Jawaabta Magacyada Qabiiradii Qalinka u qaatay Waa kuma Xiddigaan?,* Qabiiradaan Guuleeystay waxaa ku jiro kuwo Xiriiriye.com 6-Dhibcood ka tirsaday Labadii Su´aalood ee ugu dambeeyey,`* Su´aasha Hal Xiraalaha Todobaadkaan oo uu Xiriiriye.com Rag badan Daaqada ka saari doono : Sawirka Gudaha fur ka dib waxaad soo sheegtaa Ciyaaryahan Dumarkii Baashaal Raaxada uga qaaday (Xiddigaan dumarka ka dhex baxay soo sheeg Magaciisa iyo Qaranka uu u safto : Jabaabta halkaan noogu soo dir xiriiriyesports@hotmail.com )
Barnaamishka WAA KUMA XIDDIGAAN oo si heer sare ah u socda ayaa weli waxaa Xiriiriye.com ku daba dhegan Akhristayaal Qabiiro Sport ah oo Xiriiriye.com Qalin ka daba wata qaasatan kuwa nuucooda loo yaqaan Maharayaasha.
Xiriiriye.com oo isku dayi doona inuu Akhristayaashaan hal hal Dhibcaha uga tirsado maanta bal aanu marka hore u leexano dhanka Jawaabta Hal Xiraalihii ugu dambeeyey iyo Magacyada Qabiiradii Guusha la hoyday.
Xiddiga aan Sawirkiisa xiligii uu yaraa Boga hore ee
www.xiriiriye.com aanu soo galinay waa Mesut Mustafa Özil oo ku dhashay 15. Oktoober 1988-kii magaalada Gelsenkirchen oo ah halka eey ka taliso ama ka dhisantahay kooxda Fc Schalke oo ka ciyaarta Horyaalka Bundesliga ee Dalka Germany.
Laacib Mesut Mustafa Özil waxa uu u soo ciyaaray kooxaha Rot Weiss Essen,Fc Schalke,Werder Bremen iyo hada oo uu u ciyaaro naadiga caanka ah ee lagu magacaabo Boqorada Reer Yurub ama Los Blancos Hala Real Madrid (Galactikos) .
Halkaan ka Daawo Goolashiisa iyo Gambiskiisii ugu wanaagsanaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=sTRltXmBk-I .
Mesut Mustafa Özil Qaranka Germany ayuu lafdhabar u yahay inkastoo asal ahaan uu ka soo jeedo dalka Turkiga waana Xiddiga kaliyah oo la sheegay ineeysan Dhaafin Salaada & Soonka marka laga soo tago Laacibiinta kala ah Kanoote,Abidal,Ribery & Anelka.
Mesut Özil Saaxiibka uu ifka ugu jecel yahay waa Laacib Nuri Kaazim Sahin oo Özil dartiis loogu soo biiriyey kooxda HALA Real Madrid. Nuuri Kazim Sahin waa Mucjiso kale oo Turki ah kuna dhashay dalka Germany balse u ciyaara qarankiisa Turkiga.
Saaxiibkaan qaaliga ah ee Özil Mr.Nuuri Sahin wuxuu heeystaa oo si layaab ah ula soo qaaday kooxdiisii hore ee B.Dortmund horyaalka Germany waxaana inta badan eey Saxaafadu ku tilmaamaan Frank Lampardaha Mustaqbalka dhaw.
Mesut Özil Taariikh ahaan ma dhicin weli sanad uusan tagin dalkiisa Hooyo ee Turkiga wuxuuna Sanad walba xiliyada Xagaaga ee kooxaha Qaarada Yurub Fasaxa galaan Qooyskiisa u raacaa dalka Turkiga. Mesut Özil Macalimadiisii Iskoolka Haweeneeyda lagu magacaabo Katharina Hartmann wexeey Tv-ga ZDF-ka u sheegtay inuu ilaa yaraantiisii Aktiv ahaa wexeeyna tiri isaga oo yar ayuu Rag ugu yaraan 5 sano ka waa weeyn Lacagta ka sabsaban jiray isaga oo Jeebka ku heeysta Lacagtii eey waalidkiisa soo siiyeen.
Taageerayaasha Real Madrid aad ayeey u jecel yihiin Maamulka kooxdaasna Lambarka 10-aad ayeey siiyeen (10-Diyeeshe) Sidoo kale waxa aad u Taageero oo Funaanadiisa inta badan looga labistaa Gudaha dalka Germany iyo qaar badan oo caalamka ama wadamada Carbaha ka mid ah.
Halkaan ka Daawo Taageerayaasha Real Madrid oo u baxshay Football Hero Mesut Özil >>> http://www.youtube.com/watch?v=jksp3vNiVHw.
Mesut Özil dhoor jeer ayuu isku dayey inuu Qaranka Turkiga ku biiro laakiin xiligaas Laacib sidaas u weeyn ma aheeyn oo waxaa Amaah iskaga fasaxday Fc Schalke wuxuuna u tagay Werder Bremen markii uu Turkiga tagayna waxaa Qaranka ku ciyaara Bisha & Xiddigta Gaduudka iyo cadaanka ka sameeysan ka diiday Tababarihii xiligaas waa Mr Fatih Terim oo hada xili Ciyaareedkaan Tababare u noqday kooxda faca weeyn ee Galatasaray Istanbul.
Halkaan ka Daawo Saxaafada Germany gaar ahaan Tv-ga ZDF-ka oo rabay inuu qoorta isku galiyo ama isku diro Mesut Özil iyo saaxiibkiisa Qaaliga ah ee Nuri Kazim Sahin maadaama dhanka Aragtida eey labo Qaran u kala safteen Özil-na ciilkii uu ka qaaday Qaranka Turkiga oo loo diiday waxa uu ku biiray Qaranka Germany inkastoo ilaa hada eey ka shalaayaan Shacab weeynaha Turkiga iyo maamulka Qarankaas
Halkaan ka Daawo isku dirka ZDF-ka Jarmalka ÖZil Vs Sahin >>> http://www.youtube.com/watch?v=m0EreBRMOcY .
Ugu dambeeytii Faalada iyo Falaqeeynta Laacibkaan taageerada xoogan ku leh Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta hadaanu ka soo gudubno una soo weecano dhanka magacyada Macalimiintii Qalinka u qaatay weliba gartay Wajiga xiligii uu yaraa Laacib Mesut Özil wexeey kala yihiin Akhristayaashii Jabaabta Hal Xiraalaha Xiriiriye.com ku Guuleeystay Sidan :
1-Saadaq Mohamed Hassan (Qandiid)
2-Ahmed Ali Coowke.
3-Sharmaake Ahmed Mohamed (Sharmaake Sawaaxili)
4-Daadir Maxamed Xasan (Daandureey)
5-Mohamed Hasan Aadan (Asad Yare)
6-Leeylo Osmaan Maxamuud.
7-Maxamed Deeq Axmed Yariis (Zubeeyr)
8-Xasan Aadan Xassan Xassan Özil)
9-Momamed Yoonis Moalim (Carab)
10-Ahmed Omar (Prince Ahmed Madridista)
11-Mohamed Aadam Sheikh (Amraat Ronaldinho)
12-Said Ali Maad (Nageeye)
13-C/Qani Macalin Axmed (Mr.Qanciye)
14-Mr.C/Risaaq Hassan Ugaas (Duceeysane)
15-Luul Xaaji Yacquub Liiban (Luul Gunners)
16-Zakariye Cabdi Kheeyre (Xavi)
17-Salmaan Bootaan Abtidoon (Del Piero)
18-Sahal Yuusuf Nuur (Sahal Pirlo)
19-Hani Afrax Qaalid (Hibo Nuura)
20-Liibaan Suleeyman Rooble (Lii Booto)
21-Fuaad Cabdi Xanafi (Fuaad Messi)
22-Cali Yuusuf Ciid (Lampard)
23-Saalax Aadan Mohamed (Saalax Zidane)
24-Nimco Cabdi Amiin (Nimco Dareen)
25-Wehliye Shiikh Cabdi Mucalim (ManU)
26-Shuuceey C/Shakuur (Shuceeyb Yare)
27-C/Xafiid Cabdi Zamad (Zaciimka)
29-Cabdi Rashiid Rashka.
30-Farxiyo Cali Nuur (C.Ronaldo)
31-Maxamed Dalabeey Yuusuf (Nani)
32-C/Salaan Osmaan Shiikhdoon (Pato)
33-Kaafi Xassan Macalin (Kaafi Totti)
FIIRO GAAR AH: Akhristayaasha aanu magacyadooda ka soo tagnay waa kuwii Su´aasha soo qalday iyo Akhristayaashii noo soo diray halka magac oo kaliyah waxaana mar kale idinka codsaneeynaa inaad Jawaabihiina soo raacisaan magacyadiina oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedihiin (Mahadsanidiin).
Xiriiriye.com oo Maanta dhaarsan waxa uu rabaa Hal Xiraalaha Isbuucaan in uu Qabiiro badan oo Qaatu billahi laga taagnaa fak faktooda Daaqada kala baxo !! . Waxaa soo sheegtaa Xiddig ama Ciyaaryahan Dumar fara badan Baashaal raaxada uga qaaday?
Sawirka kore waa Ciyaaryahankaan oo ku mashquulsan Haweeneey uu ka dhex baxay sidii uu Baashaal ugu waday.
Hadaad meesha wax ku heeyso Laacibkaan oo Dunida Caan ka ah waa uu sii jeedaa Laakiin Cid kastoo Sportiga horumar ka gaartay weey garan doontaa sii jeedkiisa ama Qaabkiisa. Waxaa lagaa doonayaa Ciyaaryahanka Sawirka Beejkaan kore magaciisa & Qaranka uu u ciyaaro Anagana waxaan Jawaabta Guuleeystayaasha Soo raacin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan Taariikh Nololeedkiisa iyo Goolashiisii kuwii ugu wanaagsanaa iyo weliba qaabka uu Dumarka Jaceeylka beenta ah ugu beero .
Halkaan noogu soo dir jawaabtaada soona raaci magacaaga oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay Mahad sanidiin :
xiriiriyesports@hotmail.com