Lionel Messi oo 200 Gool ku hubsaday Shabaqa Mucaaradka Fc Barcelona,* 877 Daqiiqo Victor Valdes Gool waa laga dhalin la yahay,* Maxaad kala socotaa goorta ugu dambeeysay Gool laga xareeyo Valdes iyo Jabhadiisa? (Halkaan ka Daawo Faaqidaada koobka Champions League Wajigiisa 4-aad) Bood boodka eey wadaan Leo Messi & Jabhadiisa Fc Barcelona ma ahan mid eey ku farxaan Halgame Cristiano Ronaldo & Ciidankiisa Real Madrid.Leo Messi wuxuu dhaliyey Goolashiisii 200-aad ,201-aad iyo 202-aad wuxuu qarka u saaran yahay inuu soo qabto kana taqluuso Xiddiga heeysta Iskoorka Gooldhalinta Taariikhda kooxda Fc Barcelona waa Cesar Rodriguez oo dhaliyey 235-Gool. Leo Messi waa 24 jir looga fadhiyo wacdaro intaan ka badan in kastoo dhanka Qarankiisa Argentina uu Messi ka yahay Dooro qoyday. Messi 3 cisho gudahood waxa uu ku dhaliyey 6-Gool waa marka la isku daro Goolashaan iyo kuwii uu abeenkii Sabtida eheed dhanka La Liga ka soo xareeyey kooxda Mallorca. Marka laga soo tago Iskoorka iyo bood boodka Leo Messi waxaa isna dhankiisa Iskoor yaalay mudo 40 sano ah Jabiyey Boortaha Fc Barcelona Victor Valdes.Isku dar Daqiiqado lagu sheegay 877-Daqiiqo Voctor Valdes Gool waa laga xareeyn la´yahay shabaqiisa waxaana ugu dambeeysay Gool laga dhaliyo Boortahaan Ciyaartii 21 bishii Sebtembar dhex martay kooxaha Valencia Vs Fc Barcelona (2-2) . Iskoorkaan Cusub Goolhaye Victor Valdes wuxuu kala wareegay Ex-Goolhayihii hore ee Fc Barcelona waa Miguel Reina oo 824-Daqiiqo aan laga dhalin Shabaqiisa wax Goolal ah wexeeyna xiligaas eheed Sanadihii 1972/73). Fc Barcelona 4-0 ayeey ku soo qaarajisay kooxda Viktoria Pilsen waxaana 3 ka mid ah Goolashaas u saxiixay La Taliye Leo Messi halka uu Goolka kale raacsaday Cesc Fabregas oo dhaawac ka soo kacay (Daqiiqadii 72-aad) Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=neX2aSuNYD8. Ac Milan oo Guruub H kula jirta Fc Barcelona waxaa Isbaaro u dhigatay kooxda heeysata Horyaalka Belarussia waa BATE Borisow wexeeyna ku kala bexeen 1-1 . Goolka Ac Milan waxaa u saxiixay Xiddiga Reer Sweden Zlatan Ibrahimovic . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=j3KKf5jPN3c .
Fiiro gaar ah : Waxaa weli jiran oo Isbitaal ku jira Xiddiga Ac Milan Antonio Cassano oo la sheegay inuu ku furmay Dhiig dhanka Madaxa ah waan Cudur qatar ah run ahaantii.
Guruubkaan H waxaa si toos ah u soo baxay kooxaha kala ah fc Barcelona iyo Ac Milan wexeeyna dhanka Guruubka u kala horeeyaan sidan :
| 1. |
FC Barcelona* |
4 |
3 |
1 |
0 |
13:2 |
10 |
| 2. |
AC Milan * |
4 |
2 |
2 |
0 |
7:3 |
8 |
| 3. |
BATE Borisow |
4 |
0 |
2 |
2 |
2:9 |
2 |
| 4. |
Viktoria Pilsen |
4 |
0 |
1 |
3 |
1:9 |
1 |
Fc Arsenal oo guruub F Hogaamiye kooxeed ka ah wexeey 0-0 ku kala bexeen kooxda Olympique Marseille waxaana binji ama Nasiino la galiyey ilaa Daqiiqadii 60-aad Laacibkooda kacsan maalmahaan waa Ciyaaryahan Robin van Persie . Fc Arsenal oo dhamaadkii ciyaarta Jaanis badan iska beerdareeysay waxaa ciyaarta qeeybteedii hore ku kacsaday Arsenal Wiilasha Walaalaha ah ee u ciyaara kooxda Olympique Marseille & Qaranka Ghana waa Andrea Ayew iyo Jordan Ayew .
Isla guruubkaan F waxaa guushii ugu horeeysay koobka Champions League gaartay tan iyo 18 Bishii Marso sanadkii 2003 kooxda Borussia Dortmund oo heeysata horyaalka dalka Germany .
Borussia Dortmund wexeey 1-0 ku garaacday kooxda Olympiakos ee dalka Giriiga waxaana goolkaas Agoonka ah oo Darbo Kulul eheed u saxiixay Xiddiga Qaranka Germany Kevin Grosskreutz oo Paas nuuca loo yaqaan ii salax ka helay Mucjisada cusub ee Qaranka Germany Mario Götze daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore . Guruubkaan F waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan hoose.
| 1. |
Fc Arsenal |
4 |
2 |
2 |
0 |
4:2 |
8 |
| 2. |
Olympique Marseille |
4 |
2 |
1 |
1 |
4:1 |
7 |
| 3. |
Borussia Dortmund |
4 |
1 |
1 |
2 |
3:7 |
4 |
| 4. |
Olympiakos |
4 |
1 |
0 |
3 |
4:5 |
3 |
Fc Chelsea oo Qabqable ka ah Guruub E waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay kooxda reer Beljem ee Genk waxaana gooka u saxiixay Fc Chelsea xiddiga reer Brazil Ramires in kastoo Fc Chelsea uu Rigoore ka qasaariyey Xiddig aan weligiis Rigoore qasaarin waa intii uu Benfica u ciyaari jiray waa Laacibka Qaranka Brazil David Luiz Daqiiqadii 40-aad.
Isla Guruubkaan F waxaa hilfaha loo qaaday oo 3-1 looga taqluusay kooxda Bayer Leverkusen oo aaday Guriga Fc Valencia. Goolasha Valencia waxaa u kala saxiixay Jonas oo ilbiriqsigii 11-aad ee bilowga ciyaarta ka faaideeystay qalad uu suubiyey Goolhayaha Leverkusen Leno, Goolasha kale waxaa kala saxiixay Roberto Saldado Daqiiqadii 65-aad iyo Adil Rami Daqiiqadii 75-aad.
Goolka Bayer Leverkusen waxaa ku tuurtay Ciyaaryahan Stephan Kiessling Daqiiqadii 31-aad ka dib markii uu Paas cajiib ah ka helay Laacib Michael Ballack oo Wajiga looga soo xiray Maske maadaama uu Sanka ka murgocday kulankii uu Isbuucaan Goolka kaga soo badiyey kooxda Freiburg oo ka dhisan horyaalka Bundesligaha dalka Jarmalka. Guruubka E ayaa kooxaha wexeey u kala horeeyaan sidan :
| 1. |
Chelsea |
4 |
2 |
2 |
0 |
9:2 |
8 |
| 2. |
Bayer Leverkusen |
4 |
2 |
0 |
2 |
5:6 |
6 |
| 3. |
Valencia |
4 |
1 |
2 |
1 |
5:4 |
5 |
| 4. |
KRC Genk |
4 |
0 |
2 |
2 |
1:8 |
2 |
Dhanka kale kooxda Fc Porto oo heeysata horyaalka Portugal, Zenit St. Petersburg oo iyana heeysata Horyaalka Russia iyo Shachtor Donezk oo soo qaaday Horyaalka dalka Ukraine waxaa dhamaantood ka yaabsatay oo kaalinta 1-aad ee Guruub G ka degtay kooxda yar ee lagu magacaabo APOEL Nikosia kana dhisan Jasiirada Qubrus. Kulankii ugu dambeeyey kooxda Apoel Nikosia wexeey 2-1 ku qaarajisay kooxda Fc Porto . Guruub G kooxaha wexeey u kala horeeyaan qaabkaan hoose :
| 1. |
APOEL Nikosia |
4 |
2 |
2 |
0 |
6:4 |
8 |
| 2. |
Zenit St. Petersburg |
4 |
2 |
1 |
1 |
7:5 |
7 |
| 3. |
FC Porto |
4 |
1 |
1 |
2 |
5:7 |
4 |
| 4. |
Schachtjor Donezk |
4 |
0 |
2 |
2 |
4:6 |
2 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!