WORLD SPORT NEWS : Qaliinkii dhanka wadnaha ahaa ee Ciyaaryahan Antonio Cassano oo lagu guuleeystay,* Alex Pato oo Isbitaalka ka tagi diiday,* Qaramada Holland Vs Germany goorta eey ciyaarayaan oo la shaaciyey Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
Maanta oo Jimco ah gelinkii hore waxaa si Nasiib ah loogu guuleeystay Qaliinkii dhanka Wadnaha ahaa ee lagu sameeyey Xiddiga Qaranka Italy & kooxda Ac Milan Antonio Cassano. Goobta uu Qaliinka ka dhacay oo eheed Isbitaalka lagu magacaabo San Donato waxaa banaanka soo buux dhaafiyey Ehelada Ciyaaryahan Antonio Cassano iyo Taageerayaashiisa qaaska ah oo ka kala socday kooxihii uu horay ugu soo ciyaaray sida As Roma, Real Madrid,Sampdorio iyo Ac Milan.
Qaliinka lagu sameeyey Mr.Cassano wuxuu ahaa mid halis ah oo nuuciisa waxaa ku Xijaabtay ama u dhintay dad fara badan . Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay Weeraryahanka Qaranka reer Brazil Alex Pato oo la ag dhaqaajin waayey Isbitaalka ama goobtii uu Qaliinka maanta ka socday.
Pato waxaa la sheegay inuu soo kalahay oo xili Aroor hore ah uu iska soo xaadiray Isbitaalka San Donato wuxuuna ku jiray dadkii Dhaqtarka Afkiisa ka sugayey in Antonio Cassano Qaliinkii dhanka Wadnaha looga suubiyey uu la xijaabtay ama lagu guuleeystay.
" Cassano waa sidii Wiil walaalkey oo kale ah taas ayaana igu qasabtay inaan ka ag tagi waayo Isbitaalka San Donato mudo 3 cisho ah ayuu yiri Weeraryahan Pato,,
Ciyaaryahan Antonio Cassano ayaa Garoomada Caalamiga ah ka maqnaan doona mudo 6 Bilood ah (War bixinta Cassano oo Tarjuman ka Akhriso barta ugu hooseeyso Beejkaan) !!
*** Dalalka Germany iyo Holland oo dhanka Ciyaaraha kubada Cagta isku ximiya weliba Daris ah ayaa waxaa la shaaciyey goorta eey kulan Saaxiibtinimo yeelan doonaan ama Cagaha iska tumi doonan.
Xulka Germany 15-ka bishaan Novembar wexeey magaalada Hambrug ku qaabili doonaan Qaranka Oranjiga reer Holland laakiin ka hor Taariiqdaas 11 Novembar ayaa lagu wadaa ineey Qaranka Germany Magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine Ciyaar adag kula soo yeeshaan Qaranka Ukraine.
*** Difaaca Fc Bayern Munchen Breno oo Bil ka hor qarxiyey ama gubay Guri uu ku lahaa Xaafada Grünwald ee magaalada Munichen ayaa markii ugu horeeysay waxaa lagu dhex arkay Xiddigaha Bayer Munich isga oo la tababaranaayo. Xiddigaan oo weli Dacwadiisa eey socoto wuxuu soo laqay ama xirnaa dhoor Isbuuc oo Xabsi ah.
*** Weeraryahanka Qaranka Holland iyo kooxda Fc Schalke ee dalka Germany Klaas Jan Huntelaar ayaa si aan horay loo arag uga dhiig baxay Sanka.
Xiddigaan wexeey isku dheceen Difaaca kooxdiisa Fc Schalke iyo Qaranka Kameroon balse ku dhashay dalka Germany waa Ciyaaryahan Joel Matip.
Dhibkaan ayaa waxa uu dhacay Ciyaartii koobka Europa League oo dhex martay kooxaha Fc Schalke Vs AEK Larnaka . Taageerayaal kor u dhaafay 52.077 Qof oo soo xaadirtay Garoonka Fc Schalke waxaa u cuntami weeysay Fc Schalke oo Bareejo 0-0 ah gurigeeda kula gashay kooxda AEK Larnaka oo ka socotay Jasiirada Qubrus halka 2-Isbuucii ka hor Fc Schalke eey Guriga AEK Larnaka 0-5 ku soo qaarajisay.
Ugu dambeeytii Weeraryahan Klaas Jan Huntelaar oo la isku dayey in la joojiyo Dhiigiisa ayaa taasi wexeey noqotay mid lagu guuldareeystay maadaama Telefishinada Caalamka si Live ah looga Daawanayey Dhiiga Huntelaar oo sidii Biyo camal uga soo daadanayey Sankiisa waxaana markii dambe loo la cararay Isbitaalka.
*** Macalinka kooxda Tottenham Mr.Harry Redknapp oo Qaliin yar looga sameeyey dhanka Wadnaha maalintii Arbacada eheed wuxuu dib ugu soo laaban doonaa dhanka Ciyaaraha. Harry Redknapp oo 64 jir ah kulankii kooxdiisa Tottenham la yeelatay kooxda Rubin Kasan oo ka dhisan horyaalka Russia wuu ka maqnaa waxaana Kulankaan oo Europa League ahaaTottenham looga soo badiyey 1-0.
*** Xiddigii hore ee Qaranka Germany Rudi Völler oo hada Gudoomiye ka ah kooxda Bayer Leverkusen waxaa loo kordhiyey Qandaraaska uu kooxdaas kula joogo kaas oo laga dhigay inuu ilaa Sanadka 2017-ka sii noqdo kooxda Bayer Leverkusen Masuulka maamula ama ugu sareeya.
*** Goolhayaha Qaranka Italy iyo kooxda Juventus Gianluigi Buffon wuxuu Jabaab kulul u diray Xiddigaha kooxda Napoli oo Jaraaidyada dalka Talyaaniga u sheegay ineey kulanka adag ee dhex mari doona Habeenka Axada Napoli Vs Juventus dhibcaha ka tirsan doonaan Juventus.
Gianluigi Buffon oo Skysport Italy maanta u waramayey waxa uu yiri sidan " Nin faanay waa Ri´ is nuugtay Napoli ma ahan ineey faanaan ciyaarta oo aan dhicin balse waxaan u sheegayaa Juve ma ahan sidii eey ahaan jirtay labadii sano ee ugu dambeeysay taas ha la socdeen Xiddigaha Napoli kuwooda faanay,,
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!
Cassano erfolgreich am Herzen operiert
Der italienische Nationalspieler und Star von AC Milan, Antonio Cassano, ist am Freitagvormittag am Herzen operiert worden.
Mit dem Eingriff wurde ein Herzdefekt behoben, der beim Milan-Star eine Störung im Gehirn ausgelöst hatte. Der 29-Jährige wurde in der Mailänder Poliklinik San Donato operiert, in der er sich seit Sonntag befindet. ?Alles ist gut verlaufen", hieß es aus ärztlichen Kreisen in Mailand.
Cassano erhielt zahlreiche Besuche und Genesungswünsche. ?Er ist heiter und optimistisch. Ich bin sicher, dass er bald aufs Spielfeld zurückkehren wird. Für mich ist er wie ein Bruder", sagte Cassanos Teamkollege, der Brasilianer Pato. Laut Einschätzungen der Ärzte wird Cassano wegen der Herzoperation mindestens sechs Monate pausieren müssen. Seine Karriere sei jedoch nicht gefährdet.