooxda Stuttgart Sami Khedira ayaa waxaa beeca Khedira soo labeeysay Kooxda Bayer München oo Dagaal xoogan ugu jirta Sami Khedira. Wakiilka Ciyaartooyda u soo iibiya kooxda Bayer München Christian Nerlinger ayaa cadeeyey ineey ka goan tahay sidii eey kooxda ugu soo biirin lahaayeen Sami Khedira. Sami Khedira oo eey iska dhaleen Hooyo Jarmal ah iyo Aabe Tuniisiya ah ayaa soo caan baxay World Cup 2010 ka dib markii uu qabtay booskii uu ka dhaawacmay Michael Ballack. Bayerns Sportdirektor Christian Nerlinger oo u waramayey ARD-Sportschau ayaa Taageerayaasha kooxda Bayer münchen u balan qaaday inuu Sami Khedira soo xero gelin doona, Real Madrid-na daaqada ka saari doono.
******Kooxda Fulham oo Tababare la aan ah ayaa qarka u saaran ineey keento Jürgen Klinsmann*****
Kooxda kubada cagta Fulham ee ka dhisan dalka England ayaa ku wareersan qofkii badali lahaa tababarihii hore Roy Hodgson oo u wareegay Kooxda Liverpool. Fulham oo isku dayday ineey keento dhoor tababare oo eey ka mid ahaayeen Martin Jol oo Ajax ka iman lahaa & Seven Göran Erikson oo hada haya ama leeyliya Xulka qaranka ivory Coast ayaa ku guul dareesatay. Maal qabeenka iska leh kooxda Fulham Mohamed Al Fayed ayaa hada qarka u saaran inuu keeno Jürgen Klinsmann oo Tababare u soo ahaan jiray Kooxda Bayer München iyo World Cup 2006 Xulka Jarmalka. Klinnsmann ayaa waxaa uu qaadan doona haduu kooxda Fulham yimaado mushaar dhan 2,4 Milyan oo Euro waxaana taas u sii dheer isaga oo farta laga saari doono 24- Milyan oo Euro si uu ciyaartooy cusub ugu soo iibsado ayuu yiri Maalqabenka Fulham Mohamed Al Fayed .
******Gennaro Ivan Gattuso oo eey doonayaan Kooxaha Olympiakos iyo Al Ahly*****
Xiddiga AC Milan Gattuso oo 32- Jir ah ayaa lagu wadaa inuu mid uun u wareego Kooxaha Al Ahly ama Olympiakos oo ka kala dhisan wadamada Masar iyo Giriiga. Warkaan ayaa waxaa cadeeyey wakiilka Gattuso Claudio Pasqualin oo u waramayey Maanta Sky Sport Italia.
*****Yaya Toure oo ku Jeesteeyey Kooxda Manchester Utd*****
Yaya Toure oo dhawaan kooxda Manchester city kala soo wareegtay Kooxda Barcelona ayaa ku jeesteeyey Kooxda Man Utd oo si aad ah eey isku Neceb yihiin kooxda uu hada u yimid ee Man City. Yaya Toure oo u waramayey Sky-Sport ayaa yiri sidan: (waxeey dooneysay Man Utd ineey si qarsoodi ah iila soo wareegaan, laakiin anaa ku qarxiyey oo ka diiday maadama Man city uu ila doonayey walaal keey Kolo Toure iyo Macalin Roberto Mancini) Yaya Toure ayaa isbuuc kasta qaadan doono Lacag dhan 200.000 Euro .
wird Touré bei skysports.com zitiert. Er habe sich aber für ManCity entschieden, dort soll er angeblich rund 200.000 Euro in der Woche kassieren.