David Villa oo laga soo saaray Isbitaalkii uu ku jiray ka dibna si Xirfadeeysan uga hadlay Hantaaticiisii hore,*Ciyaal-suuqii Garoonka kooxda Ajax banaday oo ka cararayey Ganaax 3 sano ah balse hada loo jaray mid 30-Sano ah (World Sport News).
Weeraryahanka Qaranka La Roja (Spain) iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona David Villa Sanchez ayaa si toos waxaa looga soo saaray Isbitaalkii uu ku jiray oo ahaa halkii lagu qalay. David Villa wuxuu ku soo dhaawacmay kulan dhex maray tartankii koobka Qaaradaha Aduunka kooxaha Al Sadd Qadar Vs Fc Barcelona (0-4).
" David Villa hadii laga soo saaray Isbitaalka taas macnaheeda ma ahan inuu Kubada Ciyaari karo ee dhaawaca Xiddigaan wuxuu qaadan doonaa 4 ilaa 5 Bilood oo uu ka maqnaan doono Garoomada Caalamiga ah ayuu yiri Dhaqtarka kooxda Fc Barcelona >> ( Es werde ?vier bis fünf Monate" dauern, bis Villa wieder spielen könne, erklärten die Clubärzte der Katalanen Fc Barcelona)<<.
Weeraryahan David Villa Sanchez ayaa hal Isbuuc ka hor waxa uu ka yaabsaday Saxaafada Caalamka ka dib markii uu ku hadlay Hadalo lagu tilmaamay Hantaatac oo dad badan ka yaabsaday. David Villa ayaa maalmo ka hor intii aan la qalin waxaa lagu duray Cirbada Kabaabisada oo inta badan dadka qaba xanuunka ka dhigta kuwo Happy ah oo Faraxsan.
Ciyaaryahan Villa wuxuu horay u sheegay inuu si toos ah u tagi doona Magaalada Munchen oo lagu wado in lagu qabto Ciyaarta Fiinaalka koobka Champions League Taariikhdu markeey tahay 19-ka bisha Meey Sanadka 2012-ka. David Villa intii uu ku durnaa Cirbada Kabaabisada ah ee baabi´sa Xanuunada daran ayaa dhoor jeer waxa uu ku hadlay Hadalo is qilaafsan oo la sheegay ineey u badnaayeen kuwo aan fadhin.
Wuxuu xiligaas sheegay inuu kooxda Fc Barcelona la tagi doono Ciyaarta Fiinaalaha koobka Champions League oo aan la ogeeyn ineey kooxda Fc Barcelona soo gaari doonto Fiinaalka iyo in kale.Villa oo hada isa saxay ayaa waxa uu Warbaahinta horteeda ka yiri markii Isbitaalka laga soo saaray sidan : (?Ich will im Finale (der Champions League am 19. Mai 2012, Anm.) in München und der EM spielen und werde hart dafür arbeiten, um das zu schaffen",
David Villa " Waxaan doonayaa inaan Koobka Champions League Fiinaalihiisa oo ka dhacaya magaalada München iyo Tartanka koobka Qaramada Yurub isku diyaariyo waxaana jeclahay ineey taasi ii suurtoobi doonto maxaa yeelay si adag ayaan iskugu diyaarin doonaa,,
***Ciyaalsuuqii Qanaday Ciyaartii dhex martay kooxaha Ajax Vs Az Alkmaar ayaa waxaa faraqa loo galiyey mudo 30 Sano ah inuusan imaan karin Garoonka kooxda Ajax Amsterdam. Wiilkaan oo 19-sano Jir ah waxa uu ka cararay ama ka xumaaday 3 sano oo horay looga mabnuucay Garoonka Kooxda Ajax Amsterdam oo uu Taageero weeyn u yahay balse hada waxaa Faraqa loo galiyey isaga oo Xabsiga ku jira Ganaax 30-sano ah.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Maamulka kooxda Ajax iyo Sharciyada maxkamad ay tiigsadeen ayaa waxaa ku cadaa inuu Ciyaal-Suuqaan (The Hooligans) Garoonka kooxda Ajax soo xaadiri karo kaliyah marka uu noqdo 50-Sano jir. >> (Der niederländische Rekordmeister Ajax Amsterdam hat am Christtag jenen Hooligan, der am vergangenen Mittwoch den Abbruch der Partie im Cupachtelfinale gegen Alkmaar provoziert hatte, mit 30 Jahren Stadionverbot bestraft).
Wiilkaan oo hada 19-sano jir ah waxa uu Sharcigaan cusub dhigayaa mudo 30 sano ah inuusan cagta soo saari karin Garoonka kooxda Ajax oo uu aad u jeclaa in kastoo uu Balaayo dhigay maadaama uu ka biyo diidsanaa 3 sano oo horay looga ganaaxay Garoonka kooxda uu taageero balse hada sababtay 30 Sano oo afgelis ah .
Dhanka kale Xiriirka Kubada Cagta ee dalka Holland oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (KNVB) ayaa wexeey kama jiraan ka dhigeen ama dib ula laabteen Roosadii la siiyey Boortaha kooxda Az Alkmaar Esteban Alvarado ka dib markii uu Ciyaartii Ajax Vs Alkmaar Laad iyo Haraanti la dhacay Ciyaal-suuqii Garoonka oradka ku soo dhex galay kaas oo kaga baqay inuu Midi iwm ah wato.
Ciyaartii dhex martay Ajax Amsterdam Vs Az Alkmaar oo eheed kulan adag oo ka tirsan Koobka dalka Holland ayaa Banad/Qanad ku dhamaatay xili ay Ciyaarta mareeysay 35-Daqiiqo (Ajax Vs Alkmaar 1-0)