La Yaab : Garoonkii Kubada Cagta ee Muqdisho Stadium oo Ciidamo Ugaandheeys ah Godod Difaacyo ah ka dhex qoteen iyo Muuqaalkii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho sida ay u ekaatay Daawo By Aljazeera English !!!
Wariye ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayaa war bixin kulul oo dhinacyo badan taabatay waxa uu ka soo aruuriyey xaalada dalka Somalia. Wariyahaan ayaa booqday goobo halis ah oo qaarkood uu ka muuqday dhibaatadii ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Inta badan Siyaasiintii uu soo wareeystay Wariyaha Aljazeera qeeybta English-ka ayaa waxaa laga xusi karaa hadaladii ay ku hadleen Madaxweeyne Sheekh Shariif, Sheekh Yuusuf Indhacadde iyo Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere.
Madaxweeyne Sheekh Shariif wuxuu yiri Dawlada Mareeykanka weli ma dhameeystirin Taageeradii ay Dawlada Soomaaliyeed u balan qaaday.
Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay hadalo aan looga baran oo uu hawada u mariyey Xukuumada Mareeykanka. Indhacadde ayaa yiri sidan " Aniga iyo Mareeykanka Saaxiibo ayaan nahay, waxaana ahay Ninkii Shabaabka aas aasay ee Hogaamin jiray mana yeeli doono in dalka Dimuqaraadiyad lagu xukumo maxaa yeelay Shacabka Soomaaliyeed Boqolkiiba Boqol waa dad Muslim ah anagaba Xukuumada Washington hadii aan iraahno Sharcigeena qaata oo wax ku xukuma nagama yeeleen ,,
Indhacadde ayaa ku adkeeystay in isaga iyo Ciidamada daacada u ahba ay si weeyn u Taageersan yihiin DFKMG ah . Dhanka kale Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa yiri sidan mar lagu eedeeyey Gobolada ay ka taliyaan in Macaluul iyo Nafaqo daro loogu baa´bay ,, Gaalada Siyaasad kale ayeey u socdaan iyaga ayaana ka dambeeya muuqalada ka dhanka ah goobaha ay Mujaahidiinta maamulaan ,,
Muuqaalkaan cusub ayaa waxaa ka muuqdo goobo badan oo ku yaal magaalada Muqdisho kuwaas oo daarihii ku yaalay ay noqdeen Dakum & Daakum.
Halkaan ka Daawo Muuqaalkaan Naxdinta badan http://www.youtube.com/watch?v=iRZPMd1H7Z0