Juventus oo Gacanta ku dhigtay Laacibkii Qaranka Holland Eljero Elia ,*Michael Ballack iyo Xaaskiisa Semone oo kala tagay,*Fc Arsenal oo Laacibiin cusub ku soo biirisay kooxda,*David Trezeguet oo horyaalka Imaaraatka Carabta ku biiray ,* As Roma oo xili Ciyaareedkaan soo iibsatay ebid Laacibiintii ugu faraha badnaa & mid cusub oo maanta soo caga dhigtay,*Fc Chelsea oo Maal & Xoog iskugu geeysay sidii eey ku heli leheed inta uu xirmin Suuqa Ciyaartooyda Laacib Bilal Frank Ribery (warar kii ugu dambeeyey ee Kawaanka Ciyaartooyda oo Xiritaan Qaraka u saaran )
!!**!! CIID WANAAGSAN OO WACAN DHAMAAN BAHDA KU XIRAN XIRIIRIYE.COM MEEL KASTOO DUNIDA AAD KA JOOGTAAN !!**!!
*** Kooxda Juventus ayaa gacanta ku soo dhigtay Laacibka Qaranka Holland & Kooxda Hambrug ee horyaalka Germany Eljero George Rinaldo Elia. Xiddigaan oo kooxo badan eey Toosh ka daba wateen ugu dambeeyntii wuxuu calaf u noqday Kooxda Juventus oo xili Ciyaareedkaan soo iibsatay Laacibiin badan oo da´yar.
Eljero Elia waa Xiddig dhanka gambiska laga qeeyliyey wuxuuna maacalin cad is dul saaraa Difaacyada kooxaha ka soo hor jeeda wexeeyna kooxda Juventus kula soo wareegtay isku dar Adduun gaaraya 9-Milyan oo Euro. Ku soo biirista Eljero Elia ee Garoonka Juventus kuma farxi doonaan kooxaha Ac Milan & Inter Milan oo sanadkaan ama xili ciyaareedkaan cusub u hanqal taagaya qaadista Horyaalka Serie A-ga Talyaaniga.
*** Kaptankii Qaranka Germany hadana ah Hogaamiye kooxeedka kooxda Bayer Liverkusen Michael Ballack ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxa uu qilaaf xoogan kala dhaxeeyey Xaaskiisa Simone Lambe oo eey is guursadeen bishii Juulaay sanadkii 2008-kii.
Qilaafka ama kala tagitaanka Qisada dhex martay Ballack iyo Xaaskiisa Simone oo xiriiriye ka yaabsatay ka filo Barnaamishka La Yaab qeeybihiisa dambe.
*** Kooxda Fc Chesea ayaa awoodeeda Dhaqaale iyo Kartiba iskugu geeysay sidii eey kula soo wareegi leheed inta uusan Suuqa Kawaanka Ciyaartooyda xirmin Mucjisada qadka dhexe ee Qaranka Diiqa reer France iyo kooxda Fc Bayern Munchen Frank Bilal Ribery.
*** Kooxda As Roma oo ebid Laacibintii ugu badneed xili ciyaareedkaan la soo wareegtay wexeey maanta mar kale kooxda ku soo biirisay Ciyaaryahan Semon Kjaer oo u Ciyaara Qaranka Denmark iyo kooxda Wolfsbrug ee horyaalka Germany. As Roma ayaa sidoo kale wexeey soo wadataa Xiddiga Lyon & Qaranka Bosnia ee ku wanaagsan dhanka Bilisiyoonka waa Laacib Pjanic
*** Difaaca Dhirirka badan ee Qaranka Germany Per Mertesacker oo kooxda Fc Arsenal u gacan galay ayaa waxaa telefishinada dalka Germany laga soo daayey isaga oo Oonaya. Difaacaan oo laga soo iibiyey kooxda Werder Bremen ee horyaalka Germany waxaa adag si eey ku dhaafaan Weeraryahanada Caalamka in kastoo la arki doono sida eey ku kala baxaan isaga iyo Weeraryahanada fak fakta badan ee Horyaalka Ingiriiska sida Weyne Rooney, Luis Suarez, Fernando Torres iyo Sergio Kun Aguero.
Per Mertesacker waxa uu kooxda Bremen sanadkii 2006-kii kaga yimid dhanka kooxda Hanover ee isla horyaalka Germany wexeey xiligaas ku soo iibsadeen Lacag lagu sheegay 4,7 milyan oo Euro wexeeyna hada Sanduuqa Fc Arsenal ka faaideen Adduun gaaraya 11 milyan oo Euro. Per Mertesacker waa 26 jir wuxuuna ku wanaagsan yahay dhanka Teestada maadaama uu yahay Ciyaaryahan aad u dhirir badan.
*** Kooxda Anchi Machashkala oo dhawaan iibsatay laacibiin fara badan oo uu ka mid yahay weeraryahan Samuel Eto´o hada wexeey doonayaan oo Malaayiin Lacag ah u soo bandhigeen Difaaca Shayaadiinta Cas Cas ManU waa Ciyaaryahan Nemanja Vidic.
*** Ciyaaryahanka Qaranka Japan Keisuke Honda waxa uu ku biiray kooxda Lyon ee Horyaalka Faransiiska oo xili ciyaareedkaan Xiddigo fara badan eey ka kala yaaceen..
Kooxda Juventus wexeey xiratay oo Isbaaro dhigatay beeca Weeraryahanka Qatarta ah ee Qaranka Peru iyo kooxda Fc Schalke ee horyaalka Bundesliga waa Ciyaaryahan Jefferson Farfan. Xiddigaan oo dhanka Oradka laga qeeyliyey kooxda Juventus wexeey dooneeysaa ineey kula Dagaalanto Difaacyada Horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kuwa loo yaqaan Fadhi ku dirirka.
*** Weeraryahankii hore ee halista ahaa David Sergio Trezeguet ayaa waxa uu ku biiray kooxda Bani Jas oo ka dhisan horyaalka imaaraadka Carabta wexeeyna Kooxdaan Horyaalka dalkaas xili ciyaareedkaan ka gashay kaalinta 2-aad.
David Sergio Trezeguet oo heeysta Koobka Addunka 2008 & Koobka Qaramada Yurub ee 2000 wuxuu dhanka weerarka ka soo caawiyey kooxaha Monaco ,Juventus iyo Qaranka Diiqa reer France. David Sergio Trezeguet oo laga soo iibiyey kooxda Hercules Alicante ee Horyaalka Spain waa 34 jir iminka wuxuuna jeebka ku hubsaday Adduun dhan 1,7 Milyan oo Euro.
*** Fc arsenal oo Ciil ka qaaday 8-dii Gool ee kooxda Man Utd jeebka u galisay ayaa wexeey la soo wareegtay Weeraryahanka ahna Kaptanka Qaranka South Korea Park Chu Young oo laga soo iibiyey kooxda As Monaco oo horyaalka Faransiiska sanadkaan ka gashay Serie B-da. Park Chu Young mudo 3 sano ah intii uu Manaco la joogay wuxuu dhaliyey 25-gool isaga oo u saftay 91 kulan. Fc Arsenal oo 40 Milyan oo Euro u quurtay Mucjisada cusub ee Qaranka Germany Mario Götze oo u ciyaara kooxda heeysta Horyaalka Bundesliga dalka Germany ee Brussia Dortmund ayaa laga diiday beeca Laacibkaas.
Arinta ugu Qosolka badneed dhanka Saxaafada Sprtiga ayaa wexeey eheed markii uu Tv-ga ZDF-ka ka yiri -Sport-direktorka ugu sareeya Dortmund Michael Zorc sidan " Ma waxaan laacibkeena ugu qatarsan kooxda ka iibiina koox aan isku guruub nahay koobka Champions League ?,, .Michael Zorc ayaa hadalkaas kala jeeday ineeysan Lacag wax tarin ee awooda Ciyaartooyda loo baahan yahay wuxuuna hadalkaas ku duqeeyey kooxda Fc Arsenal oo eey isku guruub yihiin koobka Horyaalada Yurub(The Uefa Champions League).
*** Dhanka kale Weeraryahanka Qaranka Denmark iyo Fc Arsenal Nicklas Bendtner ayaa waxaa isku kooleeysay kooxda Stoke City ee isla horyaalka Ingiriiska waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku biiro Stoke City oo dooneeysa Xiddig ka caawiya dhanka Weerarka.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com