Man City oo Bood Boodkii Van Persie Bareega u qabatay iyo Horyaalka Talyaaniga oo isku badalay Xawilaad u dhaxeeysa kooxaha Juventus, Ac Milan iyo Udinese >> Serie A oo noqday Maanta u dhiibo Beri ka qaado waa Xawilaad deg deg ah (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 2-aad ee Faaqidaada Horyaalada)
Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League oo la ciyaaray kulankiisii 16-aad kooxda Manchester City wexeey Bareega u qabatay fak faktii Laacib Robin van Persie oo wixiisa ka dareey noqotay ka dib markii uu dhaliyey kulamadii ugu dambeeyey 15-Gool oo xiriir ah.
Xiddigaha Manchester City oo ciil ka soo qaaday kulankii Fc Chelsea oo 2-1 lagu soo tumay iyo Koobka Champions League oo laga soo reebay ayaa markaan wexeey Isbaaro u dhigteen kooxda The Gunners Fc Arsenal oo maalmahaan kacsaneed.
Manchester City ayaa 1-0 ku qararamsatay Fc Arsenal waxaana Goolkaas Agoonka ah Daqiiqadii 53-aad u saxiixay Xiddiga Reer Spain David Silva oo 3-Ciil ay iskugu darsantay waa 1-Champion-ka oo laga soo reebay, 2-Chelsea oo soo tuntay kulankii ugu dambeeyey iyo 3-Ciyaal-suuq Carlos Tevez oo 3-Isbuuc ka hor Xanjo uu ruugayey Wajiga kaga tufay ka dib markii uu ku eedeeyey inuu David Silva masuul ka ahaa inta badan xiddigaha Man City oo Salaantii ka goostay Tevez . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=Kk3As0XmZJ0 .
Kooxda Shayaadiinta cas cas ee Manchester United wexeey ugaarsi Cir & Dhul ah ku hayaan dariskooda Manchester City oo ay la doonayaan in mar uun la tumo si ay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska Darawal cusub uga noqdaan.
Kulankii Queens Park Rangers Weeraryahan Mark Wayne Rooney wuxuu Gool Madax ah dhaliyey ciyaarta oo socota hal daqiiqo oo kaliyah waxaana Goolka 2-aad raacsaday Daqiiqadii 56-aad Ciyaaryahan Michael Carrick .
HORYAALKA INGIRIISKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
1.
Manchester City
16
13
2
1
50:15
41
2.
Manchester United
16
12
3
1
37:14
39
3.
Tottenham Hotspur
15
11
1
3
31:18
34
4.
Chelsea
16
10
2
4
34:19
32
5.
Arsenal
16
9
2
5
31:24
29
6.
Liverpool
16
8
5
3
20:13
29
7.
Newcastle United
16
7
6
3
21:19
27
8.
Stoke City
16
7
3
6
18:25
24
9.
Norwich City
16
5
5
6
25:29
20
10.
Aston Villa
16
4
7
5
18:21
19
11.
Fulham
16
4
6
6
18:18
18
12.
Swansea City
16
4
6
6
16:20
18
13.
West Bromwich Albion
16
5
3
8
16:24
18
14.
Everton
15
5
2
8
16:19
17
15.
Queens Park Rangers
16
4
4
8
15:28
16
16.
Sunderland
16
3
5
8
18:19
14
17.
Wolverhampton Wanderers
16
4
2
10
17:30
14
18.
Wigan Athletic
16
3
4
9
15:30
13
19.
Blackburn Rovers
16
2
4
10
23:36
10
20.
Bolton Wanderers
16
3
0
13
20:38
9
*** HORYAALKA DALKA TALYAANIGA EE SERIA A OO ISKU BADALAY QAAB XAWILAAD KA DIB MARKII AY ISBUUC WALBA ISKU DHIIB DHIIBEEN KOOXAHA JUVENTUS, AC MILAN & UDINESE.
Maalintii Sabtida eheed waxaa Hogaanka u qabatay Horyaalka Talyaaniga kooxda Ac Milan (The Rossaneri) oo 2-0 ku soo dar dartay Naadiga Siena waxaana labadaas Gool Ac Milan u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Antonio Nocerino Daqiiqadii 54-aad iyo Zlatan Ibrahimovic oo Rigoore dhaliyey Daqiiqadii 64-aad.
Ac Milan oo Saacado kooban Hogaanka Serie A Darawal ka noqotay ayaa waxaa dib kala wareegtay kooxda Juventus oo iyana 2-0 ku soo tuntay naadiga Novara . Goolasha kooxda Juventus ku badisay waxaa u kala Saxiixay Xiddigaha Italy ee kala ah Simone Pepe Daqiiqadii 4-aad iyo Fabio Quagliarella Daqiiqadii 75-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo eheed mid kulul >>> http://www.youtube.com/watch?v=IFfEIuwLfgI .
Naadiga Inter Milan oo Wadadii guulaha dib ugu soo laabtay wexeey 0-1 ku soo qaarajiyeen kooxda Cesena . Inter Goolka waxaa u saxiixay Daqiiqadii 63-aad Ciyaaryhan Andrea Ranocchia . Napoli oo Boolo noqotay waxaa 1-3 kaga soo badisay As Roma halka SS Lazio iyo kooxda Udinese Bareejo 2 & 2 ah isku macsalaameeyeen.
KOOXA HORYAALKA TALYAANIGA AYAA ISBUUCAAN QAABKAAN KU KALA BAXAY :