CIID WANAAGSAN OO WACAN DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO EEY DUNIDA KA JOOGAAN GAAR AHAAN MAAMULKA WWW.XIRIIRIYE.COM WAXA EEY SI QAAS AH HAWADA SALAAN AAD U QIIMO BADAN U MARINAYAAN BAHDA CIYAARAHA EE KU XIRAN WAR BAAHIYAHA SPORTIGA EE XIRIIRIYE, MAR LABAAD CIID WANAAGSAN OO WACAN WALAALAYAAL DHAMAANTIIN !!!
Jose Morinho oo Rekord Jabiyey, 136-kulan Gurigooda loogama badin Kooxaha Fc Porto, Chelsea & Inter, Samuel Eto'o, Kaka & Meicon oo la doonayo in la isku badasho & Wararkii ugu dambeeyey ee Sport.
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Morinho ayaa waxa uu Jabshay oo uu heeystaa Rekord u qaas ah xaga Tababarnimada kooxihii uu soo maray ee kala ahaa FC Porto, FC Chelsea iyo Inter.
Tababare Jose Morinho ayaa ugu dambeeysay Guul daro uu ku arko Gurigiisa bishii Febraayo 2002-dii xiligaas oo uu Macalin u ahaa Kooxdiisii hore ee FC Porto.
Morinho ayaa intii uu la joogay Kooxaha waa weeyn ee FC Chelsea & Inter waxa uusan weli dhadhamin Guul daro ku soo gaarto guriga kooxaha uu xiligaas Macalinka u ahaa waxaana uu sitaa Rekord ah 136-Kulan oo caalami ah Mr.Jose Morinho weli dhulka laguma jiidin loogama badin Gurigiisa.
Saxaafada Sportiga ugu magaca dheer caalamka ayaa durba Magac la helay jose Morinho waxaana eey inta badan ugu yeeraan Godkii Naarta.
Tageerayaasha Kooxda Real Madrid oo ka faaideystay Fursadaan qaaliga ah ee ku saabsan awooda uu Jose Morinho ku leeyahay Garoomada caalamiga ah gaar ahaan marka eey ku dheeleeyso koox uu wato gurigeeda ayaa waxaa dhacday Maanta iyo shalay ineey dhameeysteen tikitkii lagu daawan lahaa Ciyaarta kooxda Real Madrid eey kala hor tageeyso kooxda Osasuna oo marti ku noqon doonta Garoonka Real Madrid ee Bernabeu-Stadium.
**Jaraaidka ugu Magaca dheer dhanka Sportiga ee ka soo baxo Dalka Talyaaniga Corriere dello Sport ayaa waxa uu soo bandhigay heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray kooxaha Inter iyo Real Madrid oo kala doonaya ineey ciyaartoos isku badaalan.
Heshiis kaan qarsoodiga ah ee aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa ka dhex muuqda Madaxa ugu sareeya ee kooxda Real Madrid Ciyaartooyda u soo iibiya waa Florentino Perez & weliba Morinho.
Inter ayaa la sheegay in eey diyaar la tahay Lacag iyo Samuel Eto'o ama Meicon oo labaduba uu ka fuqi la´ yahay Macalin Jose Morinho oo aad u doonaya. Heshiis kaan qarsoonaa oo hada si weeyn u soo caan baxay ayaa waxaa lagu wadaa in lagu kala baxo xiliga Qaboobaha ee fooda inagu soo haya kaas oo uu si rasmi ah u furmi doono Suuqa kawaanka Ciyaartooyda oo hada Quful uu ka taaganyahay.
** Taageerayaasha Qaranka England iyo kooxda Tottenham ayaa si weeyn uga naxay dhaawicii maanta la shaaciyey ee soo gaaray weerar yahankooda Jermain Defoe oo 3-bilood loo jaray inuu Ciyaari karin kulamada caalamiga ah maadaama uu dhaawac ka soo gaaray Lafta Qoobka darteed.
Defeo ayaa dhaawaca waxa uu ku biloowday Ciyaartii eey Qaranka England Xulka Bulgaaria 4-0 uga badiyeen oo uu 3-gool ka dhaliyey waxaana dhaawiciisa uu sii darsaday Ciyaartii eey Ingiriiska 1-3 ku soo qaarajiyiin Dalka Switzerland. Waxaa kaloo Qaranka Ingiriiska & Kooxda Man Utd 3-Isbuuc ka maqnaan doona Xiddiga Qadka dhexe ee Michael Carrick.
** Weeraryahanka Kooxda Inter iyo Qaranka Cameroon Samuel Eto'o ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalada eey soo tabiyaan wargeeysyada sportiga oo inta badan Horyaalka Talyaaniga Farta ka saaray Kooxaha AC Milan & Juventus.
Sky Sport 24 oo sacaad ka hor si Live ah u wareesanayeySamuel Eto'o ayaa yiri sidan: Hadii Milan iyo Juventus Ciyaartooy badan soo xaabsadeen taas badal keeda ma ahan inaan anaga Inter ahaan Beerta galnay maxaa yeelay waxaa weli nool oo kooxda Tababarka la qaata 99%' Ciyaartooydii Inter 3-da Koob ee Taariikhda mudan u soo xareeysay, waxaana u sheegayaa dadka ku riyoonaya in Inter eey ka taalo ama Boolo noqotay candhuuftooda gadaal ha u laqaan ayuu yiri Samuel Eto'o .
**Laacib Raul iyo Xiddiga hada ka yimid dhinaca naadiga Ac Milan Klaas Jaan Hunterlaar ayaa wax u tari waayey Kooxdooda Fc Schalke oo 2-0 looga badiyey wax yar ka hor.
Kooxda Hoffenheim ayaa waxa eey 2-0 u dhiibtay Naadiga Xiddigaha badan soo gatay sanadkaan oo weliba uu wato Macalinka weeyn Flex Magath waa Fc Schalke.
Hoffenheim waxaa goolasha u kala saxiixay Vorsah iyo Goolka labaad oo ahaa mid uu kooxdiisa Schalke ka dheliyey oo isku salaxay Goolhayaha Qaranka Germany Emanuel Neuer.
KA BOGO GOOR DHAW WWW.XIRIIRIYE.COM WARAR SPORT IYO BARNAAMISHYO KALE OO KALA DUWAN !!